Maxaa ka jira in Mareykanka uu si dadban ugu jira dagaalka Ukraine?

Markabka Moskva

Xigashada Sawirka, MAX DELANY/AFP

Qoraalka sawirka, Markabka Moskva

Warbaahinta Mareykanka ayaa tibaaxday in Mareykanka uu bixiyay xogta sirta ah ee Ukraine ka caawisay in uu dego markabka Moskva, oo ah markabkii ugu weynaa ee Gantaalada Ruushka ee mara Badda Madow.

Masuuliyiin magacyadooda la qariyay ayaa sheegay in Ukraine ay weydiisay Mareykanka macluumaad ku saabsan markabka oo ka soo shiraacday koonfurta Odessa.

Mareykanka ayaa sheegay in markabka la yiraahdo Moskva ayna gacan ka geysteen xaqiijinta halka uu ku sugan yahay ka dibna Ukraine ay sidaasi laba gantaal ugu dhufutay.

Pentagon-ka Mareykanka ayaan ka hadlin wararkan ay baahiyeen warbaahinta. Balse afhayeen u hadlay waxa uu sheegay in Maraykanku uu markasta siiyo xog sirdoon oo ka caawinaysa Ukraine inay is difaacdo.

Warbaahinta oo soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin ayaa sheegay in aysan markaasi ogeyn in Ukraine ay beegsan doonto Moskva ka dib markii ay gacan ka geysteen sidii ay u heli lahaayeen macluumaadkiisa.

Markabkan ayaa hogaaminayay weerarkii ciidamada badda ee Ruushka ay ku qaadeen dalka Ukraine, waxaana degitaankiisu ahaa mid uur ku taallo iyo dharbaaxo militeri ah oo weyn ku noqotay Ruuska.

Dhinaca kale, afhayeenka Pentagon-ka John Kirby ayaa beeniyey warar hore oo warbaahintu ay qoreen oo ahaa in Maraykanku uu bixiyey xog ku saabsan goobaha ay ku sugan yihiin jeneraalada sare ee Ruushka ay ka joogaan goobaha dagaalka, si ciidamada Ukraine ay meesha uga saaraan.

"Ma bixinno xog sir ah oo ku saabsan goobaha dagaalka ee ay ku sugan yihiin taliyayaasha sare ee ciidamada (Ruushka) ee goobaha sidoo kalana kama qayb qaadano go'aamada ay gaarayaan ciidamada Ukraine," ayuu yiri.

Kirby waxa uu sheegay in Ukraine ay isku darsato xogta uu bixiyo Maraykanka iyo kuwa kale ee ay bixyaan sirdoonkooda goobaha dagaalka.

Golaha Ammaanka Qaranka ee Aqalka Cad ayaa sidoo kale beeniyay in Mareykanka uu ka caawinayo Ukraine beegsiga saraakiisha ugu sareysa Ruushka. "Ma bixinno macluumaadka lagu dilayo jeneraalada Ruushka," ayuu yiri Adrian Watson, afhayeenka golaha.

.

Xigashada Sawirka, MAXAR TECHNOLOGIES

Waxayna maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden sii xoojinayaan taageerada ay siiyaan Ukraine. Biden ayaa ka codsaday Congress-ka inay ansixiyaan $33 bilyan oo doolar oo isugu jira gargaar militari, dhaqaale, iyo bini'aadantinimo si loogu taageero Ukraine, isagoo ku adkeystay in Mareykanka "uusan weerarin Ruushka."

Lacagtan ayaa laba jibbaar ka badan intii uu Maraykanku hore ugu kharash gareeyey bixinta agabka milatari iyo gargaarka bini'aadantinimo ee Ukraine.

Tifaftiraha BBC-da ee Waqooyiga Ameerika, Sarah Smith, ayaa sheegtay in Biden uu doonayo inuu muujiyo inuusan ka niyad jabin hanjabaadaha ku saabsan suurtagalnimada isticmaalka hubka nukliyeerka, ama digniinaha madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ama suurtagalnimada ah in weeraro aargoosi ah lagu qaado waddamada faragelinta ku haya Ukraine.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in taageerada milatari ee reer galbeedka ee Ukraine ay khatar ku tahay "amniga qaaradda (Yurub).