Guusha Taliban: Muxuu Osama Bin Laden saaxiibkiis ka doonay Afghanistan?

Xigashada Sawirka, Twitter
Waxaa soo baxay muuqaal muujinaya soo laabashada mid ka mid ah dadkii aadka ugu dhowaa Osama Bin Laden, hoggaamiyihii Al-Qaacida ee ciidamada Mareykanka ay Pakistan ku dileen sanadkii 2011.
Waxaa la sheegay in qofka ka muuqda fiidiyow la baahiyay, oo aysan weli kooxaha ammaanka xaqiijin, uu yahay kaaliyihii ammaanka ee Osama Bin Laden, Dhaqtar Amin al-Xaq.
Muuqaalka oo muujinaya Al-Xaq oo shirka hore ee gaariga rakaabka fadhiya, ayaa la sheegay in Isniintii lagu duubay Nangarhar. Waxaa sidoo kale la arkayay in Al-HXq uusan salaanta ka qaadin dadkii salaamayay.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Weriyaha Afghanistan u dhasha,y Bilal Sarwary, oo muuqaalkan soo wadaagay, ayaa sheegay in Amin Al-Xaq uu aad ugu dhowaan Bin Laden.
Amin al-Xaq, oo ku jirya hoggaanka Al-Qaacida, ayaa ka qaxay Tora Bora, 20 sano kahor, kaddib markii isbahaysigii uu Mareykanka horkacayay ay qabsadeen Afghanistan, taas oo dabasocotay weerarradii September 11 ee 2001.
Tora Bora, oo ah halkii uu Bin Laden isku qarinayay waagaas, ayaa la qarxiyay ka dib qabsashadii Mareykanka iyo Xulafadiisa ee Afghanistan.
Kabul oo Mareykanka uu qabsaday bishii December 2001, Al-Qaacida ayaa isku ururisay Tora Bora iyo gobolka Waziristan ee Pakistan.
Xiriirka Taliban iyo Al-Qaacida ee lagu xusay warbixinta Qaramada Midoobay
Intii ay socdeen wada hadalladii Taliban iyo Mareykanka ee ka dhacay Dooxa, caasimadda Qatar, sanadkii hore, kuwaas oo Mareykanku uu ku oggolaaday in ay gebi ahaanba isaga baxaan Afghanistan, waxaa Taliban loo sheegay in sida keliya ee ay ku aqoonsan karto beesha caalamka ay tahay inay gebi ahaanba ka go'aan Al-Qaacida.
Warbixin ay dhowaan soo saareen Qaramada Midoobeey ayaa lagu sheegay in xiriir qabiil iyo mid guur oo dhow uu ka dhaxeeyo Taliban iyo Al-Qaacida.
Sida laga soo xigtay nin ka tirsan Ururka Asia Pacific oo Aqoonyahanno ah, Dr. Sajjan Gohel, wuxuu BBC-da u sheegay in lagu qiyaaso in inta u dhaxeysa 200-500 oo xubno Al-Qaacida ka tirsan ay ku sugan yihiin gobolka Kunar ee Afghanistan.
Gohel ayaa sheegay in tiradan la filayo in ay kororto maadaama ay Talibaan qabsadeen dalka Afghanistan.
Osama Bin Laden, aasaasihii Al-Qaacida, ayay ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ku dileen magaalada Abbotabad, Pakistan, sannadkii 2011.












