Waa kuma wiilka raacay raadkii aabihiis Usama Bin Laden?

Dowladda Mareykanka ayaa madaxiisa dul dhigtay $1m oo doolar cidii keenta macluumaad horseedi kara halka uu ku sugan yahay

Xigashada Sawirka, CIA

Qoraalka sawirka, Dowladda Mareykanka ayaa madaxiisa dul dhigtay $1m oo doolar cidii keenta macluumaad horseedi kara halka uu ku sugan yahay

Warbaahinta dalka Mareykanka oo soo xiganaya ilo sirdoon ayaa ku soo waramay in uu dhintay wiil uu dhalay hogaamiyihii Al Qaeda, Osama Bin Laden, kaas oo lagu magacaabo Hamza bin Laden.

Warbaahinta NBC ayaa sheegtay in mas'uuliyiinta aysan dhimashada Hamza ka bixinin fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qaabka uu u dhintay iyo halka uu ku dhintay.

Hamza bin Laden oo da'diisa lagu qiyaasay 30 sano ayaa dad badan waxay u arkayeen in uu yahay qof badeli kara xilkii uu aabihii ka hayay dhaqdhaqaaqa ururka al-Qaeda.

Sanadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii uu shacabka Carbeed ugu baaqay inay kacdoon sameeyaan, waxaana Dowladda Sacuudiga ay kala laabatay dhalashada dalkaas.

Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii hore sheegtay in lacag dhan hal milyan oo doolar ay siin doonta qofka soo sheega halka uu ku sugan yahay Hamza.

Sannadihii dambe wuxuu soo duubayay codad iyo muuqaallo uu qolyaha taageersan uga codsanayo inay weeraraan Maraykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka, si ay ugu aaraan dilkii aabihii.

Haddaba waa kuma ninkani?

Xamsa Bin Laden waxaa iska dhalay Usama Bin Laden iyo Kheyra Sabar oo ahayd mid ka mid ah saddexdii xaas ee hoggaamiyihii geeriyooday ee Al Qaacidda.

Sida ku qoran diiwaanka ay ka hayso wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, Xamze waxa da'diisa lagu qiyaasay 30 jir.

Waxa la rumeysanyahay in uu ku dhashay magaalada Jeddah, Sucuudiga, halkaas oo qoyska reer Bin Laden ay ku noolaayeen muddo badan. Waxaa halkaas ku nool awoowaha Xamsa, ayeeyadiis iyo waliba adeeradiis.

Waxaa la sheegay in wixii ka dambeeyay weeraradii ka dhacay Maraykanka ee 9/11 uu ku noolaa dalka Iran, isaga iyo xubno qoyskiisa kaa tirsan, waxaana la sheegay in ay aad u illaalinayeen ciidamada Iran.

Waxa uu guursaday gabadh uu dhalay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sarsare ee Alqaacidda oo lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed Cabdullaahi.

Muuqaal laga duubay arooskiisa ayaa laga heley hoygii Usama Bin Laden ee Pakistan, kadib weerarkii lagu dilay sannadkii 2011-kii.

Sidoo kale wargeyska Guardian ayaa qorey sannadkii hore in Xamsa uu sidoo kale guursaday gabadh uu dhalay Maxamed Cata oo ka mid ahaa raggii diyaaradaha afduubtay ee isku qarxiyay daarihii New York.

Xamse ayaa la sheegay in loo barbaariyay in uu bedelo aabihiis, islamarkaasna xilka ka dhaxlo.