Maxbuuskii hore ee xuddunta u ah dhismaha dowladda Islaamiga ah ee Afqaanistaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida dhawaan la baahiyey, Mullah Abdul Ghani Baradar, oo ah ku -xigeenka hoggaamiyaha Daalibaan ahna madaxa garabkeeda siyaasadeed, ayaa dhowaan gaaray Kabul si uu wadahadallo uga yeesho sidii loo soo dhisi lahaa xukuumadda cusub ee Afghanistan.
Caalamka ayaa si dhaw uga war dhowraya ninkan loo arka inuu yahay mid qunyara socod ah. Daalibaan ayaa hadda ku howlan dhismaha dowlad cusub.
Horumarkaan ayaa yimid kadib markii ay ku guuleysteen dagaalyahanada Daalibaan ay la wareegeen Afghanistan, oo ay ku jirto caasimada Kabul, kadib markii ay ciidamada shisheeye ka baxeen.
Mullah Baradar ayaa magaalada Dooxa, ee dalka Qadar kula saxeexday Mareykanka heshiis horseeday in Mareykanku ka baxo, taas oo dhabaha u xaartay in Talibanka ay gacanta ku dhigaan dalka, xarakadu waxay u ballanqaadday Afghanistan dowlad loo dhan yahay, in kasta oo ay dad badan shakiyeen.
Afhayeen u hadlay kooxdan ayaa sheegay inay ujeedadoodu tahay inay soo bandhigaan qaab -maamuleed cusub toddobaadyo gudahood.
Maxay kooxaha jihaadka ka wada Afrika ugu dabbaaldageen guusha Taalibaan?Hoggaamiyayaasha kale ee sare ee Daalibaan waxaa ka mid ah Kabul Khalil Haqqani oo ka tirsan shabakadda Haqqani ee mayalka adag - oo ka mid ah kooxaha ugu dilalka badan dhaqdhaqaaqa. Waxaa baadi goobayay Maraykanka oo ku daray liiska argagixisada ee Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.
In kasta oo Mullah Abdul Ghani Baradar uu yahay ninka labaad ee Talibanka ugu sarreeya ka dib hoggaamiyahooda, Mullah Hebatullah Akhundzadeh, haddana wargeyska The Economist ee Ingiriiska ayaa ku tilmaamay inuu yahay "hoggaamiyaha dhabta ah" ee xarakada, isagoo xusay in la filayo in loo magacaabo hoggaamiyaha ururka si degdeg ah u soo nooleeyay Imaaradii Islaamiga ee Afgaanistaan.
Isbeddellada ugu dambeeyay ayaa yimid si ay meesha uga saaraan shakigii ay qaar ka qabeen doorkii Brader ee ahaa nabad -doon, maadaama ay u maleeyeen in sannadihii uu xabsiga ku jiray ay wiiqday saamayntiisii dagaalyahannada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa ka mid ahaa afartii aasaasay dhaq-dhaqaaqa Daalibaan sanadkii 1994. Waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa hoggaamiyaha labaad ee ugu muhiimsanaa xarakada marka laga reebo Mullah Cumar, wuxuuna aad ugu dhawaa Osama bin Laden, hoggaamiyaha Al-Qaacida.
Mullah Baradar ayaa yaraantiisii la dagaallamay Mujaahidiintii ka soo horjeeday ciidamadii Soofiyeeti iyo dawladda Afqaanistaan oo ay ka tageen.
Barader wuxuu saaxiib dhow la ahaa Mullah Muxamed Cumar, oo uu ku magacaabi jiray "Barader", oo macnaheedu yahay "walaal".
Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa aad looga xushmeeyaa gudaha Taalibaan gaar ahaan dagaalyahanada.
Mullah Baradar wuxuu dhashay 1968, Tuulada Whitmak, Degmada Dehrawood, Gobolka Uruzgan, Afghanistan. Xog laga helay Interpol ayaa tilmaamaysa inuu ka soo jeedo qabiilka Durrani, oo ah isla qabiilka uu ka soo jeedo Madaxweynihii hore ee dalkaasi Xamiid Karzai.
Kadib duullaankii Mareykanka ee Afgaanistaan 2001 -dii iyo afgambigii dowladdii Daalibaan, Mullah Baradar wuxuu noqday xubin u muhiima xarakaadka kooxda iyo hoggaamiyaha hawlgalka.
Barader ayaa sii waday hoggaaminta dhaqdhaqaaqa ilaa laga qabtay bishii Febraayo 2010 magaalada Karachi ee Pakistan, kadib hawlgal milatari oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Maraykanka iyo kuwa Pakistan.
Magaca Mullah Baradar ayaa yimid meesha ugu sareysa liisaska maxaabiista ay xarakadu dalbatay sii deyntooda, wada xaajoodyadii is xigxigay ee ay la yeesheen saraakiisha Mareykanka iyo dowladda Afghanistan.
Si kastaba ha ahaatee, Afghanistan, oo ka shakisan in deriskeeda Pakistan in ay isku deyeyaan in ay saameeyaan arrimaheeda gudaha, ayaa sii wadday inay dalbato in loo soo gacan geliyo Baradar.
Dhaqdhaqaaqiisa Pakistan ayaa qarsoonaa, laakiin horraantii Oktoobar 2013 Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa loo wareejiyay guri ammaan ah oo ku yaal magaalada Peshawar oo u dhow soohdinta Afgaanistaan, taasoo astaan u ah tallaabo lagu billaabayo wadahadallada nabadda ee Taliban.
Tallaabadan ayaa timid iyada oo la rumaysan yahay in Afgaanistaan iyo Maraykanku aaminsan yihiin in Baradar uu hayo furaha joojinta dagaalka Afgaanistaan, marka la eego saamaynta uu leeyahay taas oo u saamaxaysa inuu ka dhaadhiciyo saaxiibbadiisii hore inay dagaalka joojiyaan.










