Colaadda Ukraine: Wax ka ogow gantaalka "dejiyay" markabkii dagaalka ee Ruushka

Xigashada Sawirka, Mike Right/Twitter
Mas'uul sare oo ka tirsan gaashaandhigga Maraykanka ayaa Jimcihii laga soo xigtay in markabkii Ruushka ee Moskva uu ku dhacay gantaal ah nooca loo yaqaan Neptune.
Markabka oo calan-side u ahaa maraakiibta dagaalka ee Ruushka ka jooga Badda Madow ayaa degay kadib markii sida ay sheegtay Moscow uu dab qabsaday.
Inkastoo uu Maraykanka sheegay in khasaaro nafadeed ay ka dhalatay dhacdadaas, Ruushka ayaa dhankiisa ku doodaya inuu daadgureeyay dhammaan 500 oo qof oo saarnaa markabka.
Moskva ayaa noqday markabkii ugu weynaa ee la dejiyo tan iyo intii uu dhammaaday dagaalkii labaad ee dunida.
Xukuumadda Kyiv ayaa guul muhiim ah ku tilmaantay dejinta markabkaas, oo kamid ahaa kuwa ugu caansan maraakiibta dagaalka ee Ruushka.
Waa markii ugu horreysay ee la shaaciyo in gantaalka Neptune lagu isticaamalay dagaal, waxaana faahfaahan dheeraad ah laga helay nooca uu yahay iyo bartilmaameedkiisa.

Xigashada Sawirka, Creative Commons.
Muxuu yahay gantaalka Neptune?
Waa gantaal ridadiisu dhexayso oo ay samaysatay Ukraine, looguna talogalay in lagu weerarro maraakiibta dagaalka sida Moskva oo kale.
Waxaa laga hindisay gantaalka KH-25 ee la sameeyay xilligii uu jiray Midowgii Soofiyeet, isla markaana laga gani jiray diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka.
Neptune ayaa laga ganaa gawaari loo sameeyay, waxaana lagu bartilmaameedsan karaa dhulka iyo badda. Waxa uu duqeyn karaa masaafo dhan 200 oo mayl, waxaana uu si buuxda u burburin karaa maraakiibta dagaalka noocyadooda waaweyn.
Waxa uu ku duulaa joog hoose, si aanay u dareemin raadaarada maraakiibta dagaalka, isla markaana aan loo soo ridin. Qaraxa ku xiran hal gantaal oo Neptune ah ayaa lagu qiyaasay inuu culays ahaan dhan yahay 150 kilo garam (ama saddex kiish oo bur ah).
Ukraine ayaa gantaalkaas tijaabadii u dambeysay marisay dabayaaqadii February markii uu bilowday duullaanka Ruushka, hase yeeshee waxa ay saraakiisha walaac ka qabeen waxtarkiisa, sida uu shaaciyay wargeyska the Wall Street Journal.
Qorshaha saraakiisha milateri ee Ukraine ayaa ahaa in Neptune ay dhammaadka bishan April geeyaan deegaannada badda u dhaw sida magaalada Odessa, si looga difaaco duqeymaha ay geysanayaan maraakiibta awoodda badan ee Ruushka.
Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Ukraine, Andriy Zagorodnyuk, ayaa u sheegay wargeyska the Wall Street Journal in gantaalka Neptune uu dalkiisa u sahlayo duqeyno meel kasta oo ka tirsan badda waddankaas.
Ruushka ayaa sheegay inuu weli xaqiijinayo waxa dhaliyay dabka ka kacay markabka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda, TASS.
Waxaa jira warar sheegaya in qarax ka dhashay rasaasta saarnayd Moskva uu duleeliyay khanka markabkaas, kadibna ay biyo soo galeen, sidaana uu ku degay.
Mar wax laga weydiiyay Madaxweyne Zelensky markabka dagaal ee Ruushka laga dejiyay - Moskva - ayaa waxa uu ku jawaabay inuu ahaa khatar waxyeelo badan u gaysatay dalkiisa.
"Mar kasta oo uu yaraado hubka uu Ruushka ku weerarayo dalkeena, waa mid noo wanaagsan," ayuu yiri madaxweynaha.











