Ciidamada Ruushka oo sheegay in gantaallada guuxooda ka dheereeya ay ku rideen Ukraine

Gantaalka Kinzhal

Xigashada Sawirka, Russian defence ministry

Qoraalka sawirka, Gantaalka Kinzhal

Ciidamada Ruushka ayaa gantaal kuwa guuxooda ka dheereeya oo nooca Ballistic ah ku garaacay isla markaana burburiyay bakhaar weyn oo lagu keydiyo hubka oo dhulka hoostiisa ah kaas oo ku yaallay galbeedka Ukraine, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee xukuumadda Moscow.

Haddii la xaqiijiyo waxay noqonaysaa markii ugu horreysay ee Ruushku uu hubkan u adeegsado dagaalka kaas oo hawada laga soo riday, oo ay u badan tahay in ay fulisay diyaaradda dagaalka ee MiG-31.

Haddaba, maxay yihiin gantaallada guuxooda ka dheereeya?

Madaxweyne Vladimir Putin waxa uu si joogto ah ugu soo celceliyay in Ruushka uu maalgelinayo sameynta gantaallada guuxooda ka dheereeya.

Sida laga soo xigtay Ruushka, gantaallada Kinzhal wuxuu gaari karaa ilaa 2,000 kiiloomiitar, Laakiin miyuu ka halis badan yahay gantaallada kale ama xitaa madaafiicda kaasoo keeni kara dhimasho iyo burbur aad u badan?

"Uma arko mid sidaas u weyn," ayuu yiri James Acton, oo ku takhasusay siyaasadda nukliyeerka ee xarunta Carnegie Endowment for Peace International. "Ma garanayo inta ay le'eg tahay faa'iidada uu Ruushku ka helayo isticmaalka gantaallada guuxooda ka dheereeya."

.
1px transparent line

Ruushka ayaa bishii December ee sanadkii tagey ku guuleystay tijaabinta hub lagu magacaabo Zircon ee sida aadka ah u dheereeya kaas oo ay ciidamada badda ka ganeen gudaha markab gujis ah, sida ay sheegeen militariga dalkaas.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amaanay hubkan casriga ah ee ugu magac daray 'il-ma-qabato'.

Madaxweynaha Ruushka, Putin, ayaa sheegay in hubkan uu 9 jeer ka dheereeyo guuxa diyaaradaha uuna jari karo masaafo gaareysa 1,000 Km.

Ruushka ayaa soo bandhigay muuqaal ay ku sheegeen inuu ahaa gantaalkii ay ku garaaceen keydka hubka ee Deliatyn, halkaas oo ah tuulo ku taal koonfur-galbeed ee Ukraine oo 100km kaliya u jirta xadka Romania.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

1px transparent line

"Waa astaan uu isku muujinayo Ruushka, xitaa haddii la isticmaalo waa inaan u aragnaa in uu ku jiro xaalad go'doon ah sababtoo ah Ruushka ma haysto tiro badan oo gantaalladan ah," ayay tiri Dominika Kunertova oo ka tirsan xarunta daraasaadka amniga ee Zurich.

'Ma ahan wax isbaddal keenaya'

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa afar sano ka hor sheegay in Kinzhal uu yahay mid ka mid ah hubka "aan laga adkaan karin" oo aysan ku dhici karin isha cadawga.

Gantaalada kale ee guuxooda ka dheereeya ee uu heysto Ruushka waxaa kamid ah noocyada kala ah Zirkon iyo Avangard.

Hubka Kinzhal ayaa qaadi karaa madaxyada Nukliyeerka, wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ee MiG-31 loo diray deegaanka Kaliningrad, ma jirto wax astaan ah oo muujineysaa halka laga soo abaabuulay weerarka lagu qaaday bakhaarka hubka.

"Waa farriin loo dirayo Reer galbeedka sababta oo ah Putin wuxuu ka carooday in waddamada galbeedaka ay ku dhiiradeen inay dhammaan hubkan u wareejiyaan Ukraine" ayay tiri Kunertova oo la hadleysay BBC-da.

"Waa su'aal is weydiin mudan oo sax ah, marka ma ahan wax isbaddal keenaya"

line

Wararka la xiriira dagaalka Ukraine

line

James Action waxaa uu sheegay in gantaalka Kinzhal loo maleynayo in uu yahay gantaalka Iskander oo lagu rakibay diyaaradaha dagaalka, waxaana gantaalada Iskander-M ay hore u rideen diyaaradaha Ruuushka tan iyo bilowgii dagaalka.

Inkasta oo gantaalka Iskander-M uu ka xawaare yar yahay gantaallada hawada laga rido , haddana wasaaradda difaaca ee Ukraine ayaa toddobaadkan sheegtay in Ruushku uu riday ku dhawaad ​​dhammaan gantaalladiisii ​​Iskander ee 20-kii maalmood ee ugu horreeyay ee dagaalka.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa laga soo xigtay Jimcihii in ciidamada Ruushka ay Ukraine ku rideen in ka badan 1,080 gantaal tan iyo markii uu duullaanka ku qaaday dalkaas.

"Waa tiro la yaab leh iyo qeyb weyn oo kamid hubka Ruushka, waxaa laga yaabaa in uu gabaabsi ku timaado rasaastiisa" ayuu yiri Acton oo ka hadlayay kororka bambaanooyinka aan la hagin ee Ruushka xilli uu duqeymo ka fulinayo hawada Ukraine.