Sidee bay Iiraan uga jawaabi doontaa ka dib markii Maraykanku beddelay jihada colaadda?

Maraykanka iyo Iran

Xigashada Sawirka, EPA

Markii Benjamin Netanyahu uu soo istaagay minbarka xafiiska Ra'iiusl wasaaraha Israa'iil subaxnimadii ma uusan jeedin khudbad afka cibraaniga taas oo toos ugu wajahnayd shacabka Israa'iil siu u ugu warbixiyo xaalaadda cusub ee colaadda.

Taa beddelkeeda, wuxuu si toos ah ugu hadlay Af Ingiriis, isagoo si toos ah ula hadlayey, kuna ammaanayay Madaxweyne Donald Trump, kadib weerarkii Maraykanku ku qaaday goobaha nukliyeerka ee Iran.

Hadalkiisa waxaa laga dheehan karay guul iyo rayn-rayn, taasoo aan la yaab lahayn marka la eego in Netanyahu inta badan noloshiisa siyaasadeed uu ku bixiyay ka-digtoonaanta khatarta uu Iran u arko in ay ku hayso Israa'iil.

Netanyahu wuxuu 15-kii sano ee la soo dhaafay dadaal badan ku bixiyay sidii uu Maraykanka — iyo madaxweynayaashiisa — ugu qancin lahaa in halka dariiq oo keliya ee wax looga qaban karo barnaamijka hubka nukliyeerka Iran uu yahay tallaabo ciidan, oo si gaar ah u adeegsaneysa hubka Maraykanka.

Isagoo Trump ugu hambalyeyey go'aanka geesinimada leh kaas "beddeli doona taariikhda", Netemyahu wuxuu sidoo u hambalyeyey naftiisa, isagoo ku guuleystay inuu beddelo fikirkii madaxweynaha Marayknaka uga soo horjeeday faragelinta milatari oo dibada ah.

Waxa kale oo xusid mudan in Trump, hay'adaha sirdoonka aanay la wadaagin qiimaynta Israa'iil ee ku aaddan sida degdegga ah ee Iran ay u raadin karto in ay samaysato hubka Nukliyeerka, iyo in kale in ay go'aankaas qaadatay.

Intii lagu jiray iskahorimaadkan, oo bilowday 10 maalmood oo keliya ka hor, dawladda Israa'iil iyo milatarigu waxay ku adkaysanayeen in Israa'iil ay awood u leedahay in ay keligeed wax uga qabato khatarta Iran.

Laakiin ma ahayn wax qarsoodi ah in Mareykanka oo kaliya uu haysto hubka weyn ee awood u leh inuu wax ka qabto heerarka ugu xooggan ee ilaalinta xarumaha nukliyeerka ee Iran, gaar ahaan Fordo, oo laga dhisay gudaha buur.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Haddii goobaha Nukliyeerka ee xalay la duqeeyay ay hadda yihiin kuwo aan la isticmaali karin, markaas ra'iisul wasaaraha Israa'iil waxa uu awood u yeelan doonaa in uu ku dhawaaqo hadafkiisa ugu weyn ee dagaalka, laga yaabo in uu soo afjaro khilaafkan. Dhankeeda Iran ayaa sheegtay in ay horay u rartay walxaheeda Nukliyeerka.

Laakiin haddii aanay jiri lahayn duqeyntii xalay, Israa'iil waxay sii wadi lahayd weerarada ay qorsheysay muddo sannado ah, iyadoo liis dheer oo bartilmaameedyo ah ay ciidamadeeda cirka horey u diyaariyeen.

Waxyeello ayaa sii gaari lahayd ciidamada milatariga Iran, saraakiishooda, saynisyahannada barnaamijka nukliyeerka, kaabayaasha dowladda, iyo qaybaha barnaamijka nukliyeerka ee ay bambooyinka Israa'iil gaari karaan.

Laakiin Netanyahu waxaa laga yaabaa inuusan heli lahayn fursad cad oo Israa'iil ku sheegto in halista nukliyeer ee Iran si buuxda loo tirtiray. Waxaa laga yaabaa in kaliya isbeddel xukun oo ka dhaca Iran uu keeni lahaa xaalad Israa'iil u aragto in khatartaasi meesha ka baxday.

Maraykanka iyo Iran

Xigashada Sawirka, EPA

Duqeymaha ay fuliyeen diyaaradaha B2 ee Maraykanka, kuwaas oo ah kuwa ugu casrisan uguna awoodda badan dunida, si dhab ah ayay u beddeleen jihada dagaalka. Haddii uu dagaalku sii fido iyo in kale, waxay hadda ku xiran tahay sida ay Iran iyo xulafadeedu uga falceliyaan.

Toddobaadkii hore, Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, wuxuu si cad u sheegay in haddii Maraykanku si toos ah dagaalka ugu biiro, ay jawaab adag ka imaan doonto.

"Maraykanku waa inuu ogaadaa in faragelin millatari oo uu sameeyo ay si shaki la'aan ah u keeni doonto khasaare aan la sixi karin." ayuu yiri Khamenei.

Kaliya Sabtidii kooxda Xuutiyiinta Yemen - xulafada adag ee Iran - waxay ku hanjabeen inay weerari doonaan maraakiibta Mareykanka ee mara Badda Cas haddii Mareykanka uu galo dagaalka.

Shaqaalaha militariga Mareykanka, ganacsiyada, iyo muwaadiniinta gobolka ayaa hadda ah bartilmaameedyo suurtagal ah. Iran waxay dib u weerari kartaa siyaabo kala duwan, haddii ay sidaas doorato, weerarto maraakiibta dagaalka ee Maraykanka, ama saldhigyada Khaliijka, oo ay suurtogal tahay inay carqaladeeyaan qulqulka saliidda ee Khaliijka, waxayna kicin kartaa qiimaha shidaalka.

Maraykanku waxa uu ka dhawaajiyay in, hadda, tallaabadiisii millatari ay dhammaatay, oo aanay dani ugu jirin in la rido xukuumadda Tehran.

Taasi waxay ku dhiirigelin kartaa Iran inay xaddiddo jawaabteeda, laga yaabee inay weerarto bartilmaameedyada Mareykanka siyaabo aan u horseedin khasaare badan, ama ay u adeegsato wakiillada gobolka inay sidaas oo kale sameeyaan.

Iran waxay tallaabadan oo kale qaaday kadib markii Donald Trump amar ku bixiyay dilkii Qasem Soleimani ee 2020. Markii danbe, Iran waxay uga jawaabtay si xaddidan, iyada oo aan dagaal ballaaran ka abuurin.

Saaka oo dhan Bariga Dhexe neefta ayaa ku dhegan, waxaana la sugayaa in tani ay calaamad u tahay dhamaadka colaadan, ama bilawga weji kale oo dhimasho ka sii badan oo dagaalka ah.