Maraykanka oo dhaqaajiyey diyaaradihiisa wax duqeeya ee qarsoodiga, halkeese la geeyey

Xigashada Sawirka, Getty Images
Milatariga Maraykanka ayaa diyaaradaha Maraykanka ee B-2 u diray jasiiradda Guam ee ku taalla badweynta Baasifigga ee Maraykanka, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka.
Diyaaradahaan waaweyn ayaa loo arkaa in ay yihiin kuwa kaliya ee awood u leh in ay qaadaan hub awood u leh in uu garaaco xarunta nukliyeerka ee ugu ilaalinta badan Iiraan, taas oo ku qarsoon gunta hoose ee dhulka buur salkeed.
Mas'uuliyiinta Mareykanka kama aysan hadlin in dirista diyaaradahani ay la xiriirto xiisadda ka taagan Bariga Dhexe. BBC-du si madax-bannaan ugama aysan xaqiijin tallaabadan.
Jimcihii, Trump waxa uu sheegay in ugu badnaan laba toddobaad uu Iiran siin doono in lagu gaaro heshiis lagu xaddidayo barnaamijkeeda Nukliyeerka si looga hortago weerarrada Mareykanka.
Diyaaradahan ayaa sida wararku sheegayaan loo diray jasiirada Guam iyagoo laga soo dhaqaajiyey gobolka Missouri ee Maraykanka, inkasta oo aan si rasmi ah loo sheegin in tallaabadani la xiriirto arrimaha ku saabsan ka qayb galka Maraykanka ee dagaalka Israa'iil kula jirto Iran.

Diyaaradahan waaweyn, oo baalalkoodu ka ballaaran yihiin in ka badan 50 mitir, waa diyaaradaha kaliya ee awood u leh in ay qaadaan bamka GBU-57 Massive Ordnance Penetrator, oo ah bam culus oo miisaankiisu yahay 13,608 tan, oo ah Bam dhulka hoose dalooliya, kaas oo khubaradu sheegaan inuu lagama maarmaan u yahay in lagu burburiyo xarunta qoto dheer ee nukliyeerka ee Iiraan ee ku taalla Fordo.
Xaruntan waxaa la rumeysan yahay inay si hoose dhulka hoos ugu qodon tahay qiyaastii 100 mitir, iyadoo lagu ilaaliyey shub xooggan oo la xoojiyey. Inkastoo Israa'iil ay ku sarreyso hawada, haddana ma laha hubka awood u leh inay waxyeeleeyaan xaruntan, sidaas darteed waxay u baahan tahay taageerada Maraykanka.
Qiyaastii 9,500 kiiloomitir oo bari ka xigta Fordo, jasiiradda Guam malaha ma aha saldhigga ugu macquulsan ee laga bilaabi karo weerar kasta.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa kale oo jira warar la isla dhexmarayay oo sheegaya in xarunta UK, Diego Garcia, oo laba jeer ugu dhow Iran marka loo eego Guam, loo isticmaali karo meel fariisin ah.
Tani waxay abuuri kartaa dhibaato siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo weyn oo ku timaadda dowladda Ingiriiska, maadaama ay tahay inay ansixiso weerar kasta oo Maraykanku sameeyo, taas oo laga yaabo inay saldhigyada UK ka dhigto bartilmaameedka aargoosiga Iran.
Ma cadda sababta Guman loo soo wariyey in loo doortay inay noqoto meesha ay tagayaan diyaaraha wax duqeeya. Masuuliyiin Maraykanka ayaa u sheegay warbaahinta CBS News ee Maraykanka in loo malanayso inay sabbatu tahay in saldhiga Guman uu ku wanaagsan yahay howlgalada sirta marka la eego Deigo Garcia.
Toddobaadkii hore, ugu yaraan 30 diyaaradood oo militariga Mareykanka ah ayaa laga raray Mareykanka oo la geeyay Yurub, sida lagu sheegay xogta dabagalka duulimaadka ee ay dib u eegtay BBC-du.
Diyaaradahan la tilmamayo ayaa ah dhammaan diyaaraha Militariga Maraykanka ee shidaalka siiyada diyaaraha dagaalka iyo kuwa wax duqeeyaha. Sida laga soo xigtay Flightradar24, toddobo ka mida kuwan oo dhammaan ah KC-135s, ayaa ku hakaday saldhigyda hawada ee Maryaknka ku leeyahay dalka Spain, Scotland and England.
Dhaqdhaqaadooda ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan warar sheegay in sidoo kale Maraykanku uu ka soo dhaqaajiyey markabkiisa diyaaraha Xambaara ee USS Nimitz, koonfurta badda shiinaha una dhaqaajiyey dhanka Bariga Dhexe, Nimits ayaa sida qayb ka mida diyaaraha dagaalka waxana galbinaya dhowr markab oo nooca gantaaladda burburiya ah.
Maraykanka aya sidoo kale u raray diyaaradaha dagaalka ee F-16, F-22 and F-35 saldhigyadiisa Bariga Dhexe, sida ay wakaalada wararka ee Reuters u sheegeen saddex sarkaal difaac oo Maraykanka ah tallaadadii. Diyaaraha booyadaha ah ayaa sidoo kale laga soo wareejineyey Yurub muddo toddobaadyo ah kuwaas oo loo isticmaalo inay shidaaliyaan diyaaraha dagaalka.













