Aqalka cad: Tan iyo Markii Trump xafiiska yimid 100 daacish ah ayaan ku dilnay Soomaaliya

Calmiskaad

Xigashada Sawirka, The White House

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay dishay ilaa 10 xubnoo oo ka mid ah kooxaha argagixisada, ayna si aan soo laabasho lahayn uga saartay goobaha dagaalka Soomaaliya.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ee Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa muujinaya dhaqdhaqaaqa dad soconaya oo kor laga calaamdeeyay, ayna ku dhacayso duqayn, iyada oo goobta oo dhan uu is-qabsaday qiiqa ka dhashay duqaynta gantaalka.

''Ma aynaan ilaawin khatarta Jihaadiyiinta. 10 kale ayaan si abadi uga saarnay shalay goobaha dagaalka Soomaaliya'' ayaa lagu yiri qoraalka Aqalka cad.

Qoraalka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu sheegay in tani ay tirada guud ee laga dilay ururka Daacish ee Soomaaliya ay ka dhigayso in ka badan boqol xubnood.

"Waan idin heli doonaa iyo waan idin dili doonaa", oo ah erayo uu horay u isticmaalay Trump ayaa la sii raaciyay qoraalka.

Maalmo ka hor Puntland ayaa xaqiijisay dilka sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish, kaas oo ay ku sheegeen inuu u qaabilsanaa isku xirka iyo xiriirinta ajaanibta.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Maxamed Nuur oo u warramay BBC-da ayaa sheegay in ninkan oo lagu magacaabay Axmed Muuse Siciid uu kaalin muhiim ah ugu jiray kooxda.

"Shaqadiisa ugu muhiimsan waxay ahayd xiriirinta iyo isku xirka argagixisada ajaanibta ah, iyo sidii dalkan gudihiisa ay u keeni lahaayeen dadka dagaalka nagula jiray" ayuu yiri.

Maalmo kooban ka dib markii uu xilka la wareegay Donald Trump, waxa uu amar ku bixiyay in la duqeeyo fariisimaha daacish Soomaaliya.

Weerarada Maraykanka ee Daacishta Soomaalia

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Laga soo bilaabo billowgii bishii Febraayo, duqayntii uu amray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee laga fuliyey Buuraha Calmiskaad, waxaa xigay duqaymo kale oo Maraykanka iyo saaxiibbada caalamiga ee Soomaaliya ay ka fuliyeen agaggaasi.

Xaqiiqda ah in Soomaaliya ay noqotay bartilmaameedkii ugu horreeyay ee howlgallada ay fuliyeen maamulka Donald Trump, ayaa u muuqatay mid ka duwan filashada dad badan oo arkayay in Mareykanka uu qorsheynayo yaraynta taageerada wadamada Afrika ee Soomaaliya ka mid tahay.

Wixii ka dambeeyay Febraayo, waxa kordhay duqaymaha howlgalka Africom ay ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ee Puntland.

Trump ayaa muddo xileedkiisa koobaad shaaciyay in Maraykanku dilay hugaamiyahii hore ee kooxda IS, Abubakar al Baghdadi. Sido kale 2019 kii ayaa lagu dhawaaqay in si rasmi ah loo jabiyay wixii la oron jiray Dawladda Islaamiga ah.

Axmed Saki Faarax Iidle, oo xiriirka caalamiga ah bartay ayaa sharaxay in ciidamada Africom ay heleen madax banaani ay hawlgallada qaar iyagu go'aano qaadan karaan, taasina ay saaciday hawlgalladooda.

Wareysi uu goor sii horeysay siiyay BBC taliyihii hore ee ciidanka dhulka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi isaga oo ka hadlayay fa'iidada duqaymaha ayuu yiri "waa kuwo dhiiri galinaya ciidamada waxayna jabiyaan niyadda cadowga" sida uu sheegay.

Jeneral Biixi waxaa uu sheegay in marka ciidamadu dagaal ku jiraan haddii ay is helaan howlgallada dhulka iyo cirku ay dhaliyaan guulo laga gaaro dagaalka.

"Duqaymaha iyo diyaaradaha caawinayaa, qayb weyn ayay ka yihiin dagaalka sababtu waxaa weeye marka ugu horreysa waxay beegsanayaan talisyada fog fog ee ay ku dhuumaalaysanayaan, waxaa jira godad waaweyn oo aad u waaweyn oo an hubka intiisa kale wax ka tari karin oo iyagu duminayaan ama burburinayaan, iyagu laftoodu waxay isugu jiraan laba nooc, nooca wax sawira oo marka ugu horreeya wax indha indhaynaysa meelaha cadowgu ku jiro, melaha baraha, meelaha taliska ah iyo meelaha gaadiidku yaallo iyo mida duqaynta labaduba waa mihiim" ayuu BBC-da u sheegay jeneraal Biixi.