Faylashii fadeexadda ee Jeffrey Epstein oo laga helay magaca madaxweynihii hore ee Iiraan Axmdinejad

Axmedijanad, madaxweynihii hore ee Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Axmedijanad, madaxweynihii hore ee Iiraan
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Waaxda hubinta xaqiiqooyinka ee BBC Persian, iyada oo baareysa dukumentiyo dhawaan la sii daayay oo la xiriira kiiska Jeffrey Epstein, oo ah nin gaystay dambiyo la xiriira galmo oo Mareykan ah, dhawaanna Waaxda Caddaaladda ee Mareykanku ay shaacisay dukumentiyadaas ayaa waxaa feylashaasi lagu xusay magaca Maxamuud Axmadinejad, madaxweynihii hore ee dalka Iiraan.

Dukumentigan waa email uu qof la yiraahdo Robert Trivers u diray Epstein. emailka ayaa u qornaa sidan:

"Emailka loo diray Epstein wuxuu u qornaa sidan: "Wax kale oo aan kaa jeclahay, laakiin ma fahmin, oo aanan weli ka hadlin, waa inaad qalloocan tahay oo aad u qaloocsan tahay macaamilkaaga asxaabtaada siyaasadeed. Haddii aad noqon lahayd mid ka tarjumaya kuwa kula jira, waxaad noqon lahayd hantiwadaag xagjir ah, halkaas oo aad l amid noqon laheed Fidel Castro oo uu saaxiibkaa ku weydiin lahaa, 'Sideen u caawin karaa?' Waxaad tahay Islaami xagjir ah sababtoo ah Axmadinejad ayaa kugu soo booqanaya New York ka dib markii uu Israa'iil, Sahyuuniyiinta, iyo laga yaabee xitaa Yuhuudda guud ahaan., waxaanan ogaaday inuu yahay injineer iyo macallin leh taariikh liidata, taas oo aad hore u ogayd. "Markaa waa sababta aad ula xiriirtay?"

Emailkan waxaa la diray 24-kii Maarso 2018, balse qoraaga farriinta ma sheegin taariikhda kulanka uu sheegayo ee dhex maray Axmadinejad iyo Epstein.

Maxamuud Axmadinejad wuxuu ahaa Madaxweynaha Iiraan intii u dhaxaysay 2005 ilaa 2013. Labadii xilli ee uu xilka hayay, wuxuu New York u safaray sagaal jeer. Ma jiro wax xog ah oo muujinaya in uu Axmadinejad booqday New York sannadka 2018.

BBC Persian ayaa email u dirtay Maxamuud Axmadinejad si ay uga codsato faallo ku saabsan wararka la xiriira farriintaan ku jirta emailka, balse weli kama aysan helin wax jawaab ah. Si kastaba ha ahaatee, kanaalka rasmiga ah ee Maxamuud Axmadinejad, Dolat Bahar, ayaa shalay si cad u beeniyay in kulankaasi dhacay.

Cali Akbar Javanfekr, oo ah la-taliyaha warbaahinta ee Mr. Axmadinejad, ayaa ku yiri barta Telegram-ka:

"Eedeyntani waxba kama jiraan marka laga reebo war la abuurtay oo ku saleysan been iyo marin-habaabin."

Siyaasiga Hesamuddin Ashena ayaa dukumeentigan ku qoray boggiisa X:

"Waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya sheegashada Mr. Xuseen Shariatmadari ee ku saabsan kulanka Mr. Maxamuud Khatami iyo George Soros , taas oo kun jeer la beeniyay isla markaana marna aan la caddeyn, iyo dukumeentiga qoran ee ku saabsan kulanka Mr. Axmadinejad iyo Epstein, kaas oo aan weli la beenin. Waxaan si daacad ah uga codsanayaa inuu si rasmi ah u beeniyo kulankan."

Sannadkii 2009, warbaahinta muxaafidka ah ee Iiraan ayaa werisay in Maxamed Khatami, xilligii uu ahaa madaxweynaha Iiraan, uu la kulmay George Soros, aasaasaha hay'adda Free Society Foundations. Xafiiska Mr. Khatami ayaa soo saaray bayaan uu ku beeninayo warkan, isagoo yiri:

"Khatami ma yaqaan Soros mana uusan la kulmin."

Ninkaan ku eedaysanaa dambiyada galmada ayaa xabsiga ku geeriyooday

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhawaan ayay Waaxda Cadaaladda ee Mareykanka ku dhawaaqday inay sii deysay saddex milyan oo dukumeenti ah oo la xiriira kiiska Epstein, kuwaas oo ay ku jiraan 180,000 oo sawirro ah iyo 2,000 oo muuqaallo ah. Tani waa ururinta dukumeentiyada ugu ballaaran ee dowladda Mareykanku si rasmi ah u shaaciso tan iyo markii sharciga kiiska Epstein dhaqan galay.

Sida uu qabo sharcigan, oo Donald Trump saxiixay sannadkii hore, Waaxda Cadaaladda waxaa waajib ku ah inay soo saarto dhammaan dukumeentiyada la xiriira Jeffrey Epstein muddo cayiman gudaheed.

Sii deynta saddexdan milyan ee dukumeenti waxay timid lix toddobaad kadib dhammaadka hakintii sharciyeed. Kumannaan dukumeenti kale ah oo arrintaan la xiriira ayaa horay loo sii daayay.

Magacyada madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton iyo Donald Trump ayaa sidoo kale ka muuqda dukumeentiyadan.

Donald Trump, oo mar saaxiib la ahaa Jeffrey Epstein, ayaa sheegay in xiriirkooda uu xumaaday sannado ka hor, isla markaana uu beeniyay inuu wax ogaal ah u lahaa dambiyadii galmada ee Epstein.

Dukumeentiyadu waxay muujinayaan faahfaahin cusub oo ku saabsan xiriirradii dhowaa ee Epstein la lahaa tiro dad British ah oo caan ah, kuwaas oo uu ka mid yahay safiirkii hore ee Britain u fadhiyay Washington, Peter Mandelson. Mr. Mandelson ayaa xilka laga qaaday bishii Sebtembar ee sannadkii hore kadib markii magaciisa markii ugu horreysay lagu daabacay dukumeentiyada.

Qaar badan oo ka mid ah emaillada iyo dukumeentiyada waxay dib ugu laabanayaan in ka badan toban sano, waxayna muujinayaan xiriirradii Epstein intii uu wajahayay dhibaatooyin sharciyeed oo culus. Sannadkii 2008, waxaa Florida lagu xukumay dambiga ah inuu galmo la sameyay gabar 14 jir ah, kadib heshiis dacwad qaadis oo muran dhaliyay oo uu la galay dacwad-oogayaasha.

Mr. Epstein wuxuu ku dhintay xabsiga bishii Agoosto 2019, xilli uu ku jiray xabsi isaga oo wajahaya eedeymo ballaaran oo la xiriira ka ganacsiga galmada.