Wiil 12 jir ah oo 1,300km gaari ku waday dalka Australia

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wiil 12 jir ah oo rabay in uu Australia oo dhan gaari kumaro ayay booliisku istaajiyeen markii uu safar ku jiray 1,300km.
Wiilka ayaa lagu qabtay magaalada Broken Hill ee gobolka New South Wales ka dib markii booliis roondo ku jira ay arkeen qayb ka mid ah fuqaha hore ee gaariga oo wado dhextaalla.
Booliisku waxay sheegeen in wiilku uu qorshaynayay in uu gaariga wado 4,000 oo kiiloo mitir.
Waxaa lagu xiray xarun booliis oo ku taalla magaalada Broken Hill.
Waalidkii oo booliiska ku wargeliyay in ay la yihiin wiilkooda ayaa Axaddiina sii qaaday.

Kim Fehon oo ka mid ah madaxda booliiska ayaa wakaaladda wararka ee Australian Associated Press u sheegay in lagu sii qaaday gaari ay qoyskiisu leeyihiin.
- Wiil 3 jir ah oo lagu toogtay Maraykanka
- Nin loo xiray in uu dilay canug hal sano jira
- Kumannaan isugu soo baxday Kashmiir
- Maamuus loo sameeyay wiil yar oo Kansar qaba
- Singapore oo xirtay wiil yar oo Islaamka iyo Kiristaanka aflagaadeeyay
- Wiil yar oo lagu dilay magaalada London
- Wiil yar oo mudaaharaadayay oo lagu dilay Venezuela
Ma cadda sida ay wiilka ugu suuragashay in uu safar intaas la'eg galo isaga oo kaligii ah oo aan haddana la ogaanin.
Afhayeen u hadlay booliiska ayaa BBC-da u sheegay in ay macquul tahay in lagu qaado dacwado isaga oo loo cuskanayo xeerka da'yarta dambiyada gala.










