Maamuus loo sameeyay wiil yar oo Kansar qaba

Bradley hooyadii Gemma ayaa sheegtay in dhakhaatiirtu ay saadaaliyeen in wiilkeedu uu bilo uun sii noolaan doono

Xigashada Sawirka, PA

Qoraalka sawirka, Bradley hooyadii Gemma ayaa sheegtay in dhakhaatiirtu ay saadaaliyeen in wiilkeedu uu bilo uun sii noolaan doono

Wiil shan jir ah oo qaba Kansar aan la dawayn Karin ayaa lagu marti qaaday ciyaartii dhawaan dhex martay Sunderland iyo Chelsea.

Bradley Lowery, oo reer Britain ah ayaa 2013 la xaqiijiyay in uu qabo nooca Kansarka ee loo yaqaanno neuroblastoma.

Wiilka waxaa loo aruuriyay 700,000 oo Gini si loogu soo daweeyo dalka Maraykanka, 200,000 oo Gini oo lacagtaas ka mid ah waxaa ku deeqday kooxda Everton.

Si kastaba ha ahaatee hooyadii ayaa todobaadkii hore sheegtay in Kansarka wiilkeedu uu sii waynaaday lagana yaabo in dawayntu ay u horseedo uun in uu wakhti kale sii noolaado.

Bradley Lowery iyo aabihii, Carl

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Bradley waxaa garoonka Stadium of Light geeyay aabihii Carl
Bradley iyo Jermain Defoe

Xigashada Sawirka, PA

Qoraalka sawirka, Bradley oo la sawiran Jermain Defoe oo afka hore uga dheella kooxda Sunderland
Taageerayaasha ayaa taageero ugu muujiyay sacab, funaanad ay magaciisa ku qorantahay ayaana garoonka la sudhay

Xigashada Sawirka, PA

Qoraalka sawirka, Taageerayaasha ayaa taageero ugu muujiyay sacab, funaanad ay magaciisa ku qorantahay ayaana garoonka la sudhay

Waxaa la xaqiijiyay Talaadadii in Bradley loo diray 11,000 oo warqadood oo dhiirigalin ah oo ay soo direen dad samo doon ah.

Qof taageera kooxda Everton ayaa abaabulay in dadku ay waraaqahaas dhiirigalinta ah u diraan wiilka.

Bradley oo la taagan Diego Costa

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Wuxuu la jimicsaday ciyaaryahanno badan oo uu ka mid yahay Diego Costa oo ah xidig u dheella Chelsea