Gobol qani ku ah beershada oo ay cuntadu quruntay halka dalka intiisa kale ay ka jirto macluul iyo dagaal

Dalka Suudaan waxaa jirta meel ay ku dhowdahay in la iloobo in dagaal sokeeye oo ba’an uu ka socdo
Qoraalka sawirka, Suuqa Nertiti waratada ayaa dhibaato kala kulma iibinta liinta

Dalka Suudaan waxaa jirta meel ay ku dhowdahay in la iloobo in dagaal sokeeye oo ba'an uu ka socdo.

Haweenka ku nool gobolka buuraleyda ah ee Jebel Marra oo xiran dhar leh midabyo dhalaalaya isla markaana xiran kabo dacas ah, ayaa subax kasta dameero fuushan iyagoo wata caruurtooda, si ay beeraha u tacbdaan.

Cimilada u eg Mediterranean-ka iyo iyaga oo isticmaalaya ciidda hoddanka ah, waxay ku beeraan dalagyada kala ah lawska, liin, tufaax iyo strawberries - dalagga naadir ka ah ee waddan hadda wajahaya mid ka mid ah dhibaatooyinka gaajada ee ugu xun adduunka. Dagaalka ka hor, liinta dabiiciga ah ee Jebel Marra ayaa si gaar ah dalka oo dhan ay ugu isticmalai jireen casiirkooda.

Dhulka buuraleyda ah ee ku yaala galbeedka gobolka Daarfuur, waxa ku yaal meel sare oo doog ah, gaar ahaan hadda oo lagu jiro xilli roobaad.

Suudaan inteeda kale waxay qarka u saaran tahay masiibo.

Guud ahaan dalka, natiijadii dagaallada labada sano iyo barka socday ayaa naafeeyay beeraha, ku dhawaad 25 milyan oo qof - kala bar dadka reer Suudaan ayaa wajahaya cunto yari daran, oo ay ku jiraan in ka badan 600,000 oo ay soo food saartay macluul, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Laakiin dhulka buuralleyda ah ee Jebel Marra, dhibaatadu ma aha beerista cuntada – waa suuq geynta wax soo saarka.

"Waxa aan ku dhownahay inaan ku iibinno bilaash, mararka qaarkoodna waxa aan ka saarnaa [suuqa], sababtoo ah way qurmeen," ayuu yiri Xaafid Cali, oo ku iibiya liinta magaalada Golo, oo ku taal bartamaha dhulka buuraleyda ah ku yaal bartamaha gobolka Daarfur.

Nabadgelyo-xumada iyo waddooyinka oo aad u liita ayaa ka dhigaysa gaadiidka mid aan suurta gal ahayn in la isticmaalo.

Dadka ku nool Jebel Marra waxay isku dayayaan inay noloshooda si caadi ah u wataan inkastoo ay colaado ka jiraan meelo kale oo dalka ah

Xigashada Sawirka, Zeinab Mohammed Salih

Qoraalka sawirka, Dadka ku nool Jebel Marra waxay isku dayayaan inay noloshooda si caadi ah u wataan inkastoo ay colaado ka jiraan meelo kale oo dalka ah
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Jebel Marra waa dhulkii ugu dambeeyay ee ay maamulaan Ciidanka Xoreynta Suudaan - Cabdulwaaxid (SLA-AW). Kooxdan hubaysan ayaa dhexdhexaad ka ah dagaalka hadda socda. Weligood lama aysan saxiixan heshiis nabadeed maamulka Khartoum marka dib loogu noqdo 2003 colaaddii Darfur ee xilligaas.

SLA-AW waxay gacanta ku haysay waxa ay dadka deegaanku ku tilmaameen "goobaha la xoreeyey" in ka badan labaatan sano.

Hadda, oo uu dagaalku dhinac walba uga hareeraysan yahay, gobolka ayaa sii galaya go'doon.

Dhanka galbeed iyo woqooyiga, Ciidamada Taageerada Degdegga (RSF) iyo maleeshiyaadka Carabta ee isbaheysiga la ah ayaa xiray waddooyinka waaweyn. Dhanka koonfureed, saldhigyada RSF waxa ku dhawaad toddobaad kasta duqeeya ciidamada Suudaan - weerarradan ayaa sidoo kale galaaftay nolosha dad rayid ah.

RSF waxa ay sidoo kale maamushaa aagagga bari.

Natiijada ayaa noqotay deegaan xiran oo beeraley ah oo aan gaari karin suuqyada dalka ee magaalooyinka El-Fasher oo 130km (82 mayl) u jira, ama Tine, oo ku taal xadka Chad oo 275km (170 mayl) u irta.

Waxa jira siyaabo kale oo lagu gaari karo laakiin midna ma aha hab ay ku gaari karan dalka, waana safarro halis ah.

Tawila, oo ku taal cirifka dhulka SLA-AW, waxay noqotay goob suuq macmal ah. Waxay ku taallaa waddada Ceel-Fasher, oo ay go'doomisay go'doominta RSF, waxayna hoy u noqotay tobanaan kun oo ay u suurtagashay inay ka cararaan magaaladaas.

Sababtoo ah marka laga yimaado dhibaatooyinka ka jira in la sii raro wax soo saarka, waxa jira qiimo dhac xad-dhaaf ah taas oo keentay in qiimaha halkan uu hoos u dhaco.

Waxa jira qaar halkan jooga oo raadinaya inay iibsadaan sahay si ay isugu dayaan uguna tahriibiyaan badeecada magaalkada el-Fasher – waa ganacsi aad khatar u ah oo nafta halis gelinaya.

Helitaanka badeecada ilaa iyo hadda had iyo jeer waxay ahayd caqabad, cuntaduna mararka qaarkood waxay ku qurmi kartaa jidka.

"In aad u safarto qiyaastii 12km, waxay kugu qaadanaysaa maalin dhan in aad gaari ku wadid buuraha iyo dhoobada," ayuu yiri Yousif, oo khudaarta ku iibiya Tawila. Laakiin hadda, waxa uu sheegay in nabadgelyo-xumada ay ka sii daraysa.

Bartamaha Darfur, heshiis dhawaan dhex maray hoggaamiyeyaasha qowmiyadda Fur - oo halkan ku badan - iyo reer guuraaga Carabta ayaa oggolaaday ganacsiga xaddidan ee meelaha qaarkood.

Suuqyada ayaa dib u furmay magaalada Nertiti oo ay maamusho SLA-AW, halkaas oo haweenka Carabtu ay ku iibiyaan caano dhanaan, beeralayda reer Fur ayaa iyaguna keena khudaar. Laakiin habkaas ayaa ah mid jilicsan.

"Suuqa waxa la furaa todobaadkiiba hal mar. Safarkuna wali waa halis," ayuu yiri ganacsade ka socda Nertiti.

"Dhaca hubeysan ayaa weli ka dhacaya waddooyinka, xitaa heshiiska ka dib."

Dhulka buuraleyda ah ee ku yaala galbeedka gobolka Daarfuur ayaa ah meel sare oo doog ah, gaar ahaan hadda oo lagu jiro xilli roobaad.

Suudaan inteeda kale waxay qarka u saaran tahay masiibo.

Khudaarta iyo dalagyada ayaa hadda sidoo kale lagu iibin karaa suuqa ku yaal Zalingei oo ay maamusho RSF, caasimadda gobolka Bartamaha Darfur. Laakiin malleeshiyaadka Carabta ee xulafada la ah RSF ayaa inta badan lagu eedeeyaa inay dhibaateeyaan ama weeraraan dadka rayidka ah ee aaggaas, inkastoo kooxuhu ay beeniyaan inay wax khalad ah sameeyeen.

Khamiis kasta oo ah maalinta suuqa la furo , tirada isbaarooyinka u dhexeeya Nertiti iyo Zalingei ayaa kordha, mararka qaarkood waxay gaaraan in ka badan labaatan. Laakiin maadaama gaadiid badan ay jidka maraan maalmaha suuqa, dad badan ayaa ka faa'iidaysta fursad ay ku safraan.

Isbaarooyinka oo qaarkood ay dhigtaan ciidamada RSF-ta iyo kuwa Carabta ayaa waxaa mararka qaar kormeera hal nin oo kaliya oo ku labisan dhar cad, kaasi oo ka doonaya lacag. Darawaliintu waxay markaas inta badan isku dayaan inay gorgortan galaan iyadoo rakaabku si aamusnaan ay u daawanayaan.

Waxaa muuqata daaq badan oo ay xooluhu daaqi karaan

Xigashada Sawirka, Zeinab Mohammed Salih

Qoraalka sawirka, Waxa muuqda daaq badan oo ay xooluhu daaqi karaan

Haddii aan dib ugu noqono gobolka Jebel Marra, Ciidamada baraha koontaroolka SLA-AW ayaa ilaalinaya waddo kasta oo buuraha gasha, rag hubaysan ayaa sidoo kale dalbada lacag baad ah.

Boorsooyinka ayaa laga baaraa alaab koontarabaan ah, oo ay ku jiraan kareemooyinka maqaarka lagu cadeeyo, oo si weyn looga isticmaalo meelo kale oo Suudaan ah, waana lala wareegaa.

Marka gudaha loo galo aagga ay ka taliso SLA-AW, in kasta oo ay nabaddu ka jirto, haddana waxa muuqata calaamado colaadeed oo ka jira meelo kale oo dalka ah.

Gawaarida xamuulka ah oo ay ka buuxaan dadka ka cararaya dagaalka, gaar ahaan agagaarka El-Fasher, ayaa dhaca maalin kasta.

Qaar badan oo iyaga ka mid ah waxay hoy ka dhigteen iskuulada, rugaha caafimaadka iyo goobaha kale ee dowladda oo aan helin wax yar ama gargaar bini'aadannimo - hay'adaha gargaarku waxay la halgamayaan sidii ay uga gudbi lahaayeen dhammaan isbaarooyinka.

Magaalada Golo, ee caasimadda u ah gobolka SLA-AW, haweeney ka soo baxsatay el-Fasher, ayaa ka warbixisay xaaladaha adag. Hadda waxay ku hoyataa fasal iyada iyo 25 qoys oo kale oo dhawaan yimid.

"Ma haysano wax dakhli ah, ma jirto shaqo aan qabto, waxa aan ku shaqeyn jiray kalkaaliye caafimaad, wax waan beeran karaa, laakiin dhulka halkan waxaa leh dad iyaga kaligood ka shaqeeysta, ma aqaan wax aan sameeyo," ayay tiri haweeneydu.

waqtiga ay hadlaysay waxa dhulka jiifay dad buka, dad waayeel ah iyo caruur gaajo darteed la qaylinayay. Ugu yaraan waxa jiri doona xoogaa nafis ah maadaama raashiinkii Golo laga qaadi waayey haddala heli karo.

Halkani waa gobolka Jebel Marra, waa duni yaab leh oo dagaal ku hareeraysan yahay. Duni buuraha doogga ah leh iyo biyo-dhacyo. Adduun nolol yaab badab leh iyo miro dhalaalaya oo casiira. Duni baqdin badan.

Mid ka mid ah ganacsatada khudaarta ayaa sheegay in uu ka rajo beelay labada dhinac ee dagaalamaya.

"Annagu dagaalka qayb kama nihin – waxa aan rabnaa inaan iibino liintayada."