Min Malaa'ik ilaa bahal: "Waan ku faraxnay in la xiray ninkii duruufaha nooga faa'iideystay ee BBC-du kashiftay"

Baaritaanka
Qoraalka sawirka, Nada waxay sheegtay inay u tagtay Mr Karagoz sababtoo ah qoyskeeda oo u baahnaa taageero

Mulkiilaha hay'ad samafal oo Turkiga ah, oo ku lug leh eedeymo galmo, kuwaasoo ay iftiimisay baaritaan ay sameysay BBC, ayaa la xiray.

BBC Turkish ayaa shaaca ka qaaday eedeymaha ah in Sadettin Karagoz uu si galmo ah u ka faa'iidaystay haweenka nugul, isagoo u ballanqaaday gargaar beddelkeedna galmo. Wuxuu beeniyay dhammaan eedeymaha.

Mr. Karagoz, wuxuu asaasay hay'addiisa samafalka sanadkii 2014-kii, iyadoo xarunteedu tahay caasimadda Turkiga, Ankara. Qaxootiga Suuriyaanka ah ee gargaar u baahnaa ayaa sheegay in markii hore uu u muuqday "mala'ig".

Mid ka mid ah, Madina, ayaa ka soo carartay dagaalka sokeeye ee Suuriya sanadkii 2016, waxayna sheegtay in labo sano kaddib mid ka mid ah carruurteeda uu xaalad caafimaadoo daran ku dhacday oo ninkeediina uu ka tagay. Magaceeda waa la beddelay si loo ilaaliyo.

Iyadoo kali ku noqotay daryeelka saddex carruur ah keligeed, waxay u tagtay ururka Sadettin Karagoz, oo macnihiisu yahay "Dukaanka Rajada Samafalka". Ururkani wuxuu ururiyaa deeqo loogu talagalay qaxootiga sida xafaayadaha, baasto, caano, iyo dhar.

Wuxuu i yiri: 'Markaad meel kale tagi weydo, ii imaaw aniguna waan ku daryeeli doonaa,' ayay tiri."

Laakiin markii ay u tagtay, Madina waxay sheegtay in uu isbeddelay. Waxay ku sifeysay sida Mr. Karagoz uu u yiri inay la tagto meel xafiiska ka dambaysa, oo ka dambeysa daah, si ay u hesho qaar ka mid ah sahayda."

"Wuu i qabsaday," ayay tiri. "Wuxuu bilaabay inuu i dhunkado… Waxaan ku iri iga fogow haddii anan qeylin lahayn, wuu isku dayi lahaa inuu i kufsado."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madina waxay ka warramaysaa sidii ay uga soo baxsatay dhismaha balse Mr Karagoz ayaa markii dambe aaday gurigeeda.

"Ma aanan furiin albaabka sababtoo ah waan baqay," ayay tiri, iyadoo sharaxaysa inuu ugu hanjabay in dib loogu celiyo Suuriya.

Madina iyadoo ka baqaysa cawaaqib xumada, ayey sheegtay doonayn inay waligeed aaddo booliska aysana cid kale u sheegin waxa dhacay.

Mr Karagoz, oo ah shaqaale bangi oo shaqada ka fadhiistay, ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, wuxuuna BBC-da u sheegay in ururkiisu uu caawiyay in ka badan 37,000 oo qof.

Wuxuu sheegay in goobta qaybinta gargaarka ee hay'addiisa samafalku tahay meel yar oo ciriiri ah isla markaana ay ku xiran yihiin kaaramadaha CCTV, sidaas darteed aysan suurta gelin inuu keligiis la joogo haweeney.

Sanadihii la soo dhaafay, hay'addiisa samafalka waxay heshay aqoonsi ballaaran waxayna ku guuleysatay abaalmarin wargeys maxalli ah sanadkii 2020. Waxaa lagu soo bandhigay telefishinka qaranka, wuxuuna sheegay inay soo jiidatay taageero ka socota hay'ado qaran iyo caalami ah. Bishii Maarso ee sanadkan wuxuu beddelay magaca Turkiga ah ee hay'adda isagoo u bixiyay "Ururka My Home-meal."

Baaritaan
Qoraalka sawirka, Ururka Mr Karagoz ayaa saldhigiisu yahay deegaanka Altindag ee magaalada Ankara, halkaasoo ay ku nool yihiin kumanaan qaxooti Suuriyaan ah.

Guud ahaan, saddex dumar, oo ay ku jirto Madina, ayaa BBC u sheegtay in Mr. Karagoz uu u geystay xad-gudub galmo iyo cabsigeliyey.

Toddobo qof oo kale, oo ay ku jiraan laba qof oo hore uga tirsanaan jiray hay'ad samafal, ayaa sheegay inay goob-joog ka ahaayeen ama maqleen markhaatiga ugu horreeya ee sheegaya inuu ku kacay falal xadgudubyo galmo ah intii u dhaxaysay 2016 iyo 2024.

Sida ay sheegtay Nada oo 27 jir Suuriyaan qaxooti ah, waxa uu sheegay in uu siin doono gargaarka haddii ay guri cidla la tagto. "Haddii aadan yeelin, waxba ku siin maayo," ayay tiri inuu ku yiri Mr Karagoz . Mar labaad, magaceeda waa la bedelay si loo ilaaliyo.

Baaritaanka

Waxay la joogtay dumaashideed waxayna sheegtay inay xoog ku soo baxeen. Laakiin iyada oo ka welwelsan sidii ay qoyskeeda u quudin lahayd, waxay sharaxaysaa inayan garanayn meel kale oo ay tagto, sidaas darteed ay dib ugu laabatay.

Nada ayaa sheegtay in Mr Karagoz uu kaxeeyay daah gadaashiisa si uu xafaayad ugu keeno wiilkeeda halkaasoo "uu isku dayay inuu naasahayga taabto".

Mar kale, waxay tiri " gadaal ayuu iiga yimid oo gacanta i qabsaday... wuxuu igu qasbay inaan xubintiisa taranka taabto".

Iyada oo ka baqaysa ceebaynta xadgudubka galmada iyo cabsida in lagu eedeeyo, Nada waxay sheegtay in aanay dareemayn in ay cidna u sheegi karto, xitaa ninkeeda.

Haweeneydii saddexaad ee u sheegtay BBC-da in Mr Karagoz uu ku xadgudbay waa Batoul, oo markaas ka dib u guurtay Jarmalka."

Nada

Hooyo keligeed ah, iyaduna waxay sheegtay inay u tagtay isaga si uu u caawiso. "Markii aan u jeestay si aan u soo qaato gargaarka, gacmihiisa ayuu dhabarka iga saaray," ayay sharaxday. "Waan ka tagay gargaarkii oo aan ka baxay dukaanka."

Markhaatiyadani ma ahayn kuwii ugu horreeyay ee ka dhana Karagoz ee banaanka u soo baxa.

Sannadihii 2019 iyo 2025 waxaa lagu eedeeyay in uu ku kacay xadgudub galmo iyo weerar, laakiin labadii jeerba dacwad oogayaashu waxay go'aansadeen in aanay jirin caddeymo ku filan oo lagu maxkamadeyn karo. Boolisku waxay sheegeen in aysan dhibanayaasha ama markhaatiyaashu diyaar u ahayn inay soo bandhigaan cabasho rasmi ah.

Haweenka qaar ayaa noo sheegay in markhaati furkooda ay ka cabsi qabaan in ay u keento in la dhibaateeyo ama la masaafuriyo.

Laakiin kaddib baaritaanka BBC-da, waxaa la fahamsan yahay in labo dumar oo kale ay soo bandhigeen eedeyn ku saabsan Mr. Karagoz, markhaatiyadooduna ay sababtay in lagu soo ooggo dacwad ku saabsan xadgudub galmo. Hadda wuxuu ku jiraa xabsi isagoo sugaya maxkamadeyn.

Batoul waxay sheetay inay "si dhab ah ugu faraxsan tahay" in la xiray, "aniga dartay iyo sidoo kale dhammaan dumarkii ku dhibtooday aamusnaanta oo aan hadli karin sababo la xiriira cabsi."

Waxay intaas ku dartay inay rajaynayso in tani ay "dhiirrigelin iyo xoog siiso dhammaan dumarka si kasta oo loo dhibaateeyo ama loo faa'iidaysto

Ninka la haysto

Dhammaan eedeymahaas wuu diiday wuxuuna ku andacooday haddii ay run ahaan lahaayeen in dumar badan ay soo bixi lahaayeen.

"Saddex qof, shan qof, toban qof [way caban karaan]. Waxyaabahaas way dhacaan," ayuu yiri. "Haddii aad tiraahdaan boqol ama laba boqol [ayaa i eedeeyay], markaas waa hagaag, markaas waad rumaysan kartaan in runtii aan waxyaabahaas sameeyay."

Waxa kale oo uu sheegay in uu qabo xanuunka macaanka iyo dhiig karka, waxaanu na tusay warbixin caafimaad oo tafaasiil ka bixinaysa qaliin sanadkii 2016 lagaga saaray xiniinyaha bidix. Tani waxay ka dhigan tahay inaan awoodin inaan sameeyo wax galmo ah, ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, borofisar ku takhasusay kaadi-mareenka iyo caafimaadka galmada ragga, Ates Kadioglu, ayaa u sheegay BBC-da in in laga saaro hal xiniin "aanay saameyn ku yeelan nolosha galmo ee qofka."

Waxaan tan u sheegnay Mr. Karagoz, balse wuxuu ku adkaystay in "howlaha galmada aysan u suurtagal ahayn."

Waxaan kale u sheegnay in xag-gudubka galmada ay dhiirigeliyaan go'aanka awooodda iyo mamaulka. Wuxuuse ku jawaab celiyey " shaqasiyan ma lihi rabitaanka noocaas ah"

"Dhammaan waxii an qabanay waxay ahaayen camalo fiican waxaana ka sugaynaa inaan wanaagn ka helo"

Sadettin Karagoz wuxuu sheegay in dumarkii ku eedeeyay xad-gudbyada ay sidaas u sameeyeen sababtoo ah markii uu boolisku ku wargeliyey inay ku lug lahaayeen howlo sharci darro ah.

Dhammaan dumarkii aanu la hadalnay waxay diideen in iyaga ama qaraabadoodu ku lug lahaayeen dambiyo, BBC-na ma arag wax caddeyn ah oo muujinaya in ay sidaas ahaayeen.