Sheeko naxdin leh: "Waxay yimaadeen saqdii dhexe, gacantayda midig ayay iga jareen"

Mariam Staford waxay ku fadhidaa kursi ku yaal derbi huruud ah hortiisa oo la rinjiyeeyay. Waxay xiran tahay koofiyad gaduudan oo la tolay iyo shaati qoorta furan. Gacmaheeda midig iyo bidix, in dhaawac iyo goyn ka muuqato, way cadahay
Qoraalka sawirka, Mariam Staford waxay ku fadhidaa kursi ku yaal derbi huruud ah hortiisa oo la rinjiyeeyay. Waxay xiran tahay koofiyad gaduudan oo la tolay iyo shaati qoorta furan. Gacmaheeda midig iyo bidix, in dhaawac iyo goyn ka muuqato, way cadahay
    • Author, Alfred Lasteck
    • Role, BBC Africa
    • Reporting from, Northern Tanzania

Dhibaato cusub ayaa soo gaadha Mariam Staford, oo 42 sanno jir ah, mar walba oo doorasho la galo gudaha dalka Tanzania.

Dad badan, ololayaasha doorashada ee u muuqda dabaaldeg, heesaha iyo farriimaha siyaasadeed waxay u yihiin fursad ay codkooda ku muujiyaan. Laakiin dadka qaba cudurka albinism-ka, waxay uga dhigantahay cabsi iyo argagax.

Digniin: Qormadani waxaa ku jira faahfaahin rabshado naxdin leh oo dad qaarkood ay ka xumaadaan.

"Waxa ugu horreeya ee igu soo dhacaya waa cabsi," ayay Mariam u sheegtay BBC-da iyadoo dadku isu diyaarinayaan in ay Arbacada u codeeyaan madaxweynaha iyo baarlamaanka.

"Waan ogahay in dadka qaba albinism-ka la dilo, gaar ahaan xilliyada doorashada ee Tanzania, markay rumaysnaanta sixirka sii xoogaysato. Taasi waa sababta aanan uga qaybgalin ololayaasha… Aad ayaan u cabsanayaa."

Albinism-ku waa xaalad hidde-side ah oo naadir ah oo ay ku yaraato melanin-ta oo ah walaxda midabka siisa maqaarka, indhaha iyo timaha. Waxaa lagu qiyaasaa in ay xaaladani saamaynayso ilaa 30,000 oo qof gudaha Tanzania.

Aaminsanaanta xun ayaa dadka qaba xaaladdan ka dhigtay kuwo la beegsado. Rumaysnaanta beenta ah ee sheegaysa in xubnaha jirka dadka qaba albinism-ka ay keenaan maal, nasiib ama guul siyaasadeed ayaa horseeday weerarro iyo dilal guud ahaan dalka ah.

U doodayaasha xuquuqda ayaa sheegaya in weerarradani ay sii bataan marka doorasho soo dhow dahay, maadaama dadka qaarkood ay isku dayaan inay helaan awood siyaasadeed.

Mariam si shaqsi ah ayay u taqaan halistaas iyo sida ay u dareento.

Sanadkii 2008-dii, oo ahaa sanadkii ugu dhiigga badnaa dadka qaba jirada albinism-ka ee Tanzania, xilli diyaar garow loogu jiray doorashooyinka deegaanka, rag sita faasyo ayaa habeen dambe ku soo dhacay qolkeeda jiifka ee gobolka Kagera, oo ku yaalla xadka waqooyi-galbeed.

"Waxay yimaadeen saqdii dhexe ee habeenka, gacantayda midig ayay iga jareen [xagga sare ee jiqilka], wayna qaateen, dabadeedna gacantayda bidix ayay sidoo kale jareen.

Maalintii xigtay waxaa la i geeyay xarun caafimaad anigoo miyir beel ah, dhakhtarkii i arkay wuxuu yiri: 'Qofkani wuu dhintay, u celiya guriga oo aaska ku diyaariya.'"

Wax walboo dhacayse, Mariam way badbaaday; balse waxay ahayd uur-leh shan bilood, ilmaheedii caloosha ku jirayna wuu dhintay.

Boodhadhka doorashada ee xisbiga talada haya ee Tanzania Chama Cha Mapinduzi ayaa lagu arkayaa waddo.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Waxaa socda ololaha doorashada Arbacada
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Weerarkii lagu qaaday Mariam ma ahayn mid ka tagay dhaawacyo joogto ah oo keliya, balse wuxuu ku khasbay inay ka qaxdo Kagera mid ka mid ah meelihii ugu halista badnaa ee xilligaas lagu dilayay dadka qaba jirada Albiinadda.

Ugu dambayn, waxay degtay gobolka Kilimanjaro oo nabad iyo xasilooni dhexdhexaad ah laga dareemayo, halkaas oo urur u dooda xuquuqda dadka qaba albiinnada, Under the Same Sun, uu u dhisay guri islamarkaana baray sida loo isticmaalo mashiinka tolidda. Hadda waxay toshaa funaanado.

Toddoba iyo toban sano kadib, dhaawacii nafeed iyo maskaxeed ee gaadhay weli ma libdhin.

"Xitaa hadda, mararka qaarkood waxaan ku qarwaa habeenkaas," ayay Mariam tidhi. "Markaan soo tooso, waxaan taabaa gacmahayga, waxaana xasuustaa in aanay jirin. Waa wax aanan waligay ka baxsan doonin."

Waxii Mariam ku dhacay waxay ka mid ahayd weerarro badan oo lagu beegsanayay dadka qaba albinism-ka iyo xubnahooda jirka.

Ururka Under The Same Sun ayaa sheegay in tan iyo 2008 ay Tanzania ka dhaceen 211 dhacdo oo la xidhiidha falal noocaas ah:

79 qof waa la dilay

100 qof waa la dhaawacay balse way badbaadeen

3 qof lama dhaawicin

2 qof waa la afduubay welina waa la la'yahay

27 xabaalood ayaa la xumeeyay, lagana qaaday xubno jidhka ah.

Kaliya sanadkii 2008, waxaa la dilay ilaa 35 qof oo qaba albiino, halka dilal kale oo badan laga yaabo in aan la soo sheegin.

Dilalkaas waxay dhaliyeen cambaareyn caalami ah, taas oo keentay in dowladdu ay tallaabo adag qaaddo. Madaxweynahii xilligaas, Jakaya Kikwete, ayaa cambaareeyay weerarrada, wuxuuna ku baaqay in si adag loola dhaqmo dadka dila dadka qaba albiinada

Taasi darteed, Tanzania waxay adkaysay baadhitaannada la xiriira dilalka dadka qaba albinism-ka ee la xidhiidha sixirka, waxayna sidoo kale xoojisay sharciyada lagaga hortagayo takoorka iyo nacaybka.

Waxaa sidoo kale jiray dadaallo looga wacyigelinayo bulshada arrintan.

Bartamaha magaalada Sengerema ee waqooyi-galbeed, waxaa laga dhisay taallo lagu xusuusto carruurta, haweenka iyo ragga qaba albinism-ka ee lagu dilay ama ku naafoobay weerarrada.

Taallada birta ah ee nolosha cabbirkeeda la midka ah ayaa muujinaysa aabbe kor u qaaday ilmo qaba albinism oo garbihiisa saaranyahay, halka hooyadu ay ku dabooshay si ay uga ilaaliso qorraxda.

Magaca Mariam waa lagu qoray taalladaas.

Sidoo kale waxaa ku qoran magaca Mariamu Emmanuel, oo ahayd gabar shan jir ah markii la dilay sanadkii 2008.

A head and shoulders image of Manyashi Emmannuel.
BBC
I was eight years old, and saw her legs, hands and tongue removed by the attackers"
Manyashi Emmannuel
Brother of attack victim

Isagoo fadhiya gurigiisa ku yaalla magaalada Mwanza, Mariam walaalkeed Manyashi Emmanuel, oo hadda 25 jir ah ayaa xasuusan maalintii ay walaashiis la kulantay weerarkaas. Xanuunkaas weli wuu la nool yahay.

"Markaas waxaan ahaa siddeed jir, waxaana arkayay sida lugaha, gacmaha iyo carrabka walaashey ay uga jaraayeen weeraryahannadu. Tan iyo maalintaas, cabsi ayaan la noolahay. Waxaa igu adkaata marka la gaaro waqtiyada doorashada, gaar ahaan marka aan maqalno weerarro cusub."

Inkasta oo la sameeyay ololeyaal wacyigelin ah, haddana weerarradu weli way socdaan.

Sanadkan waxaa la diiwaangeliyay hal dhacdo oo ka dhacday magaalada Simiyu ee woqooyi-galbeed bishii Juun. Ninkii la beegsaday wax dhaawac ah ma gaarin, balse hadda waxaa la geeyay goob ammaan ah.

Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa dhawaan uga digtay waxa ay ku sheegtay "aaminsanaanta dhaqameed ee waxyeellada leh," iyadoo tidhi rumaysnaanta noocaas ahi aysan meel ku lahayn doorashooyinka Tanzania.

Senyi Ngaga, oo ah guddoomiyaha degmo ka mid ah meelaha weerarradu ka dhacaan, ayaa sheegtay in ololeyaasha waxbarasho ee dowladda ay sare u qaadeen fahamka bulshada, balse meelaha miyiga ah ay weli nugul yihiin khuraafaadka iyo takoorka.

Waxay rabtaa in bulshada oo dhan ay si wadajir ah uga qaybqaataan joojinta weerarrada.

"Dhawaan waxaan qabannay xaflad ay kasoo qayb galeen dhaqatiirta dhaqanka, waana isla fadhiisanay oo aan ka wada hadalnay arrintan," ayay tidhii guddoomiyuhu iyadoo la hadlaysay BBC-da.

"Marka doorashadu soo dhowaatana, waxaan kula talinay inay noqdaan safiirro wanaagsan oo dadka kale u sheegaya in la diido falalka noocaas ah, isla markaana la hubiyo in dadka qaba albinism-ka la ilaaliyo oo ammaan helaan."

Taallo lagu xusayo dadka albinism-ka ee la weeraray
Qoraalka sawirka, Taallo lagu xusayo dadka albinism-ka ee la weeraray

Inkasta oo kooxaha u ololeeya iyo dadka ka badbaaday weerarrada ay sheegayaan in weli shaqo badan ay dowladda ka sugayaan, haddana horumar yar ayaa laga sameeyay arrintaan.

Ololayaasha wacyigelinta, barnaamijyada ururada bulshada rayidka ah, iyo qorshayaasha lagu dhiirrigelinayo isku-darka ardayda qaba albinism-ka ee dugsiyada ayaa ka caawiyay in weerarrada laga dhimo meelaha qaar.

Bulshooyinka ayaa si tartiib tartiib ah u fahmaya in dadka qaba albinism-ka aysan ahayn kuwo la nacay ama la habaaray, isla markaana khuraafaadku ay keeni karaan dilal iyo dhibaatooyin naxdin leh.

Si kastaba ha ahaatee, dilkii sanadkii hore ee Asimwe Novath, oo ahayd gabar laba sano jir ah lagana soo afduubay gurigeeda gobolka Kagera, wuxuu ahaa xasuusin murugo leh oo muujinaysa in dhibaatadani weli taagan tahay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in gabadha yar xoog lagu qaaday iyadoo la ciyaaraysa hooyadeed, waxaana qaaday laba nin oo aan la garanayn.

Toddoba iyo toban maalmood kadib, waxaa la helay qaybo jirkeeda ka mid ah oo lagu soo tuuray bac hoosteeda buundada isla gobolkaas. Jirkeedii intiisa kale waxaa lagu aasay gurigii qoyskeeda.

Sagaal eedeysane ayaa lagu soo oogay dacwad ah dil qorshaysan, balse kiisku weli ma uusan dhamaanin.

Mariam, kiiskaas wuxuu ku soo celiyay xusuus xanuun badan.

"Wuxuu igu noqday sidii habeenkaygii la i weeraray ee 2008. Waan garanayaa xanuunkaas, waxaana ogahay in hooyadeed aysan waligeed iloobi doonin."

Khibraddeedaas darteed, cabsidu waxay qayb ka noqotay nolol maalmeedkeeda. Waxay ka fogaataa meelaha dadka badan iyo isu-imaadyada, mana bixi karto keligeed.

Iyadoo doorashada Arbacada ay soo dhowdahay, Mariam waxay sheegtay inaysan codayn doonin, sababtoo ah ma rumaysna in natiijadu wax isbeddel ah ku keenayso nolosheeda.

Bedelkeeda, maalintaas waxay ku qaadan doontaa si deggen gurigeeda ku yaalla gobolka Kilimanjaro.