Netanyahu oo ka yaabban Xamaas kadib markay u dhiibeen naxash meyd khaldan uu ku jiro

Ciidamada amaanka Israa’iil ayaa salaan sharaf siiyay meydad la soo celiyay

Xigashada Sawirka, EPA

Israa'iil ayaa sheegtay in naxashka ay Xamaas ku wareejisay Isniintii aanu ku jirin meydka qofkii loo baahnaa, balse uu ku jiray meydka qof kale oo la hayste ahaa oo maydkiisa hore loo soo celiyay.

Baaritaanno lagu sameeyay ayaa muujiyay in meydka ku jiray naxashka uu ahaa Ofir Tzarfati, kaasoo meydkiisa ay soo saareen ciidamada Israa'iil dabayaaqadii 2023-kii, mana ahan mid ka mid ah 13-ka qof ee la qafaashay ee weli ku sugan Gaza, sida uu sheegay xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.

Waxay Xamaas ku eedaysay inay "xadgudub cad" ku sameeyeen heshiiskii xabbad joojinta ee Gaza oo socday laba toddobaad, waxuuna sheegay Netanyahu inuu bixin doono"tallaabooyin jawaab celin ah".

Xamaas ayaa beenisay inay dib u dhigtay soo celinta la haystayaasha waxayna ku andacootay in Israa'iil ay raadinayso " marmarsiiyo been abuur ah" si ay isugu diyaariso "tallaabooyin gardaro ah".

Garabka milatari ee kooxda falastiiniyiinta ayaa sidoo kale si gooni gooni ah ugu dhawaaqay in ay habeenimadii Talaadada ku wareejin doonaan maydka qof dhintay oo ka mid ah dadkii la qafaashay.

Xamaas ayaa ku adkaysanaysa inay u hogaansantay heshiiska xabad joojinta ee ay garwadeenka ka ahaayeen Maraykanka, Masar, Qatar iyo Turkiga ayna ku dadaalayaan sidii ay u heli lahaayeen haraadiga ku hoos jira burburka ay ka tageen laba sano oo dagaal ah.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Israa'iil waxay ku adkaysanayaan inay og yihiin meelaha ay ku sugan yihiin dhammaan la haystayaasha.

Fiidnimadii Isniinta, Xamaas ayaa ku dhawaaqday in ay ku wareejin doonto Laanqeyrta Cas maydka la haystayaal Israa'iili ah oo la helay goor hore oo maanta ah.

Dhowr saacadood ka dib, Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda ku sugan Gaza ay heleen naxashka oo ay geeyeen Tel Aviv si loo aqoonsado.

Laakiin xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa sheegay in meydka la helay uu yahay "meydka mid ka mid ah la haystayaashii la dilay oo lagu magacaabo Ofir Tzarfati, kaasoo laga soo celiyey Marinka Qaza qiyaastii laba sano ka hor.

"Tani waxay ka dhigan tahay jebin cad oo heshiiska ururka argagixisada Xamaas uu jabiyay," ayay raaciyay. "Ra'iisul Wasaare Netanyahu.

Tzarfati, oo 27 jir ah oo u dhashay Israa'iil haystana dhalashaad Faransiis, ayaa la toogtay oo dhaawacmay xilli ay afduubteen rag hubaysan oo Xamaas ah xilli uu ku sugnaa Bandhig faneedka Nova weerarkii 7-dii Oktoobar 2023 lagu qaaday koonfurta Israa'iil, kaas oo dhaliyay dagaalka Gaza.

Burburka Qaza

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bilawgii December 2023, militariga Israa'iil waxa ay ku dhawaaqeen in maydkiisa ay ciidamadeedu ka heleen Qaza oo dib loogu soo celiyay Israel.

Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku beenisay waxa ay ku tilmaantay "eedaynta aan sal iyo raad toona lahayn".

Waxay ku eedaysay Israa'iil inay ka hortagtay soo gelitaanka Gaza mishiinnada culus ee loo baahan yahay si loo dardargeliyo oo loo dhamaystiro raadinta maydadka la haystayaasha.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay hay'adda Laanqeyrta Cas.

Golaha Qoysaska la haystayaasha, ayaa dalbaday kulan degdeg ah oo ay la yeeshaan ra'iisul wasaaraha si ay ugala hadlaan jawaabaha waxa ay ugu yeereen "falalka guracan ee Xamaas".

Afhayeen u hadlay xukuumadda Israa'iil Shosh Bedrosian ayaa hadal kooban oo uu jeediyay ku sheegay in Xamaas ay hadda wajihi doonto "cawaaqib halis ah" oo ku aadan inay guuldarraysteen inay soo celiyaan dhammaan maydadka la haystayaashii dhintay muddo 72 saacadood gudahood ah oo xabbad joojintu ay hirgasho 10-kii October, sida uu heshiisku dhigaya.

Meydadkan ayaa ka mid ahaa 251 qof oo lagu qafaashay weerarkii ay Xamaas hoggaaminaysay ee lagu qaaday koonfurta Israa'iil 7-dii October 2023, xilligaasi oo lagu dilay ilaa 1,200 oo qof oo kale.

Israa'iil ayaa ku jawaabtay howlgal millatari oo ay ka fulisay Gaza, kaas oo in ka badan 68,500 oo qof lagu dilay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.