Daawo: Netanyahu oo looga kala dareeray hoolka QM ee uu khudbadda ka jeedinayay
- Author, Tom Bennett
- Role, Jerusalem
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa weerar ku qaaday aqoonsiga dowlad Falastiin ay yeelato taas oo dalal badan oo reer galbeed ah ay siiyeen xilli uu khudbad kulul ka jeedinayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Netanyahu ayaa ku tilmaamay aqoonsiga tallaabo "calaamad ceeb ah" oo diraysa farriinta ah in "dilka Yuhuuda uu faa'iido leeyahay".
Tobaneeyo qof oo isugu jira mas'uuliyiin iyo dublamaasiyiin ayaa bannaanbax sameeyay oo hoolka isaga baxay, kaddib markii uu soo koray masraxa uu shirka ka dhacayay, iyadoo qeybo badan oo ka mid ah hoolka shirarka uu ka socday ay faaruqiyeen. Banaanka, dibad baxayaasha ka soo horjeeda dagaalka Israa'iil ee Qasa ayaa isugu soo baxay fagaaraha Times Square.
Israa'iil ayaa cadaadis weyn oo caalami ah kala kullantay dhaq-dhaqaaqa ciidan ee ay ka waddo Qasa, waxaana ugu dambeeyay UK, Faransiiska, Canada, Australia iyo dalal kale oo toddobaadkan aqoonsaday dowlad Falastiini ah.
Khudbaddiisii furitaanka, Netanyahu waxa uu soo bandhigay khariidad loogu magac daray "Habaarka" oo uu sheegay in ay muujinayso kooxaha wakiillada Iiraan ee Bariga Dhexe. Kadib waxa uu iftiimiyay hawlgallada milatari ee Israa'iil ee sanadkii la soo dhaafay ee ka dhanka ah Xisbullah-da Lubnaan, Xuutiyiinta Yemen, Xamaas-ta Qasa, iyo Iiraan.
Waxa uu uga mahadceliyey madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku lug lahaanshiyaha Mareykanka ee duqeynta goobta nukliyeerka ee Fordo ee Iiraan bishii Juun, wuxuuna barbardhigay weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023 ee Israa'iil iyo weerarkii 9/11 ee Mareykanka. Waxa uu sheegay in labada dal ay isku cadow yihiin, isaga oo farta ku fiiqay in kooxaha xiriirka la leh Iiraan ay ku dhawaaqayaan "Dhimashada Ameerika".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa ku celceliyay in Israa'iil aysan oggolaan doonin in ay jirto dowlad Falastiiniyiin ah, wuxuuna sheegay in mowqifkan ay taageersan yihiin inta badan Israa'iiliyiinta.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ku gacan seyray gabagabada guddi baaritaan oo ay Qaramada Midoobay u saartay in Israa'iil ay xasuuq ka geysatay Qasa, isagoo ku andacoonaya in eedeyntaasi ay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa uu sidoo kale diiday hadallo ka soo baxay hay'ado badan oo Qaramada Midoobay ah oo ahaa in Israa'iil ay si ula kac ah u xaddidayso tirada gargaarka ee soo galaya Qasa. Bishii Agoosto, hay'ad ay taageerto Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in macaluul ay ka dhacday magaalada Qasa.
Kahor khudbaddiisa, xafiiska Netanyahu wuxuu amar ku bixiyay in militariga Israa'iil ay ku rakibaan codbaahiyeyaasha gawaarida xamuulka ah ee u dhow xayndaabka Qasa si ay ereyadiisa si toos ah ugu baahiyaan guud ahaan dhulka.
Netanyahu ayaa sidoo kale sheegay in sirdoonka Israa'iil ay jabsadeen taleefoonnada casriga ah ee dadka Qasa ku nool, isla markaana ay si toos ah ugu gudbin doonaan khudbaddiisa. Ilo-wareedyo BBC-da ka tirsan oo ku sugan Qasa ayaa sheegay in taleefoonnadooda aysan wax saameyn ah ku yeelan.
Waxa uu sheegay in ujeeddada tani ay tahay in farriin la gaarsiiyo la haystayaasha Israa'iil ee halkaasi ku sugan.
"Halyeeyadeenna geesiyaasha ah," ayuu madasha ka akhriyay. "Kani waa Ra'iisul Wasaare Netanyahu oo si toos ah kaagala hadlaya Qaramada Midoobay. Idinma aynaan illaawin, xitaa hal ilbiriqsi, dadka Israa'iil ayaa idinla jooga, ma idinka daali doonno, mana nasan doonno ilaa aan dhammaantiin guriga idin keenno."
Qasa waxaa ku haray 48 la haystayaal, 20 ka mid ah waxaa loo malaynayaa inay nool yihiin.
Fadi oo deggan Qasa ayaa u sheegay barnaamijka OS ee BBC World Service: "Muxuu ka faa'iidey inuu khudbaddiisa si xoog ah ugu baahiyo dadka rayidka ah ee lagu go'doomiyey gudaha teendhooyinka, marka laga reebo inuu sii bahdilay?"
Netanyahu ayaa qaybta dambe ee khudbaddiisa u jeediyay dalalka dariska la ah Israa'iil, isagoo sheegay inay ku dhowdahay in la dejiyo heshiiska Suuriya, wuxuuna ugu baaqay dowladda Lubnaan inay xoojiso dadaalka ay ku doonayso inay hubka uga dhigto Xisbullah.
Isla markiiba wuxuu la kulmay dhaleeceyn gudaha Israa'iil, iyadoo hoggaamiyaha mucaaradka Yair Lapid uu qoray: "Maanta waxaan arkay ra'iisul wasaaraha Israa'iil oo daallan oo ooyaya, iagoo jeedinayay khudbad uu soo jiidasho xad dhaaf ah ku raadinayay.
Halkii uu joojin lahaa sunaamida diblomaasiyadeed – Netanyahu maanta waxa uu sii xumeeyay dawladda Israa'iil.
Yair Golan, oo ah hoggaamiyaha xisbiga Dimuqraadiga ee Israa'iil, ayaa sheegay in khudbaddu ay muujinayso "dhibbanenimo, xurmo-doonnimo, iyo indho la'aan dhammaystiran oo ku aaddan dhibaatada la haystayaasha iyo naf-hurnimada dagaalyahannada".
Waxa uu ku tilmaamay codbaahiyaha "mid aan sax ahayn, carruurnimo, iyo waalli", isaga oo sheegay in ay tahay "barnaamij dacaayad ah".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maalin ka hor, hoggaamiyaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa khudbad uu ka jeediyay golaha loo dhan yahay ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu madaxda caalamka kala shaqeeyo sidii loo dhaqan gelin lahaa qorshaha nabadeed ee Israa'iil iyo Falastiin.
Wax yar ka dib markii Netanyahu uu hadalka dhammeeyay, Trump wuxuu si gooni gooni ah ugu sheegay suxufiyiinta: "Waxaan u maleynayaa inaan heshiis ka leennahay Qasa." Ma uusan bixin faahfaahin dheeri ah, inkastoo ay isa soo tarayeen wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in heshiis xabbad joojin ah uu dhow yahay.
Saxafiyiinta caalamiga ah ayay Israa'iil ka mamnuucday inay si madax-banaan u galaan Marinka Qasa tan iyo markii uu dagaalka billowday ku dhawaad laba sano ka hor, taasoo adkeynaysa xaqiijinta sheegashada labada dhinac. Qaar ka mid ah saxafiyiinta ayaa waxaa Qasa u qaaday IDF.
Milatariga Israa'iil ayaa Qasa ka bilaabay olole ay kaga jawaabayaan weerarkii ay Xamaas hoggaaminaysay ee lagu qaaday koonfurta Israa'iil 7-dii October 2023, kaas oo ku dhawaad 1,200 oo qof lagu dilay, 251 kalena lagu qafaashay.
Ugu yaraan 65,549 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa'iil ee Qasa tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee dhulkaas.














