Muxuu ahaa qoob-ka ciyaarkii gabdhaha imaaraadka ay ku soo dhaweeynayeen Trump ee la cambaareeyay?

Xigashada Sawirka, Reuters
Iyadoo heshiisyada taariikhiga ah ee uu sameeyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay yihiin kuwa aad loo hadal hayo intii uu ku guda jiray booqashadiisa Bariga Dhexe, ayaa waxaa sidoo kale la hadal hayaa soo dhaweyntiisa quruxda badanayd ee loo sameeyay.
Socdaalkiisa oo ka bilowday dalka Sacuudiga ayaa markii hore waxaa lagu soo dhaweeyay fardo Carbeed oo cadcad, waxaana la dhigay rooga caanka ah ee guduudan. Markii ay soo gaareen dalka Qatar, fardihii waxaa ku soo biiray Geel.
Si kastoy ahaataba markii uu gaaray dalka imaaraadka carabta ayaa hablaha deegaanka oo ku labisan dhar cadaan ah oo halkaasi ku soo dhawaynayay waxa ay ku soo bandhigeen ciyaar u gaar ah oo aanay dadka badankoodu hore u arkin.
Inta lagu jiro qoob ka ciyaarka, waxa ay ruxayeen qoorta iyo timaha , waxaa dhexmarayay madaxwayne Trump.
Qaar ka mid ah dadka Isticmaala baraha bulshada oo aan waligood arag qoob ka ciyaarka ayaa u muuqday kuwo is weydiinaya waa waxa dhacaya, si kastaba ha ahaatee, Pakistan ayaa dhaleeceyn ka soo baxday sababta bandhig noocan oo kale ah loogu soo bandhigay waddan Islaam ah.
Waa maxay ciyaarta Al-ayala?

Xigashada Sawirka, Reuters
Bandhig faneedkan waxaan macluumaadkiisa ka helnay website-ka UNESCO, iyo sidoo kale Waaxda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Imaaraadka Carabta.
Al-ayala waa bandhig dhaqameed caan ah oo lagu soo bandhigo waqooyi-galbeed ee Cumaan iyo guud ahaan Imaaraadka Carabta. Al-ayala waxa ka mid ah heeso, durbaan, iyo qoob ka ciyaar, iyo wax u eg loo ekeysiiyo goob dagaal.
Dhaqankani waxa uu ka soo bilaabmay qabaa'ilkii Carabta ee Baadiyaha ku dhaqnaan jiray, kuwaas oo samayn jiray marka ay u diyaar garoobaan dagaal ama xilliyada farxadeed.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Laba saf oo ilaa labaatan nin ah ayaa is horfadhiya waxayna wataan ulo dhuuban oo ka dhigan warmo ama Baangado.
Safafka dhexdooda, fannaaniintu waxay ciyaaraan durbaanno waaweyn iyo kuwo yaryar. Safka raggu waxay ruxayaan madaxa iyo jirkooda iyagoo la jaanqaadaya laxanka heesaha ay qaadayaan, halka fanaaniinta kale ay safafka ku wareegayaan iyagoo seefo ama qoryo sita, kuwaas oo ay mar mar hawada u tuurayaan ka diboo ay qabtaan.
Dalka Imaaraadka Carabta, gabdhaha ku labisan dharka hiddaha iyo dhaqanka ayaa timahooda dhaadheer kolba dhinac u tuuraya ciyaar gaar ah oo lagu magacaabo Al-Nisha, halka qaabkan casriga ahna loogu yeero qoob ka ciyaarka Khaliijka.
Dhaqanka reer Baadiyaha, tani waa hab ay haweenkani ku muujinayaan kalsooni ay ku qabaan raggooda in ay difaaaci karaan.
Ciyaar-dhaqameedka Al-ayala ayaa lagu qabtaa xafladaha aroosyada iyo xafladaha kale ee labada dal ee Saldanada Cumaan iyo Imaaraadka Carabta. Waxaa fuliya dad kala jinsiyado iyo da' ah. Ma jirto xannibaad da'da, jinsiga, ama heerka bulshada si loo qabto Al-Ayala.
Waa maxay sababta dhaleeceynta?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Trump ayaa sidoo kale lagu dhaleeceynayaa soo dhaweynta quruxda badan ee uu kala kulmo marka uu booqanayo dalalka Khaliijka.
Si kastaba ha ahaatee, sababaha loo dhaliilay soo dhaweynta Imaaraadka ayaa kala duwan. Ashok Swain oo ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa soo qoray, "Wadamada Khaliijka waxay sameynayaan wax walba si ay uga farxiyaan Trump, marka madaxda dumarka ah ee dowladaha reer galbeedka ay booqdaan dalalkan, waa inay xirtaan xijaab, hadda dumarka Imaaraadka ayaa qoob-ka-ciyaar u sameynaya iyagoo aan madaxa u daboolin hogaamiye reer galbeed ah.
Qof kale oo lagu magacaabo Chelsea Heart ayaa soo qoray, "Waxaa jirtay in qoob-ka-ciyaarkan lagu soo bandhigi jiray goobo gaar ah, laakiin hadda waxaa soo bandhigay Imaaraadka Carabta si ay ugu muujiyaan dhaqankooda adduunka oo dhan."
Mid ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada o magaciisa ku sheegay, Mian Omar, ayaa yiri, "Waa nasiib darro in tani ay ka dhacdo waddan Islaam ah." Mid kale ayaa ku jawaabay, "Waxaad leedahay aqoon aad u yar oo ma ogid in xafladani tahay dhaqan soo jireen ah oo ku saabsan dhaqanka Carabta".
Qof kale ayaa qoray, "Markii aan ka shaqeynayey waddan Carab ah, qof ayaa ii sheegay in Carabtu ay ixtiraamaan oo kaliya hoggaamiye adag."













