Trump: Ma jiro wax horumar ah oo laga gaari karo wadahadallada Ukraine ilaa aniga iyo Putin aan kulanno

Wadahallda

Xigashada Sawirka, Reuters

Diblomaasiga sare ee Mareykanka Marco Rubio, ayaa sheegay inuusan wax rajo sare ah ka qabin wadahadallada nabadeed ee Ukraine iyo Russia ee lagu wado in lagu qabto Turkiga, wuxuu xusay in horumar la taaban karo laga gaari karo oo keliya haddii Donald Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin loo baahan yahay inay kulmaan.

"Ma filayo in guul weyn laga gaari doono arrintan ilaa Madaxweynaha Trump iyo Madaxweynaha Putin ay si toos ah uga wadahadlaan mowduucan," ayuu yiri Rubio kadib shir wasiirrada arrimaha dibadda ee NATO ay ku yeesheen koonfurta Turkiga.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu wakiillo u diri doono wadahadallada lagu qabanayo Istanbul, hase yeeshee wuxuu dhaleeceeyay "wakiillada heerka hoose ah" ee ay Moscow soo dirtay.

Madaxa wafdiga Ruushka, la-taliyaha madaxweynaha Vladimir Medinsky, ayaa sheegay in kooxda Kremlin-ka ay "leeyihiin xirfadaha lagama maarmaanka ah" si ay uga qaybqaataan wadahadallada.

Donald Trump oo booqasho ku jooga Bariga Dhexe – ayaa sidoo kale sheegay in aysan suurtagal ahayn in horumar weyn laga gaaro wadahadallada nabadda ilaa isaga iyo Madaxweyne Putin ay si fool ka fool ah u kulmaan.

Markii BBC-du weydiisay isagoo saaran diyaaradda Air Force One in uu ka niyad-jabay heerka wafdiga Ruushka, wuxuu ku jawaabay: "Eega, waxba ma dhici doonaan ilaa aniga iyo Putin aan wada kulanno."

Wuxuu sii raaciyay: "Isagu ma imaan lahaa haddii aan anigu halkaas joogin, mana rumeysan in wax dhici karaan – haddii aad jeceshahay ama aadan jeclayn – ilaa aan anaga labadeena aan is aragno. Laakiin waa in aan arrintan xal u helnaa sababtoo ah dad aad u badan ayaa dhimanaya."

Trump wuxuu sheegay inuu ka qayb geli doono wadahadallada Turkiga maalinta Jimcaha haddii ay "ku habboon tahay", hase yeeshee markii dambe wuxuu sheegay inuu ay u badan tahay inuu dib ugu laaban doono Washington.

Wafuud ka kala socota Turkiga, Mareykanka, Ukraine iyo Ruushka ayaa lagu waday in ay ku kulmaan magaalada Istanbul maalintiiKhamiista, taasoo noqon lahayd wadahadalladii fool ka fool ah ee ugu horreeyay ee Ukraine iyo Ruushka tan iyo sanadkii 2022. Ilaa fiidkii Khamiista, waqtigii rasmi ahaa lama shaacin. Warar qaar ayaa sheegaya in kulanka laga yaabo inuu dhaco maanta oo Jimce ah.

Vladimir Putin, ayaa soo jeediyay in wadahadallo toos ah lagu qabto magaalada Istanbul 15-ka Maay kadib markii hogaamiyeyaasha Yurub iyo Ukraine ay ku baaqeen xabbad-joojin 30-maalmood ah oo shuruud la'aan ah.

Trump
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku baaqay in Putin uu la kulmo si fool ka fool ah. Laakiin Khamiistii, Kremlin-ka ayaa sheegay in Madaxweyne Putin uusan kamid ahayn saraakiisha safaraysa.

Kadib kulan gaar ah oo uu la yeeshay Madaxweyne Erdogan ee magaalada Ankara, Zelensky wuxuu ku eedeeyay Moscow in ay "ixtiraam-darro" u muujiyeen Trump iyo Erdogan sababtoo ah wafdiga Ruushka oo aan heer sare ahayn, wuxuuna markale ku celiyay baaqiisa ah in Putin uu la kulmo si shakhsi ah.

"Waqti ma jiro, ajende ma jiro, wafdi heer sare ahna ma jiro – waa ixtiraam-darro shaqsi ah oo loo geystay Erdogan iyo Trump," ayuu yiri Zelensky.

Dhanka kale, ergayag Ruushka Vladimir Medinsky, oo warfidiyeenka ugu warramay Istanbul isagoo sheegay in Ruushku u arko wadahadalladan "sii wadid" wadahadalladii guuldarreystay ee 2022, kuwaas oo dhacay wax yar kadib markii Ruushku bilaabay duullaanka ballaaran ee Ukraine.

"Ujeeddada wadahadallada tooska ah ee lala leeyahay Ukraine waa in ugu dambeyn la gaaro nabad waarta iyadoo la baabi'inayo sababaha asaasiga ah ee sababay khilaafka," ayuu yiri Medinsky.

Wadahadallada Ukriane iyo Ruushka

Xigashada Sawirka, EPA

Wafdiga Ukraine waxaa hogaamin doona Wasiirka Difaaca, Rustem Umerov, sida ku cad wareegto uu saxiixay Zelensky Khamiistii. Wafdiga sidoo kale waxaa kamid noqon doona ku-xigeennada madaxda sirdoonka, taliska guud ee militariga, iyo wasaaradda arrimaha dibadda.

Wafdiga Ruushka waxaa hogaamin doona Medinsky – kaasoo sidoo kale hogaamiyay wadahadalladii fashilmay ee 2022 kii sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Kremlin-ka. Waxaa sidoo kale qeyb ka noqon doona ku-xigeenka wasiirka gaashaandhigga, ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibadda, iyo madaxa sirdoonka militariga ee Ruushka.

Wadahadallada ka socda Istanbul ayaa calaamad u ah wadahadalladii tooska ahaa ee ugu horreeyay ee u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka tan iyo dadaalladii fashilmay ee 2022.

Ruushku wuxuu muujiyay inuu doonayo in lagu soo laabto halkii lagu hakiyay wadahadalladii hore.

Shuruudaha wadahadalka ku jira waxaa kamid ah in Ukraine noqoto dal dhexdhexaad ah, ay dhinto awooddeeda milatari, isla markaana ay ka tanaasusho hamigeeda ku biirista NATO — shuruudahan Ukraine si cad ugu diiday oo ay u aragto in ay la mid yihiin is-dhiibid buuxda.

Dagaalka Ukraine wali si xooggan ayuu u socda, iyadoo Ruushku Khamiistii sheegay inuu qabsaday laba tuulo oo dheeraad ah oo ku yaalla gobolka bariga ee Donetsk.

Moscow ayaa hadda gacanta ku haysa qiyaastii 20% dhulka Ukraine, oo ay ku jirto gacanka Crimea ee uu si sharci-darro ah u qabsaday sanadkii 2014.

Wasiirka Difaaca ee UK, John Healey, ayaa ugu baaqay saaxiibada Ukraine inay "cadaadis saaraan Putin". Isagoo la hadlayay warbaahinta kadib kulan uu la yeeshay dhiggiisa Jarmalka, Boris Pistorius, oo ka dhacay Berlin Khamiistii, ayuu Healey ku baaqay in cunaqabateyn dheeraad ah la saaro Ruushka si "loo keeno miiska wadahadalka".