Qaacidada 4.5 iyo dhowr arrimood oo ka dhashay shirkii Carta

Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Ismaaciil Cumar Geelle.

Xigashada Sawirka, BBC / Getty Images

Qoraalka sawirka, Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Ismaaciil Cumar Geelle.
    • Author, Abdinasir Ali
    • Role, BBC Somali

Rubuc qarni ayaa laga joogaa shirkii nabadeeynta Soomaaliya ee ka dhacay Jabuuti, magaalada Carta, kaas oo noqday wax-ku-ool taariikhi ah oo ay Soomaaliya ka gaartay isku daygeedii ahaa in ay dib uga kacdo burburkii kasoo gaaray bixitaanka xukunkii Keli-taliska Siyaad Barre ee 1991-dii.

Si ka duwan shirarkii hore oo ay ay qayb ka ahaayeen jabhadahii dagaalka ka ololinayay Soomaaliya, Carta waxay diiradda saartay wadatashi iyo dib-u-heshiisiin qaran oo ay qayb ka yihiin bulshada rayidka ah.

Shirkan oo socday intii u dhaxaysay May ilaa Agoosto 2000, waxa isugu yimid in ka badan 2,500 oo ergo ah oo isugu jira odayaal dhaqameedyo, culimo, aqoonyahanno, haween iyo ganacsato; waxaana lagu saleeyay in bulshada rayidka ah ay hoggaamiso dowladnimada Soomaaliya, iyadoo taageero ka helaysa IGAD iyo dalalka dariska ah.

Geba-gabadii shirka, ergadu waxay meel mariyeen Bayaankii Carta, oo ahaa dukumenti qeexayay midnimada iyo ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya kaasoo qaab dowladeed oo ku-meel-gaar ah loogu dhisay Soomaaliya.

Madaxweynihi Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan, iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Carta, Jabuuti, 28-dii Agoosto 2000.

Xigashada Sawirka, KHALED HAIDAR/AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweynihi Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan, iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Carta, Jabuuti, 28-dii Agoosto 2000.

Natiijada shirkaas ayaa noqotay dhismaha Dowladdii Ku-meel-gaarka oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan; taas oo ahayd dowladdii ugu horreysay ee si rasmi ah loo aqoonsado tan iyo 1991-dii.

Dowladdii Cabdiqaasim waxay Soomaaliya dib ugu soo celisay xubinnimadii Qaramada Midoobay, iyo urruradii kale ee caalamiga ahaa, sida ay daabaceen Midowga Afrika, taas oo wanqal u noqotay kusoo noqoshada Soomaaliya ee masraxyada caalamka.

4.5

Mid ka mid ah waxyaabihii ugu waaweynaa ee Carta dhaxalkeeda noqday ayaa ahaa nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5, kaas oo lagu dhisay qaab qabiil ah si loo hubiyo matalaad caddaalad ula muuqatay dad badan.

Nidaamkan ayaa afar ka mid ah beelaha waaweyn ee Soomaaliya wuxuu siiyay saami siman, halka "beelaha laga tirada badan yahay" iyo bulshooyinka la hayb-sooco ay helayeen nuska soo haray.

Waxaa qaacidadan lagu dabaqay 275 kursi ee baarlamaanka, iyadoo beel kasta oo weyn la siiyay 61 kursi, beelaha laga tirada badan yahayna 31. Inkastoo lagu talagalay in uu xasillooni keeno, haddana nidaamkan ayaa muddo dheer muran dhaliyay, iyadoo qaar ku eedeeyeen in uu sii xoojiyay qabyaaladda oo uu meesha ka saaray hannaankii aqoonta iyo kartida shakhsiyadeed ku dhisnaa.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Soomaaliya oo jooga fadhigii labaad ee baarlamaanka ku-meel-gaarka ah, 17-kii Agoosto 2000, magaalada Carta ee Jabuuti.

Xigashada Sawirka, KHALED HAIDAR/AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah xildhibaanada Soomaaliya oo jooga fadhigii labaad ee baarlamaanka ku-meel-gaarka ah, 17-kii Agoosto 2000, magaalada Carta ee Jabuuti.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Carta sidoo kale waxay hooyo u ahayd isbeddel cusub oo dhinaca siyaasadda ah, iyadoo bulshada rayidka ah loo oggolaaday inay door muuqda ka qaataan nabadaynta dalka. Habkan ayaa saameyn ku yeeshay shirarkii xigay ee lagu qabtay Kenya, sida Eldoret 2002-dii iyo Mbagathi 2004-tii, kuwaas oo lagu soo saaray Dowladdii Federaalka Ku-meel-gaarka ahayd.

Qaramada Midoobay iyo IGAD ayaa tan iyo markaas u aqoonsaday Carta in ay saldhig u tahay dib-u-dhiska dowladnimo ee Soomaaliya.

Shirkii Carta waxa kale oo uu ku baaqay in si adag loo dhaqan geliyo cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ay saartay Soomaaliya, iyo in la xoojiyo wada-shaqaynta gobolka si loo joojiyo rabshadaha lugaha ku dhagaya dib u dhiska hay'adaha dowladeed.

Maanta, xilli Soomaaliya isu diyaarinayso doorashooyin toos ah oo la filayo inay dhacaan sanadka 2026-da, waxaa weli dalka saameyntiisu ka muuqataa waxyaabihii ka dhashay shirkii Carta. Sida nidaamka 4.5 oo hadda ah tiirka ugu weyn ee siyaasadda Soomaaliya ku taagan tahay iyo marjaca loo laabto wakhti kastoo awood-qeybsi sheekadu tagto.

Inkastoo ay jiraan caqabado amni iyo siyaasadeed, mabda'a Carta ee ku dhisan wada-tashiga iyo iska-qaybgalinta wadahadallada ayaa weli hagaya waddada ay Soomaaliya ku doonayso dowladnimada iyo xasillooni buuxda.