Ku dhawaad 2,000 sano ayaa malabkan laga isticmaalayey dalka Talyaaniga

Faa'idooyinka naadirka ah uu leeyahay malabka Talyaaniga

Xigashada Sawirka, Westend61/Getty Images

Malabka Talyaaniga ee faa'idooyinka badan lagu sheegay Shinnida sameysa waxaa laga helaa jasiiradda Sardiiniya ee dalka Talyaaniga waxayna ubaxa ugu badan ee ay malabkaasi ka sameyso k aheshaa geedka Strawberry.

Malabkan oo loo yaqaanno Corbezzolo dhadhankiisu waa uu ka duwan yahay malabka caadiga ah oo ma macaano oo wuxuu leeyahay dhadhan qaraar. Malabkan aadka naadirka u ah waxaa laga helaa dhul buuraley ah oo ku yaalla jasiiraddaasi.

Dadka xoola dhaqatada ee jasiiraddaasi ku noolna muddo ka badan 2,000 oo sano waxay dhaqanayeen Shinnidaasi iyaga gaaguur dhaqami ah u dhiga maadaamaa ay fahmeen faa'idada tirada badan uu malabkan leeyahay.

Garyaqaan iyo Falasoofi lagu magacaabi jiray Marcus Tullius Cicero oo noolaa (106-34) wuxuu xusuus dhowrkiisa uu ku sheegay shakhsi ay dowladdi rumaaniyiinta u xirna oo xukun dil ah ay ku rideen inuu ku daweeyey, wuxuuna yiri "waxkasta oo jasiiradda Sardiiniya laga helo waa qaraar xataa malabka halkaasi laga helo."

Shinnida malabka waxay ka sameysay Strawberry

Xigashada Sawirka, Nedrofly/Getty Images

Qoraalka sawirka, Shinnida malabka waxay ka sameysay Strawberry

Cicero malabka qaraar ee Corbezulu iney nafaqa ka buuxda sida oo kalana ay ka buuxaan fiitaaminno iyo macdin waxtar u leh caafimaadka qofka iyo maaddooyin bararka ka hortaga.

Sida oo kale malabkan qaraar ee Talyaaniga oo keli ah laga helo waxay khubaradu sheegeen inuu sabab u yahay dadka jasiiraddaasi ku nool intooda badan da'dooda iney 100 jir kor u dhaafto.

Malabkan waxaa sida oo kale qarniyo loo isticmaalayey dawa dhaqameed lagu daweeyo hurdo-yarida, qufaca, suuxdinta, bararka iyo ka hortagga Shuban-biyoodka.

Shinnida malabkasi sameyso

Xigashada Sawirka, Mauro Rodrigues/Alamy

Qoraalka sawirka, Shinnida malabkasi sameyso

Daraasad 2019-ki ay sameeyeen cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadaha Polytechnic ee Marche iyo Vigo Granada ee Spain waxay cilmi baaristooda ku soo gabagabeeyeen malabka Corbezzolo inuu yareeyo koritaanka kaansarka mindhiciirka ku dhaca maadaamaa unugyada cudurka sii faafin lahaa uu kala qaybiyo.

Miraha Strawberry oo ka baxa xeebaha Meditranean, Galbeedka Yurub iyo Ireland haddana malabka jasiiradda Sardinia laga helo waa uu ka duwan yahay malabka halkaasi laga helo.

.

Xigashada Sawirka, sal61/Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Ubaxa ay Shinnida ka sameyso malabka oo xilliga deyrta si aad ah u baxa ayaa ah mid jilicsan oo caraf udgoon leh.

Laakiin waxaan weli la garan waxa malabkaasi u yeelo dhadhanka qaraar, balse waxay khubaradu u badainayaan inuu ubaxaasi uu uga duwan yahay.

Malabka Corbezzolo dawo dhaqameedka loo isticmaalo ka sokoow waxaa lagu daraa cuntooyin badan oo lagu kariyo jasiiraddaasi.

Gabayaagi caanka ahaa ee reer Talyaani Giovani Pascoli wuxuu sheegay midabka uu leeyahay calanka dalka Talyaaniga in laga soo minguuriyey geedka Strawberry ee ay Shinnidu ka sameyso malabkaasi.

Wuxuuna intaa raaciyey geedkaasi inuu ka kooban yahay midabbada sida cagaar, caleemo dhalaalaya, ubaxyo cadcad iyo miro guduudan.

Mid ka mid ah gaaguurta malabkaasi laga soo saaro

Xigashada Sawirka, Apicoltura Bolognani

Faa'idooyinka caafimaad ee malabka caadiga ah laga helo

Malabka iyo dawooyinka dabiiciga ah ee aysan dhaqaatiirta soo qorin ayaa ku habboon in marka ugu horreysa loo isticmaalo la tacaalidda qufaca, sida ay muujineyso talo cusub oo ka soo baxday khubarada.

Xeel dheerayaasha dhinaca caafimaadka ayaa sheegay in daawooyinka qallajiyaha ee loo yaqaanno Antibiotics-ka ee ay soo qoraan dhaqaatiirta ay si dhif iyo naadir ah wax uga qabtaan qufaca, sababtoo ah inta badan saameyntooda ayaa ah mid aad u yar.

Inta badan qufaca ayaa qofka uga dhammaada si iskiis ah markii uu socdo muddo labo ilaa saddex usbuuc ah.

Malab

Taladan cusub oo dhaqaatiirta kale xitaa ku boorrisay in ay Malabka tixgalin siiyaan ayaa looga gol leeyahay in lagu xakameeyo dhibaatooyinka ka dhasha dawooyinka qallajiye ahaanta loo adeegsado.

Noocyo badan oo ka mid ah dawooyinkaas ayaa marka dambe sababa in uu jirka iska caabbin ku sameeyo oo ay wax tar la'aan noqdaan.

In si xad dhaaf ah loo isticmaalo qallajiyeyaasha ayaa waxaa ka dhasha caabuq ay adag tahay in si fudud loo daaweeyo, kaasoo abuura unugyo ka hor taga falgalka dawada.

malab

'Dhibaato weyn'

Biyo kulul oo lagu qaso Malab - oo inta badanna lagu daro liin dhanaan iyo sanjabiil - ayaa aad looga yaqaannaa in guryaha laga isticmaalo, si loogu daweeyo qufaca iyo xanuunnada yar yar ee ku dhaca dhuunta.

Talo soo jeedintaan cusub oo ay si wada jir ah u soo saareen khubarada Machadka qaran ee caafimaadka iyo xannaanada waddanka Ingiriiska iyo waaxda caafimaadka dadweynaha ee (PHE) ayaa lagu sheegay in dawooyinkaas dabiiciga ah ay ka waxtar badan yihiin kuwa ay dhaqaatiirta soo qoraan.

Dawooyinka loogu tala galay qufaca ayaysan qudhooda meesha ka saarin, balse waxa ay hoosta ka xarriiqeen in Malabku uu ku jiro kaalinta koowaad.

Kaniiniyaal

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kaniiniyaal

Bukaannada ka cabanaya qufaca ayaa si adag loogu boorriyay in aysan ku deg-degin isbitaalka oo ay isticmaalaan habkaas, ayna sugaan inta ay saameynta qufaca u dhammaaneyso si iskeed ah.

Horay ayey cilmi baareyaasha Ingiriiska u soo saareen in 48% oo ka mid ah bukaannada isbitaallada UK u taga si qufaca looga daweeyo in ay dhaqaatiirta u qoraan dawooyin qallajiyeyaal ah.

Dr Susan Hopkins, oo ah agaasime ku xigeenka waaxda caafimaadka dadweynaha ee PHE ayaa tiri "Iska caabbinta jirka ee ka abuuranta dawooyinka qallajiyaha ah ka dibna ka hor tagga ku sameysa waxay dhibaato weyn ku tahay caafimaadka qofka, waxaana u baahannahay inaan hadda tallaabo u qaadno yareynta isticmaalka qallajiyeyaasha".

"Talooyinkaan cusub waxay isbitaallada ka caawin doonaan in ay dhimaan bixinta daawooyinkaas qallajiyaha ah, waxaana ku dhiirri gelineynaa bukaannada in ay qaataan taladan caafimaad ee muhiimka ah" ayey sii raacisay.