Madaxweynaha Poland: Awoodda kaliya ee Ruushka lagu joojin karo waa Trump

Xigashada Sawirka, PA
- Author, Frank Gardner
- Role, Security correspondent
Sanado badan ayuu Ruushka dagaal uusan waxba u reeban ku hayaa dalka Ukrain, kaas oo ay itaal u waayeen dowladaha Yurub.
Madaxweyaha dalka Poland Karol Nawrocki ayaa wareysi uu BBC-da siiyey ku yiri Donald Trump waa hogaamiyaha kaliya ee awoodd u leh inuu qabto Ruushka iyo tallaabooyinka Vladimir Putin.
Sidoo kale Karol Nawrocki waxa carabka ku dhiftay in madaxweynaha Ruushka uu yahay nin aan la aamini karin. Putin maaha mid la isku halleen karo dowladaha Yurub waxa ay u baahanyihiin in ay sameeyaan wax walba oo ay Trump ku garab siin karaan dedaallada uu wado Trump si loo joojiyo dagaalka Ukraine
President Nawrocki was already well-known as a firm supporter of Donald Trump even before he landed in Britain for meetings with PM Sir Keir Starmer and others.
markasta waxa uu la dhacsan yahay siyaasadda Trump oo hada ku sugan dalka UK si uu kulan ula yeesho Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska Sir Keir Starmer.
Madaxweyne Karol waxa uu horey caan ku yahay taageerada adag ee u hayo Trump, xitaa ka hor inta uusan imaan Britain si uu kulan ula yeesho Ra'iisul Wasaaraha Sir Keir Starmer iyo mas'uuliyiin kale.
Hadda, waxa uu sheegay in iyadoo Ruushka Vladimir Putin uu khatar ku yahay dalkiisa iyo guud ahaan bartamaha iyo bariga Yurub ayna tahay in laga qabto.
Isaga oo tixraacaya duullaankii waynaa ee uu Ruushka u adageesaday diyaaradaha casriga ah bishii Sebteembar ee sanadkii dhamaaday, markaas oo in ka badan 20 diyaarad aan cid wadin ay ka soo gudbeen Belarus iyo Ukraine kuna soo galeen Poland Madaxweyne Nawrocki waxa uu sidoo kale ku tilmaamay "xaalad degdeg ah", isagoo intaas ku daray in "illaa waqtigaas uusan jirin waddan xubin ka ah NATO oo la kulmay weerar drone oo intaas le'eg". Wuxuu sheegay in Ruushku tijaabinayay difaacyada Poland iyo midnimada NATO.
Madaxweynaha Poland ayaa markaas u mahadceliyay Britain oo dirtay diyaaradaha dagaalka RAF Typhon si ay uga caawiyaan difaaca xuduudaha dalkaiisa.
Waxa uu sheegay in Poland tan iyo markaas nabadgalyadeeda aysan cago badan ku taagneen, ayna la tacaaleyso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo faafinta warar marin habaabin ah.
"Hadda waqti khatar ah ayaan ku jirnaa", ayuu hadalkiisa ku daray.

Xigashada Sawirka, PA Media
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mar wax laga weydiiyey saxaaibtinnimada kala dhaxeysa Trumo, gaar ahaan tallaabooyinka madaxweynaha Maraykanka ku doonayo inuu ku qaado Greeland.
Waxa uu qirtay in hanjabaadaha iyo hadallada kasoo baxay maamulka Maraykanka ay Liddi ku yihiin dal ahaan iyo qaarad ahaan, hadana weli waa kan dammaanad qaadanaya ammaanka Yurub. Waxa uu sheegay in waxa Donald Trump u qabanayo reer Yurub ay "u qalmaan taageero iyo ixtiraam weyn".
Madaxweynaha Poland waxa uu sheegay inuu arki karo Yurub oo "ka sii go'aysa" Maraykanka, isagoo intaas ku daray in arrintaasi aysan u wanaagsanayn ammaanka dhaqaale iyo ammaanka militari ee Midowga Yurub toona.
Waxa uu sidoo kale muujiyey sida uu ula dhacsanyahay siyaasadda Trump uuna ku kalsoon yahay wax kasta uu ka qabto qaaradda. wada hadallada Trump iyo u dhaxeeya Danish waxa ay noqon doonaan kuwo wax tar u leh dedaallada loogu jiro ka hortaggidda rabashado sii dheeraada oo ka dhex dilaaca qeybaha kale ee Yurub.
Balse Trump wareysi uu bixiyey ayuu ku sheegay kuwo wax matareyal ah oo aan saameyn lahayn, dhanka hormarka ayuu Yurub ku sheegay kuwo aan waxba ka qaban karin dhisidda siyaasado lagu maarayn karo isbeddelka cimilada, iyo Tahriibta. waxa uuna yiri Yurub waxa ay sanado dhisi la'adahay waxyaabaha u gaarka ah, maaha in wax la dhiso wa sida ay raagayaan waxa la dhisayo iyo ammaanka.
Hase yeeshee, dolwadda Ingiriiska n ayuu u jeediyay mahadcelin ballaaran. Xiriirka u dhexeeya Poland iyo UK ayuu ku tilmaamay mid "aad u muhiim ah," isagoo xusay in maanta ku dhowaad hal milyan oo reer Poland ah ay ku nool yihiin UK.
"Waxaan jeclaan lahaa inaan muujiyo abaalka oo aan u hayo askarta Ingiriiska ee ku sugan Poland… kuwaas oo qaadaya mas'uuliyadda garabka bari ee NATO," ayuu yiri. Waxa kale oo uu muujiyay rajadiisa ah in, iyadoo dhaqaalaha Poland si degdeg ah u korayo, Ingiriiska oo martigelin doonta shir-madaxeedka G20 ee sanadka soo socdaay ku casuumi doonto Poland inay ka qaybqaadato.













