Wicitaankii Putin iyo Trump oo lama filaan ku noqday Zelensky kahor kulankiisa Aqalka Cad

Vladamir Putin iyo Donald Trump

Xigashada Sawirka, Reuters

Labada Madaxweyne ee Maraykanka iyo Ruushka, Donald Trump iyo Vladamir Putin ayaa wadahadal ay khadka taleefonka ku yeesheen ay ku heshiiyeen inay si fool ka fool ah u kulmaan si ay uga wada hadlaan dagaalka Ukraine, waxaana wadahadalku lama filaan uu ku ahaa Kyiv. Dalkaasi oo dagaalku si xooggan u saameeyay.

Waxaa uu Ruushku bartilmaameedyo badan uu ku beegsaday 24-kii saac ee la soo dhaafay, isaga oo adeegsanaya in ka badan 300 oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo.

Weerarada ayaa lagu beegsaday kaabayaasha muhiimka ee rayidka, iyada oo burbur hor leh lagu gaarsiiyay shabakadaha gaaska, waxa ay ku soo beegantay xilli qabowgu bilow yahay uuna ku soo wajahan yahay jiilaal dheer oo adag.

Weerarrada lagu beegsaday nidaamka korontada ayaa durbadiiba sababay koronto la'aan guud oo dalka soo wajahday. Ukraine ayaa u aragta tani inay tahay calaamad muujinaysa in Ruushku uu niyad jab ku jiro.

Furinta hore ee deegaalka waa goob dhimasho badan ay ka dhalatay, aysana jirin horumar weyn oo laga sameeyay.

Dhankooda Ruushka ayaa dareemay saamaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay ku beegsanayso kaydadka shidaalka Ruushka, kuwaas oo keenay saamayn dhaqaale.

Rajada weyn ee madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa ahayd inuu helo gargaar milatari oo dheeraad ah oo uu Maraykanka ka helo, si cadaadiska Moscow loo sii wado.

Kahor safarkiisa Washington ayaa Zelensky uu u muuqday mid rumaysan in xaalku uu dhankiisa u janjeero.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa jiray rajo wanaagsan oo Trump ku bilaabay inuu xaalka Ukraine ka arko indhaha caalamka, taasi oo ah isbeddel weyn oo laga dareemay xafiiska Oval-ka ka dib kulankii Febraayo oo markaasi Trump Zelensky ku eedeeyay inuu ku khamaarayo dagaalkii saddexaad ee adduunka.

Fashilka shirkii Trump iyo Putin ee Alaska bishii Agoosto iyo weerarrada sii xoogeysanaya ee lagu hayo Ukraine ayaa u muuqday in ay Trump ku keeneen inuu ka dhamaado dulqaadkii uu u hayay saaxiibkiisa "wanaagsan", sida uu Putin ugu yeero.

Waxaa jiray rajo weyn oo laga qabay in kulanka Jimcaha uu keeni doono guul ay Ukraine muddo raadineysay ee ah oggolaansho ay kaga helaan Trump iibsashada gantaallada Tomahawk ee masaafo dheer.

Carada Trump ee Putin ayaa muuqata Axaddii markuu saxaafadda u sheegay: "Ma rabaan (Ruushka) in Tomahawk-yada lagu rido? Anigu sidaas ma filayo."

Laakiin saameynta dhabta ah ee gantaalladan ay keeni karaan ayaa ah mid khilaafsan oo ay khubarada milatariga aad uga doodaan, waxaana suuragal ah in ay bilo qaadato ka hor intaysan si buuxda loo howlgelin.

Haddana, ugu yaraan waxay Ukraine siin doonaan awood ay si qoto dheer u garaacdo gudaha Ruushka, iyadoo la adeegsanayo hub ka awood badan kan ay hadda haystaan.

Sidoo kale, waxay fariin culus oo muuqata u direysaa Putin, taasoo muujinaysa in Mareykanku beddelayo mowqifkiisii hore.

Donald Trump iyo Putin

Xigashada Sawirka, EPA

Haddaba, wicitaankii taleefan ee socday labada saac iyo bar ee dhex maray Trump iyo Putin xilli uu Zelensky hawada ku jiray ayaa u muuqata mid hor istaagay waqti muhiim ah oo uu Zelensky rajeynayay.

Si kastaba ha ahaatee, Zelensky wuxuu isku dayayaa inuu muujiyo geesinimo, isaga oo qoraal uu kusoo qoray baraha bulshada marka uu Washington gaaray ku sheegay in Ruushku "si degdeg ah isugu dayayo inuu wadahadal bilaabo" waxaana uu u sababaynayaa hadallada ku saabsan Tomahawk-yada.

Falanqeeyayaasha ayaa u arka in aysan jirin cabsi dhab ah balse ay tahay ciyaartii caadiga ahayd ee Putin oo kale, wicitaankana waxaa ay Kremlin-ka sheegtay in uu ku yimid codsiga Ruushka.

Arrinta Tomahawk-yada ayaa si dhab ah looga wada hadlay, iyadoo Putin uu markale ku celiyay in haddii la siiyo Ukraine loo arki doono ficil khatar ah oo kicinaya dagaal.

Labada hoggaamiye waxay sidoo kale ka wada hadleen "fursadaha waaweyn" sida ay Ruushku sheegeen ee ay kamid tahay ganacsgai haddii nabad la gaaro.

Ugu dambeyn, waxay ku heshiiyeen in ay isugu yimaadaan shir ka dhici doona Hungary, waxaana Trump uu sheegay in uu dhici doono laba toddobaad gudahood.