War cusub oo ka soo kordhay kulankii Trump iyo Putin ee la filayey inuu dhaco

Qoraalka Muuqaalka,
    • Author, Laura Gozzi

Donald Trump ayaa sheegay doonayn "kulan waqti lumis ah" kadib markii la hakiyey qorshe ahaa inuu la yeesho wada-hadal fool ka fool ah dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin oo ku saabsan dagaalka Ukraine.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa muujiyay in qodob muhiim ah oo caqabad ku ah wadahadallada uu yahay diidmada Moscow ee ah in la joojiyo dagaalka hadda ka socda jiida hore, sida uu sheegay Aqalka Cad Talaadadii.

Horay, mas'uul ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in aysan jirin "wax qorshe ah" oo ku saabsan kulan deg-deg ah oo dhex mara Trump iyo Putin, kadib markii Trump uu Khamiistii sheegay in labada hoggaamiye ay kulan ku yeellan doonaan magaalada Budapest muddo laba toddobaad gudahood ah.

Farqiga weyn ee u dhexeeya soo-jeedimaha nabadeed ee Mareykanka iyo Ruushka ayaa si cad u soo baxay toddobaadkan, taasoo u muuqata inay meesha ka saartay rajadii laga qabay shir-madaxeed.

Trump iyo Putin ayaa yeeshay kulankoodii ugu dembeyey bishii Agoosto ee sanadkan kaas oo ka dhacay Alaska, intii lagu guda jiray shir madaxeed la soo agaasimay oo aan natiijo la taaban karo ka soo bixin.

Go'aanka Aqalka Cad ee lagu hakiyay qorshihii kulankii labaad ee Trump iyo Putin ayaa laga yaabaa in loo arko isku day lagu doonayo in looga fogaado xaalad kale oo la mid ah tii hore.

"Waxaan u maleynayaa in Ruushku uu doonayay wax aad u badan, waxayna noqotay mid cad in Mareykanku uu garwaaqsaday in wax heshiis ah uusan Trump ka heli doonin Budapest," sida uu yiri diblumaasi sare oo Yurub ah oo la hadlay Reuters.

Kulan hordhac ah oo u dhaxeeyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa la qorsheeyay in uu qabsoomo toddobaadkan – hase yeeshee, Aqalka Cad ayaa sheegay in labada masuul ay yeesheen "wacitaan miro dhal ah" isla markaana kulanku aanu hadda ahayn "mid lagama maarmaan ah".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Isniintii, Trump wuxuu taageeray soo-jeedin xabbad-joojin ah oo ay Kyiv iyo hoggaamiyeyaasha Yurubta taageersanaayeen, taasoo lagu doonayo in lagu qaboojiyo colaadda iyadoo lagu ekaanayo hadda jiida hore ee dagaalka

"Ha lagu jaro sida uu yahay" ayuu yiri. "Waxaan iri, ku jar oo jooji dagaalka khadkaas. Guriyihiina ku laabta . joojiya dagaalka, joojiyada dilka dadka,"

Ruushka ayaa marar badan ka hor yimid in la qaboojiyo ama la joojiyo dagaalka iyadoo lagu ekaanayo khadka xiriirka dagaalka ee hadda jira.

Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in fikraddan loo soo jeediyay Ruushka marar badan, balse "mowqifka joogtada ah ee Ruushka isma beddelayo" – isagoo tixraacaya ku adkeysiga Moscow ee ah in ciidammada Ukraine si buuxda uga baxaan gobollada bari ee lagu muransan yahay.

Moscow kaliya waxay danaynaysaa "nabadda waarta oo muddo dheer socota," ayuu yiri Sergei Lavrov Talaadadii, isagoo si dadban u muujinaya in qaboojinta dagaalka ee jiida hore ay noqon lahayd oo keliya xabbad-joojin ku-meel-gaar ah.

"Sababaha asaasiga ah ee colaadda" ayaa la baahan yahay in laga hadlo, ayuu yiri Lavrov, isagoo isticmaalaya eray-bixin kooban oo Kremlin ah oo tixraacaysa dalabaad aad u ballaaran oo ay ku jiraan aqoonsiga madaxbannaanida buuxda ee Ruushka ee gobolka Donbas iyo sidoo kale in Ukraine la ciidamo tiro – taas oo aan marnaba aysan aqbalin Kyiv iyo bahwadaagteeda Yurub.

colaadda Ukriane

Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa Talaadadii hore si wadajir ah u soo saaray bayaan ay la wadaageen Zelensky, iyaga oo sheegay in wada-hadallada lagu dhammeeyo dagaalka Ukraine ay tahay in laga bilaabo hadda qaboojinta jiida hore ee dagaalka, waxayna Ruushka ku eedeeyeen in nabaddu aysan "dhab" ka ahayn.

Zelensky ayaa sheegay in doodaha ku saabsan jiida hore ay yihiin "bilowga diblomaasiyadda," taasoo Ruushku uu sameynayo wax kasta si uu uga fogaado.

Mowduuca kaliya ee Moscow "ka dhigi kara inay fiiro gaar ah siiso" ayaa ahaa bixinta hubka fog ee loo dhiibayo Ukraine, ayuu intaa ku daray.

Trump ayaa kala hadlay shirka ka dhaci lahaa caasimada Hungary taleefoon uu kula hadlay Putin, maalin ka hor markii uu aqalka cad kula kulmay madaxweynaha Ukriane Volodymyr Zelensky.

Warar qaar ayaa tilmaamay in wada-hadalladaas ay ahaayeen "dood kulul," iyadoo ilo xog-ogaal ah ay sheegayaan in Trump uu cadaadis ku saaray Zelensky inuu ka tanaasulo dhul ballaaran oo ka tirsan gobollada bari ee Donetsk iyo Luhansk, oo si wadajir ah loogu yaqaan Donbas, qayb ka mid ah heshiis lala galayo Ruushka.

Si kastaba ha ahaatee, Zelensky wuxuu mar walba sheegay in Ukraine aysan ka tanaasuli karin qaybaha Donbas ee ay weli haystaan, iyada oo sabab looga dhigay in Ruushku uu aaggaasi mustaqbalka u adeegsan karo saldhig weerarro dheeraad ah.

Wicitaanka aan la qorsheyn ee Putin uu la yeeshay Trump Khamiistii hore ayaa yimid kadib markii la saadaalinayay in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu u diro Kyiv gantaallo ridada dheer ee Tomahawk ah kuwaas oo gaari kari gudaha Ruushka.

Zelensky wuxuu sheegay in arrinta gantaallada Tomahawk ay ahayd waxa qasbay Ruushka inuu galo wadahadal.

Inkastoo uu ka baxay Aqalka Cad isaga oo gacmo maran, haddana wuxuu intaa ku daray in wadahadalkii ku saabsan gantaallada ay noqdeen "maalgelin xooggan oo diblomaasiyadeed."