Maxay tahay sababta ka dambeysa safarrada is daba joogga ah ee madaxweynaha uu ku tagayo Eritrea

Xigashada Sawirka, Google
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan gaaray magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea halkaa oo uu kulan kula yeeshay dhiggiisa dalkaasi, Isaias Afwerki.
Labada hoggaamiye ayaa kawada hadlay arrimo xasaasi ah oo gobolka la xiriira iyo si gaar ah arrimaha labada dal.
Labada madaxweyne ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashiga Soomaaliya iyo Eritrea , Arrimaha gobolka ka jira iyo guud ahaan caalamka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Afwerki uga warbixiyey dadaallada dowladda Soomaaliya ugu jirto la dagaallanka Al-Shabaab.
Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadeen arrimo ku aadan tababarka ciidamada Soomaaliyeed uga socda dalkaas iyo sidii loogu dhameystiri lahaa, si dalka dib loogusoo celiyo.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta gudaha ee waddanka la hadlay ayaa yiri,“Sida aad ogtihiin Eritrea iyo Soomaaliya waxa ay lahaayeen xiriir saaxibtinimo muddo dheer , Erétria waxa ay taageeraysay Soomaaliya awaana waddan aan wax dan ah ka lahay Soomaaliya oo aan ka ahayn walaalnimo iyo in ay taageerto Soomaaliya .
waxa aan halkan u imid in aan warbixin ka siiyo madaxweynaha isbedellada iyo horumarka socdo oo aan weeydiino wixii talooyin ah sidii horey loogusii wadi karo xoreeynta argagaxisada ee dalkeena”.
Waxaa la rumeysan in madaxweyne Xasan Sheekh uu Eritrea ku tagay in kabadan safarrada uu ka tagay dalalka kale muddo xileedkiisan.
Dhaliishii Xasan Sheekh ee Eritrea
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kamid haaa musharaxiinta sida weyn u dhaliili jiray ciidamadii Soomaaliya ee tababarka u joogay Eritrea kuwaas oo joogitaankooda siyaabo badan loo qaadaa dhigay.
Xukuumaddii ka horreysay tan hadda ee Madaxweyne Xasan, ayaa in kabadan ciidamo gaaraya 5000 waxa ay tababar ugu dirtay Eritrea xilligaas oo uu socday dagaal u dhexeeya dowladda Itoobiya iyo gobolka Tigray, iyadoo la shaaciyay warar sheegaya in ciidamadaas ay qayb ka yihiin dagaalka dowladda deriska ah.
Wararkaasi ayaa beenoobay iyada oo dowladda hadda jirta ee dalka ay ku guuleystay soo celinta ciidamadii tababarka u joogay Eritrea.
"Ciidamada loo qaaday dalka Eritrea waala iibsaday oo wiilal ayaa naga maqan, wax war ahna kama heyno, dowladdii qaaddayna kama hadlin, waana mas'uuliyad darro waxna waala qarinayaa, xitaa haddii ay dal kale difaacayaan hanaloo sheego" ayuu horay u yiri madaxweyne Xasan Sheikh intii uusan xukunka kusoo noqon.

Xigashada Sawirka, X
Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ah wasiirkii hore ee batroolka ee Soomaaliya, kana faallooda arrimaha siyaasadda oo BBC-da la hadlay ayaa yiri, “Dhaliisha dabcan waxaa jeediya musharrax kasta oo markaas mucaaradka ah labada hoggaamiyana hadda dan ayaa ka dhaxaysa oo waxa ay kawada shaqeeyaan arrimaha geeska iyo xaalad walba oo soo cusboonaata”.
Waxa uu sheegay in Eritrea iyo Soomaaliya ay lahaayeen xiriir soo jireen ah marka ay noqoto dowladdan iyo dowladdii horeba, “Marka laga eego dhinaca saaxiibtinimada dabcan dwladaha ayaa saaxiib ah ee madaxda saaxiibtinimadooda ma ahan mi wax weyn soo kordhisa, ayuu sii raaciyay wasiir Maxamed Mukhtaar.
Sababta ka dambeysa xiriirka dhow ee Eritrea iyo Soomaaliya
Soomaaliya ayaa xiriir iskaashi iyo xiriirro kaleba la wadaagta Eritrea, waxa ugu badan kan amni
Waxa muuqata in xiriirka ka dhexeeya Eritrea iyo Soomaaliya uu yahay mid sii xoogeysanaya iyadoo loo sababeynayo dhinacyo dhowr ah.
“Axmed Kaboole oo isna ka faallooda arrimaha ammaanka iyo siyaasadda ayaa yiri, “Madaxweynuhu waxa uu u baxay safarro dhowr ah oo Eritrea ah haba ugu badnaado wixii ka dambeeyay xiisadii Itoobiya iyo Soomaaliya, ‘Soomaalidu waxay tiraahdaa cadawgaaga cadawgiisa waa saaxiibkaa’ Soomaaliya waa sidaas xiriirkka labada dowladood oo sii adkaada waxaa keenaya in ay hal cadaw leeyihiin”.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Waxa uu ka hadlay in Eritrea ay qayb weyn ka qaadaneyso tababarka iyo tayeynta ciidamada Soomaaliya iyadoo in kabadan 5000 oo ciidamo ah ay tababarro kala duwan kusoo qaateen dalkaas.
“Soomaaliya waxa ay dagaal kula jirtaa Al-shabaab iyadoo ay sidaas tahay waxa ugu muhiimsan ee ay u baahantahay waa ciidan tababaran oo tayeysan Eritrea-na waxa ay qayb ka qaadataa tababarka ciidamadaas”, ayuu yiri Kaboole.
Horay madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu booqashooyin kala duwan ugu bixiyay magaalada Asmara oo uu dhowr jeer tegay, kadib dib u doorashadiisii 15-kii May ee sanadkii 2022-kii
Waxaa kale oo uu horay u booqday xeryaha ciidamada Soomaaliya lagu tababarayo, isaga oo qiimeyneyay xaaladdooda iyo tababarka uga socda halkaasi.
Eritrea ayaa waxaa ku sugan oo tababar ku qaadanaya qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida, waana mid kamid ah waddamada Soomaaliya ka gacan siiya tababarka ciidamada, kaasi oo lagu tilmaamo midka ugu adag ee la siiyo ciidankeenna.













