Sideedaan qodob haddii aad u sameyso xaaskaaga waligeed kuma hilmaami doonto

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ka farxinta lamaanahaaga ayaa tiir wanaagsan u noqon kara guur caafimaad qaba iyo reer ku dhisan farxad dhameystiran. Waxaa laga yaabaa in aad ku fikirto in xaaskaaga ay u baahantahay waxyaabo gaar ah ama adiga kugu culus oo aadan awoodin sameyntooda, laakiin dhab ahaantii sidaas maaha.
Aadanaha oo dhan waa isku dareen waana isku mid, waxa ay badankood jecleystaan waxyaabo isku mid ah, hase yeeshee waxaa jira qodobbo fulintooda ay aad u sahlanyihiin isla markaana ku qasba dumarka in ay ku jeclaadaan.
Qof kastaa wuxuu leeyahay habab kala duwan oo uu rabo inuu jacayl ku helo, laakiin waxaa jira siyaabo caadi ah oo aad u mari karto si aad uga farxiso xaaskaaga waliba si joogto ah.
Halkan hoose waxaa ku xusan qodobbo dhowr ah, oo ay khubarro ku micneeyeen in ay yihiin siyaabaha ugu fudud ee loo yagleeli karo guur iyo guri farxad ku dhisan.
1.U sheeg inaad jeceshahay
Haweeneyda xaaskaaga ah in aad mar waliba u sheegto in aad jeceshay waxa ay ka dhigtaa mid faraxsan, waliba adiga oo aan u dhahaynin si caadi ah balse muujinaya in aadan iyada ka maarmin, u sheeg in ay tahay quruxda guriga iyo qofka kaliya ee aad u dooratay in aad waligiin wada noolaataan, sidoo kale darensii in ay tahay garabkaada oo buuxa.
2. Dhis xaaskaaga
Waxaa laga yaabaa in xaaskaagu ay tahay qof shqeeya ama wax barta oo arday ah, mar waliba ka wareyso halka ay wax u marayaan iyo qorsheheeda xiga, iyo sidoo kale waxa aad ka caawin karto, waliba u sheg in ay tahay qof howl kar ah oo dadaal badan isla markaana guuleysan doonta.
Haweenku waxa ay la kulmaan culeys badan marka ay isku hayaan shaqo bannaanka ah iyo tan guriga u muuji in aad garabkeeda tahay isla markaana aysan wax waliba kaligeed ku ahayann. Dhisida kalsoonida xaaskaagu waxaad ka qaadan kartaa qayb muhiim ah,waxa hubaal ah inay u horseedi doonto farxad.
3. Sii fursad ay nafteeda waqti kula qaadato
Iyadoo xaaskaagu jeceshahay wehelkaaga, waxay sidoo kale qiimeysaa madaxbannaanideeda. Mararka qaarkood waxa ay runtii u baahan tahay waa wakhti yar oo nafteeda u gaar ah iyo in carruurta aad ka nasiso.
Waxay kugu qadarin doontaa inaad ka warqabto dareenkeeda gaarka ah, oo ay garato in ku taageereyso kawar qabka nafteeda. U soo bandhig ama xasuusi in ay kaligeed soo nafisto waliba ay soo lugeyso banaanka xilliyada galbihii ama fiidkii ah, sidoo kale haddii ay u baahantahay wakhti ay ku akhriso buugaag ama ay ku booqato asxaabteeda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
4. Si fiican ugu eeg
Dumarku waxa ay jecelyihiin in ay is qurxiyaan, haddi ay noqon lahayd jirkeeda, labbiskeeda, iyo timeheedaba, xilligaasi waa in ninku uu u sheegaa xaaskiisa in ay aad u qurux badantahay, isaga oo si naxariis ah u eegaya waliba u sheegaya in maalinba maalinta ka dambeysa ay sii qurux badnaaneyso, taas haweeneyda marwada waxa ay ku qasbeysaa in ay jeclaato is qurxinta, waxaana au u muujineysaa in uu jiro qof jecel quruxdeeda oo ku indha doogsada.
5.Haku qasbin labbis aysan ku faraxsaneyn
Haweeneyda marwada ah, waxay qaddarisaa dookha ninkeeda, iyo in uu u dooro labbiska, hase yeeshee mar waliba waxaa doorka koobaad qaata dookheeda, waxa ayna jecleysataa in lagu ammaano dookheeda gaarka ah, beddelka loo doori lahaa mid kale.
6. Daacad u noqo iyada
Ogaanshaha inay tahay ninka kaliya ee iyada ku kooban ayaa hubaal ah inay farxad badan u keeni doonto xaaskaaga. U muuji sida ay uga go'an tahay la joogitaanka kaligeed ah, marka aad wada joogtaan iyo marka aanad joogin. Run ugu muuji iyada, xitaa fikradahaaga. Weligaana ha dareensiinin in aysan kugu filneyn ama aad qabto baahi haween kale ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
7. wada shaqeynta iyo is caawinta guriga
Dhaqamada ugu badan ee adduunka waxa inta badan shaqada guriga laga rajeeyaa ama ugu badan dumarka iyo in ay qaataan dhamaan culeyska guriga kajira, sida cunto karinta, daryeelka carruurta iyo wax waliba oo maamulka guriga ah. Filashooyinka noocan oo kale ah waxay keenaan in lamaanuhu ay waqti farxadeed wada qaadan waayaan in uu gurigu noqdo goob caajis iyo dhibsado.
8. faro ka ciyaar aan dhibaato keenin
Xilliyada aad kaliga tihiin, waxa ay ku habboontahay in aad kaftantaan, wada qososhaad isla markaana faro kaciyaartaan, waxa ay qurxineysaa noloshiina iyo in aadnaan dareemin caajis xilliga aad labadiina oo kaliya tihiin.
Waxa ay dhistaa mooraalka xaaska iyada oo sawiraneysa in aad u tahay farxad idilkeed.












