Sida wiilkan dhalinyarada ah uu uga baxay shaqo la'aanta una sameystay ganacsi guuleystay

Xigashada Sawirka, MAXAMED DHICIS
Wuxuu ka soo jeedaa qoys beeralley ah oo deggan gobolka Hiiraan, maaddaama uu yaqaannay arrimaha beeraha wuxuu jaamacada ku qaatay aqoonta beeraha oo heerkiiska kowaad ku qaatay Jaamacadda Hiiraan oo ku taal magaalada Beledweyne.
Maxamed Dhicis Cabdi waxaa uu markii uu jaamacadda dhammeeyay la kulmay shaqo la'aan, sida BBC-da uu u sheegay, wuxuu hindisay inuu helo fursad shaqo oo uu ku maareeyo noloshiisa maaddaama uu shaqo ku waayey wixii uu bartay.
“Waxaa dareemi kartaa in shaqooyinka ay iska yihiin garab taabasho taas ayaa igu kalliftay inaan ku mashquulo inaan ka fakaro inaan abuuro wax aan xilligaas aqoon u lahayn, balse iila muuqday fursad haddii ay ii hirgasho ii noqon karto mid wanaagsan” ayuu yiri.
Wuxuu sanadkii 2021-kii bilaabay sidii uu u abuuri lahaa fursadan u noqotay mid guulaysatay isagoo BBC-da u sheegay in caqabado adag ay ka horyimaadeen balse uu u adkaystay
Bartamihii sanadkaas ayuu u baxay beer ku taala banaanka Baladweyne oo qiyaas ahaan u jirtay magaalada 5km si uu u raadiyo shinni uu dhaqdo oo ah markii ugu horreysay ee uu u dhaqaaqay inuu dhaqan galiyo hammigiisa.
“Beerta ayaan tagay xilli aroor ah, waxaan helay boqoraddii shinnida waxayna igu qaadatay labo saacadood, waaan soo qabtay, siddeed bilood ayey igu qaadatay inaan hormariyo oo malab ka sameeyo, way i qaniintay xitaa xanuun aan ka qaaday oo xasaasiyad igu kicisay, waase u dhabar adaygay” ayuu yiri Maxamed.
Wuxuu xusay in dadku u arkayeen qof aan fiyoobayn sababtoo ah way adkayd in la sameeyo dhaqashada shinnida ‘waxay igu dhaheen maxay shinnidu kuu qanini wayday waxaad isticmaalaysaa sixir’ sababtoo ah waan bartay dhaqashadeeda laakiin wali la yaab ayey dadka deegaanka ku ahayd.
Bilowgii wuxuu sheegay inay u muuqatay inuu guul ka gaari karo waayo baahida ah in la helo malab saafiya oo ka jirtay deegaankiisa iyo dalkaba iyo fursada dhaqashada oo yarayd owgeed.
Sidee loo dhaqaa shinnida?

Xigashada Sawirka, MAXAMED DHICIS
Maxamed Dhicis wuxuu sheegay in sida xoolaha loo dhaqo aysan wax badan ka duwanayn qaabka loo dhaqo shinnida marla la eego sida loo xannaaneeyo.
“Waxaa loo raraa sida xoolaha loo raro, sidoo kale waxa loo naq geeyaa sida xoolaha oo kale, xilliyada jiilaalka waxaa la siiyaa waxay cunto, haddii roob meel ka da’o meeshaas ayaa la geeyaa” ayuu yiri Maxamed.
Wuxuu sidoo kale sheegay in meelo badan loo rari karo oo deegaanka lagu bilaabay laga qaadi karo.
Hadda waxaan geynaa meelaha keymaha si aan ugu fogayno fatahaadaha ku dhufta Baladweyn waxana ku haynaa ilaa saddex xarumood oo ku dhaqno.
Hammigiisii hirglay

Xigashada Sawirka, Mohamed Dhicis
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed fikirkii ka dhashay shaqalo la'aanta ayuu ku helay fursad weyn oo ku dhalisay inuu abuuro shirkad soo saarta malab loo iibgeeyo dalka oo dhan
“Markii aan hirgaliyey, filashadaydii waxaan helay saaxiibbo igula soo biiray inaan xoojinno dhaqashada shinnida, waxayna noqotay kuwo saami wadaaga, hadda waxan noqonnay shirkad weyn oo xarumo ku leh Baladweyne iyo Muqdisho kuna tala jirnaa inaan dhawaan xarun ka furno Garoowe” ayuu yiri Maxamed.
Saddex xarumood ayuu sheegay inay hadda leeyihiin oo ay midkiiba yaalaan 50 sanduuq oo lagu xanaaneeyo Shinnida taas oo ka dhigay inay wadar ahaan haystaan 150 sanduuq oo ay shinni ku jirto.
Maxamed wuxuu xusay in shirkaddooda la yihiraan Hiiraan Honey Company taas oo soo saarta malab loo qaybiyo Soomaaliya sidoo kalana loo dhoofiyo dibadda.
“Xilliyada ayaa kala duwan laakiin wax soo saarkeenna malabku waa mid sarreeya, tusaale ahaan waxaan soo saarnaa ilaa soddon jirgaan oo malab ah halkii jirgaan waxaa ku jira 20 liitar oo malab ah,waa ilaaa 600 liter oo malab ah ayaan soo saarnaa” ayuu yiri.
Maxay tahay Boqoradda Shinnida sideese loo qabtaa?

Xigashada Sawirka, MAXAMED DHICIS
Shinnidu waxay u dhisan tahay sida boqortooyo oo kale, waxay leedahay hab maamuus isku xiran oo kala danbayn leh.
Sida BBC-da u sheegay Maxamed Dhicis Cabdi oo dhaqda Shinnida waxay ka kooban tahay saddex nooc oo kala ah boqoradda, shaqaalaha iyo droneska.
Boqoraddu waxay leedahay masuuliyada ugu weyn oo ah isku haynta Shinnida,taranka iyo ilaalineeda. Boqoradu waa ka weyn tahay inta kale ee Shinida muuqaal ahaan.
Kuwa loo yaqaan droneska waa kuwa dhaddigga ah ee an ka fogaan aagga boqoradda, halka kuwa shaqaalaha la yiraahdo ay u xilsaaran yihiin inay ubaxa ka soo qaadaan geedaha iyo biyaha.
“Qabashada boqorada waa halista ugu weyn ee aad wajahayso,markiiba waxaa ku qabsanaya weerar adag oo ay ilaaladeedu soo qaadayaan, hadii adan u diyaar sanayn oo dharka laga xirto qabin waaba ku dili karaan isla markiiba, laakiin marka boqorada la qabo waxay diraysaa fariin ah in aan la dagaalamin oo iyadii gacanta lagu dhigay wixii ka danbeeya waa sahal inaa dhaqato ama malabka ka gurato” ayuu BBC-da u sheegay Maxamed.
Shirkadiisa ayuu sheegay inay hadda leedahay gawaari iyo mootooyin malabka ka keena beerta Shinnida lagu dhaqo oo maagalada Baladweyn keena iyo shaqaale ka badan toban oo u shaqeeya.
Hadda shirkadiisa waa mid wa soo saar leh balse wuxuu sheegay in mar uu waayey wuxuu mobile ku shubto taasna ku xanbaartay inuu fikirkan ka dhabeeyo.
Halista shinnida

Xigashada Sawirka, MAXAMED DHICIS
Xili kasta waa halis shinnidu, qabashadeeda ama dhaqashadeeda, taxadarka iyo barashadeeda ayaa ku sahli karta inaa faa’iidadeeda si fiican u hesho.
Maxamed oo muddo saddex sano ah dhaqanayey shinnida wuxuu sheegay in dadka an u helin tababar ay halis weyn gaarsiin karto Shinidu.
“Qaadashada qalabka laysaga difaaco ayaa ah mudnanta kowaad,qofka doonayanaya waa inuu marka hore naftiisa ka taxadaraaa waayo waa dilaa halis badan oo haddana faa’iido leh” ayuu yiri Maxamed
Wuxuu xusay in wali ay yartahay in fursadan si furan looga faa’iidayso oo uu ku talinayo in laga faa'iidaysto gaar ahaan dhalinyaradda.
Gunaanadkii wuxuu Maxamed Dhicis BBC-da u sheegay inuu rajaynayo in malabkiisu ka mid noqdo kuwa kaalimaha hore ka gala dunida taasna ay tahay hammigiisa xiga ee uu ku howlan yahay.













