Sagaashan jir Soomaali ah oo shinni ku dhaqda Jigjiga

Cabdullaahi Ibraahim

Waa arrin adag in la rumaysto in uu jiro qof Soomaali ah oo da'diisa tahay 90 sano oo ka shaqeynaya howl adag.

Haddaba Cabdilaahi Ibraahim Timo Jilic oo ah 90-jir wuxuu dhaqdaa shinnida oo malab ayuu soo saaraa, waxaanu gaagurihiisaa ka helaa dhaqaale fiican oo nolol maalmeedkiisa dhaafsan.

Shaqadaas ayuu ka dhistay guri wuxuuna ku jiraa nolol wanaagsan.

Siduu ku helay shinnida?

Wuxuu BBC Somali u sheegay in shinnida ay markii hore soo gashay gurigiisa. "Waxay shinnida guureyga timi goor galab ah," ayuu yiri Cabdullahi.

"Niman meesha ila joogay baa igu yiri bahashan qabso. Nimankii baa igu kallifay anigoon aqoonin oo aan arag laakiin malabkeeda un ayaan arki jiray".

Wuxuu intaa ku daray: "Ninbaa qabtay oo illaa haantii lagu ridayay geliyay. Lacag buu iga qaatay. Illaa wakhtigaa waan soo waday".

In ay badato caqabad miyuu kala kulmay?

Cabdullahi Ibraahim wuxuu BBC u sheegay in ay isdhaleysay wixii markaa ka dambeeyay.

"Isla sannadkii toddobo boqor bay bixisay. Toddobadii boqor baa toddobo haamood lagu kala riday. Laakiin bashii waxba way ka soo bixi waayeen".

Dharka noocan ah ayuu xirtaa marka uu ka shaqeynayo meesha uu ku xannaaneeyo
Qoraalka sawirka, Dharka noocan ah ayuu xirtaa marka uu ka shaqeynayo meesha uu ku xannaaneeyo

Quraanjo ayaa ugu gashay haamihii lagu riday shinnidiina waxba way dhaliwaysay, sida uu BBC-da u sheegay.

"Waxaan doontay sunta biifbaafta loo yaqaano, markii aan ku buufiyayna wixiiba way isla wada dhinteen".

Weriyaha BBC-da ee Jigjiga Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam ayaa weydiiyay in uu doonayay in sunta ay quraanjada oo keli ah disho. Wuxuuna ku jawaabay: "Waxaan rabay in quraanjada ay dhimato shinnida ay iisoo harto. Laakiin lix boqor baa dhimatay xabad baa ka badbaaday. Haantii markii la furay wixiiba way isla wada qooyeen."

Muxuu ka faa'iday boqorkii badbaaday?

Cabdullaahi wuxuu sheegayaa in boqorkii badbaaday uu la guuray, ka dibna uu ka faa'iday shinni badan.

"Xabaddii sidii ay halkii ugu jirtay guryana waan ka dhistay lacagtii ka soo baxday, nafteydana halkaas baan ku dabarayay", ayuu tilmaamay.

Boqorka shinnida wuxuu isu keenaa shinni kale oo badan taas oo wada dhasha malabka.

Wuxuu dadka u sheegay: "Ninka wayni wuu shaqeysan karaa dadkana waxbuu bari karaa. Ama xag sharci ha noqoto ama xag diineed ha noqoto ama xag dadnimo ha noqoto ama wax qabsi ha noqoto."

Hadda xaguu ku xannaaneeyaa?

Malable

Shinnida hadda uu xannaaneysto aad ayey u badan tahay sidoo kale meeshii uu degganaa waxaa hadda gaartay magaalada oo dhismooyiinkii ayaa dhaafay.

Balse arrintaasi waxay ku qasabtay in uu raro oo uu geeyo meel magaalada ka yara baxsan ka dib markii ay dhibaato u geysatay dadka, sida uu sheegay Cabdullaahi oo 90-jir ah.

"Magaalada 10km baan u jiraa, waxaa sabab u ah, dadkii bay dhibaato u geysaneysay, iyadiina way badatay. Dhibaato ayaa iiga imaan lahayn anigana haddaanan halkaa geynin.

Qashinka ka soo baxa xabagta laga shiiday malabka ayuu sheegay in uu dib ugu siiyo "marka ay ka dhammaadaan ubaxyada iyo wixii qoyanaa, si ay ugu noolaato oo ay ugu gaarto xilliga roobka."

Inkastoo meesha uu ku xannaaneeyo ay ku fogtahay magaalada, haddana wuxuu tilmaamay in uu markastaa tago.

Wuxuu sheegay in xabbadii keli ah ay toddobo kale dhasho sannadkii.

Qeyb intee la'eg bay noloshiisa ku leedahay?

Sanduuqyada ay shinnida ugu jiraan

Cabdullaahi Ibraahim wuxuu sheegayaa in noloshiisa ay noqotay mid wax soo saarta, uuna ku nool yahay. "Shinnida wax soo saarka ayey ka mid tahay," ayuu yiri.

"Wixii aad ku noolaan lahayd bay ka mid tahay. Laakiin dhaqan ahaan uma lihin taas. Waxayse ka mid tahay dawooyiinka ugu waawayn", ayuu xaqiijiyay.

Cabdullaahi wuxuu hadda haystaa illaa 160 gaagurood. "Bishii dhaqaale fiican baa ka soo bixi lahaa ee laakiin dadkii baa xagga Khaadka ku sii jeeda oo suuqa malabka dad malahan," ayuu yiri.

Qoraalka Codka, Sagaashan jir Shinnida ku dhaqda Jigjiga