Sagaashan jir Shinnida ku dhaqda Jigjiga

Qoraalka Codka, Sagaashan jir Shinnida ku dhaqda Jigjiga

Waa arin ku adag in laga rumayso in uu jiro qof Soomaali ah oo da'diisu sagaashan jir tahay oo shaqaysanaya. Hadaba Cabdilaahi Ibraahim Timo Jilic oo ah oday 90 jir ah ayaa waxa uu dhaqdaa shinnida oo malabka ayuu soo saaraa, waxaanu gaagurihiisaa ka helaa dhaqaale fiican oo nolol maalmeedkiisa dhaafsan oo waxaabu ka dhistay guro.

Weriye Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam yaa Timo Jilic kula kulmay duleedka magaalada Jigjiga oo uu shinnida ku dhaqo, waraysigan ayaanu la yeeshay.