Atoore caan ah oo isagoo filim duubaya qori rasaas ku jirtana heysta hilmaamay inuu wax jilayay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoyska atooraha caanka ah ee Hollywood-ka, Bruce Willis ayaa isbuucan sheegay in uu la xanuunsan yahay cudurka hilmaamka xad-dhaafka ah sababa ee loo yaqaanno “dementia”.
Warbaahinta caalamiga ah ah qaarkeed ayaa tebiyay in Bruce oo ku xaan baxay filimada dagaalka uu hadda ka hor lasoo gudboonaaday xanuun isagoo duubaya filimka Hard Kill. Waxa uu markaas si amar la’aan ah rasaas uga riday qori uu gacanta ku hayay isagoo aan garaneyn sababta.
Wargeyska LA Times ayaa shaaciyay in jilaaga uu ficilkaas sameeyay 2020-kii.
Agaasimeyaasha filimka ayaa ku khasbanaaday in ay yareeyaan doorka uu filimka ku lahaa Bruce Willis maadaama uu la xanuunsanayay cudurka aphasia oo sababa in qofka u uku dhaco jah wareer dhinaca fahamka luuqadda ah, sida uu qoray wargeyska Daily Mail.
Wargeyskan ayaa intaas ku daray in hal sano ka dib, 2021-kii uu jilaagan mar kale la kulmay xaalad caafimaad darro oo dhinaca hilmaamka ah, isagoo jilayay filimka White Elephant.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mar qura ayuu saaxiibbadii filimka la sameynayay weydiiyay waxa ay ku howlanaayeen, isagoo gebi ahaanba hilmaamay in uu filim duubayay.
67 jirkan ayaa markii dambe ku khasbanaaday in uu joojiyo jilista filimada, waxaana lala tacaalayay xaaladdiisa caafimaad.
Muxuu yahay cudurka hilmaamka?
Cudurka ku dhacay atoorahan waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Frontotemporal dementia (FTD)".
Waxaa xanuunkan sababa hoos u dhac ku imaada shaqada neerfayaasha maskaxda oo aad isu dhima. Marka uu xoogeysto cudurkan waxa uu horseedaa in qofka u uku dhaco isbaddal saameeya shakhsiyaddiisa, dabeecadihiisa iyo luuqadda.
Waa cudur qeyrul-caadi ah oo inta badan ku dhaca dadka da’doodu u dhaxeyso 45 ilaa 65 sano. Waxa uu u badan yahay dadka ay da’doodu ka sarreyso 65.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qiyaas la sameeyay ayaa muujisay in dad tiradoodu u dhaxeyso 50,000 ilaa 60,000 oo ku nool Mareykanka ay qabaan xanuunkan.
Ma jiraan dawooyin ama habab lagu yareyn karo saameynta uu cudurkan ku yeelanayo qofka u uku dhaco, inkastoo la daweyn karo calaamadihiisa qaarkood.
War saxaafadeed ay qoyska jilaaga soo saareen dhawaan ayey ku dhaheen: "Maanta daawo ma laha cudurkan, arrintaasoo aan rajeyneyno in ay isbeddesho sannadaha soo socda".
Willis ayaa noqday atoore magaciisa guri walba laga hadal hayay sannadihii 1980-meeyadii ilaa 1990meeyadii, isagoo abaalmarinno badan ku muteystay filimada uu soo jilayay oo u badnaa kuwa dagaalka.
Aflaanta sida weyn loogu yaqaanno eel aga daba dhacay waxaa ka mid ah musalsalka Die Hard iyo filimada The Sixth Sense, Armageddon iyo Pulp Fiction.











