Soo shaac bixii xidiga filimaanta hindiga- Sanjay Dutt ilaa dhamaadkiisa

Sanjey

Xigashada Sawirka, DHARMA/SCREENGRAB/BBC

Sanjay Dutt oo filimaanta looga bartay in uu jilo kaalinta halyeyga iyo geesinamada ayaa nolosha caadiga ahna sidaas lagu tilmaamay.

Sheekada Sanjay OO sidoo kale gudaha Hindaya looga yeero, Sanju Baba ayaan halkan idiinkusoo gudbin doonnaa. Dabcan waxay ku bilaaban doontaa waalidkiisa dhalay .. hooyadiis oo Nargis oo sidoo kale atariisho ah.

Nargis oo wiilkeeda xabbaad ku dhifatay filinka caanka ah ee “mother India” dhexdiisa, sababtuna tahay in uu qalad sameeyay. Balse dabcan tani waa filin oo kaliya.

Sanajay wuxuu dhashay 29 kii bishii luulyo sannadkii 1959. Hooyada dhashay wiilkam yar xilligaas may aysan qiyaasi karin nolosha waalida ah ee wiilkeedu qaadan doono iyo shirkadaha uu ku biiri doono.

Sanajay wuxuu u dhashay Sunil Dutt oo aabiiis ah iyo Nargis. Sanjay oo caruurnimadiisii ahaa mid yaxyax iyo xishood badano o dadka iska qariya ayey hooyadiis ka filaysay in uu sidaas ku waynaado. Waxaa tan laga arki karaa qayb ka mid ah filinka dokumentariga ah ee laga duubay. Waaa sanjay yare oo inta xishooday kaamirada kasii jeedsanaya, bals eisla Sanajay-gan ayaa go’aansaday in uu kaamirada hor jogo inta noloshiisa ka dhiman.

Sanajay walaashiis ayaa barnaamij telefishan u sheegtay in walaalkeed uu ahaa wiil aad u qalbi wanaagsan. “Maalin malmaha ka mid gaariga sanajay oo meel la baarkimay ayuu wiil yari ku dul wareegay, waxayna taasi ka xanaajisay dirawalkii gaariga Sanjay kaas oo wiilkii yaraa kala tuuray, ka dibna guriga ayuu aaday. Snjay oo arrinkaas ka xumaaday ayaa oohin afka furtay isaga oo u adkeysan waayey sida dirawalku wiilka yar ula dhaqmay, waxbana ma uusan samayn karin ilaa uu dib ugusoo laabtoo wiilkii yaraa isaga oo caano u wada markaas ayuuna caadi dareemay.”

Hooyada Sanajay – Nargis oo idaacad siisay waraysi ayaa sheegtay markii uu Sanjay dhashay “ oo uu ilma yar noqday, wuu ooyi jiray mar waliba oo aan aado duubista filimada, xitaa markaa aan goobta shaqada tago aadbaan uga walwali jiray ilaa markii dambe aan joojiyaya shaqada filimada gebi ahaanba”.

Hoos udhacii Sanajay

Sanjey

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES

Aaabaha Sanjay – Sunil Dutt ayaa marar badan ka sheekeeyay dhacdo dhex marta isaga iyo wiilkiisa, oo uu siiyay sigaar si kaftan ah, balse waxaa ka yaabisay sida uu u dhameeyay sigaarkii isaga oo waliba si qumman u cabbay, sidii qof sigaarka sii cabbi jiray oo kale.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Markii uu Sunil guriga imaan jiray isaga iyo saaxiibadiis oo sigaar cabaya, Sanajay xitaa toban sano ma jirin. Waxayna qarin jireen haraadiga sigaarka, balse Sanjay waa uu xadi jiray wuxuuna cabbi jiray haashka la tuuray.

Magaca Sanajay ayaa laga saaray liiska ardada dugsiga kiniisaddu leedahay ee Mumbai ka dib markii edebtiisa laga dariyey, waxaana loo diray dugsiga digsi kale oo uu dhowr sano ku qaatay.

Isaga oo yar ayuu Sanjay ku biiray fanka wuxuuna kooxda iskuulkiisu u tumi jiray durbaanka. Sanjay walaashiis Priya Dutt ayaa talefishan u sheegtay in “Sanjay uu drbaanka u ciyaari jiray oo kaliya hal nooc.”

Ugu dambeyntii Waxaa Sanjay loo qaaday dalxiis uu ku tagay dalka Bangladesh. Waxaa masrax ka heesaysay Lata Mangeshkar oo uu durban u garacayey. Hal mar ayey joojiyeen heesta ka dib markii ay ka war heleen in si qaldan loo garaacayo durbaanka, balse Sanjay iyaa iska dhaga tiray taas wuxuuna sii waday garaacista, isaga oo ku dhameys tiray heesta.

Sanjey

Xigashada Sawirka, INSTAGRAM/SANJAYDUTT/BBC

Xilligiisii daroogada

Sannadkii 1977 -dii 18 jirkan, Sanjay Lawrence ayaa dib ugasoo laabtay coleejadii uu dhiganayey isaga oo gurigooda yimid. Magacn dugsigaas ayaa looga baxshay. Muddadan iyada ah wuxuu Sanajay bilaabay in uu u jeesto dhinaca halista ah ee daroogada.

Warqaysi uu bixiyey ayuu sanjay qudhiisu ku qirtay in uu qol isku xiri jiray xilliga uu guriga joogay uuna door bidi jiray in uu kali ahaado.

Sanjay hooyadiis Nargis ayaa arrintan ka war haysay balse meysan waligeed u sheegin aabishiis in wiilkoodu daroogu isticmaalo.

Isla markaa iyada ah wuxuu sanajay go’aansaday in uu raaco wadada waalidkiis oo uu ku biiro jilliinka filimada. Wuxuu horaan wax ka jilay filimkii 'Reshma Aur Shera' isaga oo ilmo yar ah filimkan oo lasii daayey sannadkii 1971 -kii.

Go’aankiisa ka dib wuxuu aabihii u bilaabay in uu u tababaro sidii uu jilaa u noqon lahaa. Barkii uu xaqiijiyey aabihiis in uu diyaar yahay waxaa loo dhiibay filimkii ‘Rocky’ oo uu ka noqday halyeyga kowaad, halka ay atariisho ka ahayd Tina Munim.

Muragadii kansarka.

Sanjay hooyadiis waxaa laga helay kansar xilli duubistii filimka ‘Rocky’ ay socotay. Sunil dutt, ayaa Maraykanka u qaaday si loo daweeyo. Markii ay halkaas gaadhey waxay gashay miyir dabool laba bilood ah, markii ay soo kacdayna su’aashii ugu horreysay ee ay waydiisu waxay ahayd, “aaway Sanajay?”.

Sunil ayaa xaaskisa codad ka duubi jiray inta ay miyir daboolka ku jirtay, waxaana ka mid ahaa cid uu ka duubay oo ay farriin qurux badan ugu dirayso gabadheeda. Markii ay kasoo laabatay Marayakanka, xaalada Nargis ayaa kasoo raysay xoogaa.

Waxaa weli socda duubistii filimka ‘Rocky’ waxayna Nargis ninkeeda ka codsatay, wax walba haku qaadatee in uu geeyo bandhigga filimka uu wiilkeedu jilay. Waxaa filimka ;lasoo bandhigayey toddobadii may balse nasiibumaysan yeelan in ay ka qayb gasho waayo geerideedii ayaa timid.

Waxaa lagula orday isbitaalka, balse neefteedii u dambveysay waxay ku ekayd saddexdii isla bishaas sannadkii 1981.

“Waxaan u joojiyay daroogada …”

Sanjay Dutt ayaa barnaamij talefishan ka sheegay - “subax subxaha ka mid ah ayaa indhaha kala furay, shaqaalahayaga ayaa i ag taagna, waxaanan ku idhi – waan gajeysanahay e cunto iikeen. Markii ay intan maqashay ayey ilmaysay, waxaanan weydiiyey waxa dhacay, waxayn ii sheegtay in aan laba maalmood ka dib soo kacay. Waxaan isku eegay muraayadda, aad ayaan u dhafoor xumaa timahayguna way isku dhex yaacsanaayeen.”

“Waxaan moodayey in aan dhimanayo. Waxaan u tagey aabe waxaanan u sheegay in aan garab uga baahnahay. Wuxuu aabahay ii qaaday isbitaalka Breach candy ee magaalada Mumbai.”

Waxay ahayd sannadkii 1984 tii markii uu Sunil u qaaday maraykanka wiilkiisa Sanajay si looga joojiyo daroogada. Xilligan isaga ah waxaa xumaaday xiriirka Sanjay iyo Tina saaxiibtiisii xilligaas.

Arrin dareen leh ayaa dhacday intii lagu guda jiray daweyntiisa. Isaga oo fadhiya xerada dadka looga dhaqan celiyo daroogada ayuu maqlay cod la duubay. Waa farriin cod ah oo hooyadiis ay u doobtay isaga.

Hadalladu waxay ahaayeen sida tan: “ Sanjuu, iska ilaali kibirka, waxaadna xoogga saartaa hab dhaqankaaga wanaajintiisa, istusnimada iska ilaali, dadka waaweynna ha caayin…taas ayaad guul ku gaareysaa waxayna kaa caawinaysaa shaqadaada.”

Sanjay ayaa sheegay in uu ooyay in badan ka dib markii uu maqlay codka iyo farriinta hooyadii oo markaas dhimashadeedii laga joogo laba sano.”waxaan ooyayey afar ilaa shan saacadood” ayuu yiri.

Sanjey

Xigashada Sawirka, AFP

Dembiyadiisii ilaa xabsi

Sanjay Dutt waxa uu ka mid yahay atooreyaasha Bollywood-ka ee lacagta badan sameeyay, balse magaciisa waxa dhiiqeeyay fadeexado kala duwan.

Biloowgii xirfadiisa jilliinka waxaa kusoo baxay fadeexado , isaga oo lagu heley dambi la xiriira qaraxyadii 1993-dii ee Mumbai, wuxuuna xabsiga galay muddo dhawr sano ah.

Sanjay ayaa la hadlay weriyaha BBC-da Nayandeep Rakshit, isaga oo kala sheekeystay moowduucyo kala duwan.

Waxaa wax laga weeydiiyay in uu xanaaqi jirey intii uu ku jiray xabsiga ama xaaladaha adag ee maxkamadda, wuxuuna sheegay in marnaba uusan xanaaqin.

Waxa uu sheegay in taliye ka mid kuwii xabsiga xukumayay uu siiyay talo dhaxalgal ah oo aad u caawisay.

"Waxay ii sheegeen in rajo ka quusto, waanan yeelay, labo todobaad ayay igu qaadatay, balse muddo kadib waxaan arkay waqtigii xabsiga la igu xukumay oo si dhaqso leh u dhamaaday" ayuu yiri Sanjay.

Waxa kale oo uu sheegay in uu ka shaqaynayay raadiye ku yaala xabsiga, isaga oo maalintii qaadan jirey lacag dhan Rs 6,000 kun oo rubi (lacagta Hindiya).

"Lacagtaasi waxaan u kaydiyay xaaskaysa, meel adag ayaanan gashaday" ayuu yiri Sanjay oo sidoo kale xabsiga ka qabtay shaqooyin ay ka mid tahay in uu sameeyo boorsooyin.

Mar wax laga weeydiiyay xiriirka uu la leeyahay bahda Bollywood-ka ayuu sheegay in uu xiriir wanaagsan la leeyahay dadka qaarkood, islamarkaasna aysan jirin wax tartan ah oo ka dhaxeeya iyo cadawtinimo toona "qof kasta shaqadiisa ayuu qabsadaa, waxaana taas ka helaa farxad" ayuu yiri Sanjay Dutt.

Sanjay ayaa sidoo kale ka hadlay saaxiibtinimada kala dhaxaysa atooraha kale ee Salman Khan, kaas oo uu sheegay in uu xiriirkooda wanaagsanyahay.

Aflaamta ayuu sheegay in uu sameeyay kuwa fiican iyo kuwa xunba, illaa haddana uu gacanta ku hayo filimaan kala duwan.

"Qoyskayga waxaan ka heley jacayl faro badan, markii ay hooyaday dhimanaysay waan yaraa, ilmahayga ma aysan arkin xitaa aabahay ma uusan arag carruurtayda, balse waxyaabihii ay i bareen waa wax i anfacay" ayuu yiri Sanjay Dutt.