Wiilka Museveni ee Muqdisho ku sugan muxuu horay uga yiri Soomaaliya iyo Itoobiya?

Mahoozi iyo Xasan Sheekh

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Sarreeye Guud Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni ayaa ku sugan Soomaaliya, oo uu booqasho ku yimid kadib weerarkii ciidamada dalkiisa ee ku sugnaa Buulo-mareer ay ku qaadeen al-Shabaab.

Wuxuu booqasho ku tagay aqalka looga arrimyo Soomaaliya ee Villa Somalia, isaga oo kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud.

Dhanka kale Muhoozi wuxuu booqday ciidamada iyo saaraakiisha Uganda ka socda ee qaybta ka ah hawlgalka ATMIS, isaga oo ku yiri: "Waxaan idinkugu imid inaan idinkaga tacsiyeeyo geerida ku timid saaxiibadiin. Aan hal daqiiqo oo aamusnaan ah ugu duceyno ruuxdooda".

Muxuu ka yiri Soomaaliya?

Mar uu la hadlayay ciidan uu dalkiisa u dirayay Muqdisho bishii Agoosto ee 2021, ayuu taliye Muhoozi sheegay in Soomaaliya iyo Uganda ay yihiin walaalo, ayna badan yihiin waxyaabaha mideeya, waxaana uu ku duceeyay in Alle uu sii xoojiyo midnimadaas.

Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga askarta ugu badan ee ka tirsan ciidamada ATMIS. Waxa ay ciidamada Uganda ka howlgalaan qeybta 1-aad oo ka kooban Banaadir (Muqdisho), Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan, 1

Bil kaddib waxa uu taliye Muhoozi booqasho ku tegay Muqdisho, iyo saldhigyo kale oo ay ciidamada Uganda ku leeyihiin aagga ay ka howlgalaan.

Xiriirkiisa Itoobiya

Jeneraal Muhoozi Kainerugaba ayaa dabayaaqadii bishii Agoosto booqasho ku tegay magaalada Addis Ababa, waxaana halkaas uu kula kulmay raysul wasaare Abiy Axmed oo marar kala duwan uu taageeray cadowgiisa.

Taliyaha oo u muuqday mid aan xeerin siyaasadda arrimaha dibedda ayaa bishii Sebteembar ee sanadkii tegay taageero u muujiyay xoogagga Tigray ee dagaalka kula jira xukuumadda Abiy. Waxa uu Tigray ku tilmaamay walaalihii aan laga guulaysan karin.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan, 2

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in qoraalka taliyaha uu yahay mid u gaar ah oo aanu ku metalin siyaasadda arrimaha dibedda ee dalkaas.

Markii uu Abiy kula kulmay Addis Ababa, Jeneraal Muhoozi ayaa ku tilmaamay walaalkiis uu aad u qaddariyo.

Colaadda Ukraine

Jananka ayaa si layaab leh uga hadlay duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Muhoozi ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu ku saxan yahay duullaanka, isla markaana "dadka intooda badan (ee aan Caddaanka ahayn) ay taageersan yihiin duullaanka Ruushka ee Ukraine".

Waxa uu soo qaatay xasaraddii caalamka haraysay 1962 ee ka dhalatay sawaariiqdii uu Midowgii Soofiyeet geeyay Cuba.

"Markii uu Midowgii Soofiyeet gantaalladiisa nukliyeerka geeyay Cuba 1962, Reer Galbeedku waxa ay diyaar u ahaayeen dagaal lagu hoobto. Hadda marka ay NATO samaysay arrintaas oo kale, ma waxaa Ruushka laga filayaa inuu si kale u xalliyo arrinta?" ayuu bartiisa Twitter ku qoray jeneraalka.

Ka bood X boggan, 3
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan, 3

Jeneraal Kainerugaba ayaa la saadaalinayaa in loo diyaariyo inuu xilka kala wareego aabbihii Museveni oo 77 jir ah, kaas oo Uganda hoggaaminayay tan iyo sanadkii 1986.

Taliyahan 47 jirka ah ee hoggaamiya ciidanka dhulka ee Uganda ayaa noqday taliyihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee si shaac-baxsan u taageera duullaanka uu Ruushku ka wado Ukraine.