Muxuu yahay xanuunka aad dhibsanayso la jooga lamaanahaaga iyo qosolka caruurtaada?

Karen Cook, waxay siddeed iyo tobankii bilood ee la soo dhaafay la noolayd cudur naadir ah, kaas oo ah in cododka caadigaa ee sida maalin lahaa loo maqlo ay iyada isugu beddelaan xanuun adag.
“Sida ay u quruxsan yihiin qosolka caruurtayda iyo maqalka cododkooda waxay ila mid yihiin jirdil” ayey tiri Karen
Haweenaydan 49 jirka ah, waxay la ildaran tahay xanuunka ‘hyperaccusis’ waana xanuun ku qasbay inay ka go’do ninkeeda iyo carruurteeda yaryar.
"Dhawaqu meel walba waa yaallaa, waa sida hawada oo kale, kama baxsan kartid," ayey u sheegtay BBC-da.
Waxay sheegtay in dhawaqa caleemaha dhirta ee ay dabayshu ruxayso ama sawaxanka taraafikada guriga agmara ay ku sababaan xanuun aad u weyn.
Si aadka u daran ee ay u dhibayaan dhawaqa ka soo baxaya meelaha sawaxanka leh iyo xanuunku ay dareemayso ayey Karen sheegtay “ in habeenkii dabaaldaga maxasiiga ay ku qasbanaatay inay fariisato qol kale si ay u daawato sida caruurteeda oo da’doodu kala tahay toddobo iyo kow iyo toban jir si farxad leh u furfurayaa hadiyadahooda”
Karen, ma helin wax dawo ah, ama xataa daaweyn si uu uga yaraado xanuunka uu keeno hyperacusis, kaas oo ay weheliso tinnitus, oo ah dhibsashada garaaca.
Karen, wuxuu xanuunkan hyperacusis si lama filaana ugu dhacay sanadkii 2022-kii, xiligaas oo ay ku noolayd magaalada Southport, ee waqooyi-galbeed ee England basle waa si tartiib tartiib ayuu uga sii daray
Cilmi baarisyada qaar ayaa soo jeedinaya in xitaa tani sababi karto jug dhawaq ah oo dadka qaar ay u nugul yihiin

Xigashada Sawirka, KAREN COOK
Waa maxay hyperacusis, sideese uga duwan yahay tinnitus?
Waxaa jira noocyo kala duwan ooah xanuunka hyperacusis ah, balse waa sii kala darnaan karaa sida xogaha caafimaadku tilmaamayaan.
Haya’adda caafimadka UK ee NHS, waxay bogeda ku sheegtay iny laga yaabo inuu xanuunka hyperacusis uu jiro haddii qaar ka mid ah dhawaaqyada maalinlaha ah ay u muuqdaan kuwo ka sii dheer sidii loo baahnaa.
Dhawaqyada ay bixiyaan marka la tuuro shilimada, cida eyda, matoorka baabuurka,qof qaylinaya ama qalabka nadiifinta ee korontada ku shaqeeya ayaa saamayn ku yeelan kara dadka xanuunkan qaba.
Tinnitus ama tinnitus waa magaca loo yaqaan dhawaaqa maqalka ee aan ka iman meel dibadda ah.
Karen hadda waxay xirataa dhago ilaaliye ku daboolan dhagaheeda xataa markay kaligeed guriga joogto, sida kaliya ee lagula hadli karana waa in cod hoose iyo fariin qoraalo lala wadaago.
"gurigaygu wuxuu ii noqday sida xabsi oo kale, codadkuna waxay iga dhigeen maxbuus” ayey tiri Karen.

Xigashada Sawirka, KAREN COOK
Iyadoo sharraxaysa xanuunka, Karen waxay tiri " xanuunkan wuxuu iila mid yahay sida in qof macdan dhalaashay dhagahayga ku shubaya, madaxayguna uu gubanayo, gaar ahaan indhahayga gadaashooda”
"Wuxuu la mid tahay madax xanuunka goon jabka, mararka qaarna aad rabto ama isleedahay waa inaad madaxaaga furto si aad cadaadiska uga yareyso," ayey intaas raacisay.
Mar aan weydiinay saameynta uu cudurkan ku yeeshay nolosheeda waxay ceshan wayday ilmada waxayna tiri ‘waa mid xun’
"Waan u xiisay hooyanimada, waxaan u xiisay buuqa caruurtayda marka ay dugsiga ka yimaadaan, nolosha ayaan u xiisay," ayay ku calaacashay Karen.
Isbeddelka xad dhaafka ah

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Karen waxa ay sheegtay in ay ka maqan tahay qaybo badan oo nolosha ka mid ah oo dadka intiisa badan ay si fudud u qaataan .
"Waan u xiisay inaan dhageysto muusiga, daawashada TV-ga ama filim dhawaaq leh,iyo inaan saaxiibadeyda kula sheekeysto taleefanka,. Waxaan u xiisay xirashada dhar qurxoon iyo isqurxinta, oo aan habeenkii la baxo ninkeyga, Nick." ayey intaas raacisay
Waxay sheegtay in xitaa saygeedu Nick uu lumiyey saaxiibtiisii ugu wanaagsanayd ee labatankii sano ee la soo dhaafay. Karen waxay muddo ka badan labatan iyo shan sano ahayd shaqaale diyaaradeed.
Sidaas oo kale Ken Devore, wuxuu isaguna la ildaran yahay xanuunkan muddo ka badan sodon sano.
"Aniga ahaan, waqti, deegaan xasilloon iyo ka fogaanshiyaha qaylada dheer ayaa fure u ah xakameynta oo aan ka sii dari doonin," ayuu yiri Devore, oo xubin ka ah hay'adda cilmibaarisye Hyperacusis.
Haya’adda NHS, waxay dadka qaar kula talisaa inay dib u soo celiyaan dhawaaqyada sida qaylada oo kale, taas oo gacan ka geysanaysa kordhinta heerarka dulqaadka
Habkani uma shaqayn Karen. Sidoo kale waxba uma samayn daawooyinka kala duwan iyo daawayn dhamaystiran













