Halkan waxaan kusoo xireynaa Bogga tebinta tooska ah ee todobaadka. Subaxnimada Isniinta ayuu mid cusub inoo furmi doonaa, inta ka horaysa hoos u deg si aad uga bogato wararkii ku dhaafay.
Xamaas iyo Israa'iil: Maxaabiis isdhaafsiga oo rajo wanaagsan laga muujiyay
Tebin toos
Tebin toos ah
Daawo wiish kasoo dhacaya dusha sare ee dabaq kadib dhul gariir ku dhuftay dalkan
Wiish ayaa ka soo dhacay dabaq sare ka dib markii dhulgariir xooggan uu ku dhuftay dalka Filibiin. Wiishkan ku soo dumay magaalada Davao ayaa la duubay Jimcihii, maalin kaddib markii uu dhulgariirku dhacay. Maamulka ayaa sheegay Axadii in ugu yaraan sideed qof ay ku dhinteen dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 6.7.
Wasaaradda caafimaadka Qaza oo shaacisay wadarta Falastiiniyiinta ku dhinta weerarrada Israa'iil
Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Qaza ayaa sheegtay in 13,000 oo qof ay hadda ku dhinteen dhulka falastiiniyiinta tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil.
Israa'iil ayaa olole aargoosi ah ka billowday Qaza ka dib markii dagaalyahannada Xamaas ay ka gudbeen xadka Israa'iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof in ka badan 200 oo qofna ay qafaasheen.
Waxaan si joogto ah uga warbixinay tirada dhimashada ee Qaza, asxaabteena BBC Verify ayaa sharaxay sida dadka dhintay loo tiriyo.
Xildhibaan Odowaa iyo hadalka kaftanka ah ee uu ka yiri xafladda Naadiya loogu dhigay Muqdisho

Xigashada Sawirka, Social Media
Kadib markii Nadiya Maxamed ay todobaakii tagay ku guuleysatay duqa magaalo magaalo ku taal Maraykanka, waxaa maanta oo Axad ah magaalada Muqdisho loogu qabtay xaflad loogu hambalyeynayo.
Munaasabadda waxaa ka hadlay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa kaleba, waxaana ka mid ahaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo isagu hadallo kaftan ah ka sheegay goobta.
Kadib markii ay Naadiya ku guuleysatay duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, waxaa baraha bulshada la isku weydiinayey qabiilka ay tahay, sidaas darteed xil Odowaa ayaa ku kaftamay, "Meesha waxaa u badan reer Xaaji oo u hambalyeynaya Naadiya oo guuleysatay,Kaftanna waan tuuranaaye haddaan dadka hadhoow wax ay leeyihiin kula dhagno yey nagu qabsan".
Maraykanka oo xaqiijiyey markabka Israa'iil lala xiriiriyey ee Xuutiyiintu qabsadeen

Xigashada Sawirka, Reuters
Labo sarkaal oo ka tirsan difaaca Mareykanka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in fallaagada Xuutiyiintu ay galabnimadiiqatiga maxaliga ah badda cas ka qabsadeen markabka Galaxy Leader.
Fallaagada ayaa ku soo degtay markabka xamuulka ah iyagoo ka soo degay diyaarad helikobter ah, ayey mas'uuliyiintu yiraahdeen, iyagoo xaqiijinaya faahfaahinta markii ugu horreysay ay soo warisay NBC News.
Xogta lahaanshaha ee maraakiibta ayaa la xidhiidha mulkiilayaasha markabka iyo Qaadayaasha Ray Car, kaas oo uu aasaasay Abraham "Rami" Ungar, oo loo yaqaan mid ka mid ah ragga ugu qanisan Israa'iil.
Ungar ayaa u sheegay AP inuu ka warhayo dhacdada balse ma uusan bixin karin wax faallo ah maadaama uu sugayay faahfaahinta. Markab isaga lala xiriiriyay ayaa sanadkii 2021 la kulmay qarax ka dhacay gacanka Cumaan.
Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay la wareegeen markab ay Israa'iil leedahay oo ku sugan koonfurta badda cas, iyadoo Israa'iil ay dhacdadan ku tilmaantay "fal argagixisanimo oo Iran geysatay" oo cawaaqib ku yeelanaysa ammaanka baddaha caalamiga ah. Afhayeen u hadlay ciidamada Xuutiyiinta ayaa Aljazeera u sheegay in dagaalyahanadoodu ay afduubteen markabka xamuulka ah ee laga leeyahay Ingiriiska iyo Japan.
Jabuuti iyo Itoobiya oo ka tashanaya la dagaalanka argagixisada

Wareegii 10-aad ee Guddiga Farsamada Wadajirka ah ee Wasaaradaha Gaashaandhigga Itoobiya iyo jabuuti ayaa maanta ka furmay magaalada Jabuuti.
Wafdiga Itoobiya waxaa hogaaminayey Jeneraal Teshome Anagau.
dhanka jabuuti waxa ka qeyb galay General Tahir Ali Mohammed, waxayna ka wada tashadeen laabada dhinac arrimaha ammaanka, la dagaalanka argagixisada oo ay barbar socdeen arrimo kale oo si guud ku saabsan iskaashiga dhanka amniga.
Shirka guddiga farsamada ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo maalinta berri ah oo taariikhdu ku began tahay 20-ka Nofembar.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si weyn uga naxay duqeymaha dugsiyada waxbarashad QM

Xigashada Sawirka, Reuters
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in uu aad uga naxay in laba iskuul oo Qaramada Midoobay leedahay lagu weeraray in ka yar 24 saac gudahood magaalada Qaza.
"Tobaneeyo qof - dumar iyo carruur badan - ayaa la dilay oo la dhaawacay iyagoo ammaan u raadsanaya xarumaha Qaramada Midoobay," Guterres ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.
"Boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah ayaa gabaad ka raadsanaya xarumaha Qaramada Midoobay ee Qaza oo dhan sababtoo ah dagaalka sii xoogeysanaya. Waxaan mar kale xaqiijinayaa in dhismahayaga uu yahay lama taabtaan."
Wuxuu intaas ku daray in dagaalku uu leeyahay "tiro la yaab leh oo aan la aqbali karin" oo dad rayid ah ku waxyeeloobay, wuxuuna ku celiyay baaqiisa ku aaddan xabbad-joojin bini'aadannimo oo degdeg ah.
Inta badan caruurtii dhiciska ahaa ee laga saaray isbitaalka Al-shifa oo waalidkood ku waayey duqeymaha Israa'iil
Qaar badan oo ka mid ah 31-kii dhallaanka ah ee Axadii loo daadgureeyay cisbitaalka Emirate-ka ee Rafah ayaa “waalidkood ku waayey duqeymo ay Israa’iil geysatay, sida ay BBC-da u sheegtay Nebal Farsakh.
Waxay sheegtay in waalidiinta badbaaday lagu amray inay ka baxaan magaalada Qaza - oo ah halka uu ku yaallo isbitaalka al-Shifa - ka hor inta aan carruurta la saarin, lamana oga halka ay hadda ku sugan yihiin.
Farsakh waxay intaas ku dartay inaysan haynin wax macluumaad ah oo ku saabsan in carruurta laga wareejinayo Rafah iyo in kale.
Horumar la taaban karo ayaa laga gaaray heshiiska la haystayaasha 'saacadihii u dambeeyay' - Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad

Xigashada Sawirka, Reuters
Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, Jon Finer ayaa u sheegay ABC News in wada-xaajoodyada lagu soo daynayo la-haystayaasha lagu haysto Qaza ay marayaan “marxalad aad xasaasi u ah”.
"Waxaa jira horumar la taaban karo, oo la sameeyay maalmihii ugu dambeeyay iyo saacadihii la soo dhaafay," ayuu yiri Finer.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi: “Arrimihii qaar haday is-maan-dhaaf ahaayeen, hadda waa la soo koobay ama is-faham baa la gaadhay, laakiin ma dhammaystirna”.
Finer waxa uu intaa ku daray in ay noqon doonto "mid dhicis ah" in la yiraahdo heshiisku waa lama huraan, "iyadoo la eegayo sida aan ugasoo dhwaanay halkii hore."
Safiirka Israa'iil u fadhiya Maraykanka oo 'rajo' ka muujiyey in goor dhow lasii deyn doono maxaabiista Xamaas haysato
Waxaan mar sii horreysay ka warbixinay hadalladii uu jeediyay ra’iisul wasaaraha Qatar Mohammed Bin Abdulrahman al-Thani, in kalsoonidiisa ay sii kordheyso ee ku saabsan heshiis lagu sii daynayo la haystayaashii Israa’iil ee ay qabsatay Xamaas.
Tan iyo markaas waxaan ka maqalnay Michael Herzog, safiirka Israa'iil ee Mareykanka, oo u sheegay warbaahinta Mareykanka inuu ku rajo weyn yahay in "tiro weyn oo la haystayaal ah" ay sii deyn karaan Xamaas "maalmaha soo socda".
Wuxuu kusii daray:
Isagoo soo xiganaya dadka aqoonta u leh waxa ay ku sifeeyeen dukumeenti lix bog ka kooban oo faahfaahsan, Washington Post ayaa si gooni gooni ah u daabacday warbixin hore oo soo jeedinaysa in la haystayaasha lagu sii dayn karo dhawrka maalmood ee soo socda.
Sida shirkaddan cabitaanka ee Masar ay uga faa'iiday dagaalka Xamaas iyo Israa'iil
Spiro Spathis, oo ah shirkadda ugu da'da weyn ee cabitaanka fudud ee Masar, ayaa soo laabatay soo laabasho cajiib ah.
Waxay ka faa’iiday ololihii dalka oo dhan ee lagu qaadacay soosaarayaasha cabitaanada reer galbeedka ee taageeraya Israa'iil kadib dagaalka Xamaas iyo Israa'iil. Shirkaddan qarniga jirsatay ayaa adeegsanaysa boorar iyo hal ku dhegyo ay kusoo jiidanayso dadka diiday inay wax ka iibsadaan shirkadaha reer galbeedka ee Israa'iil ku taageeray duqeymaha ay Qaza ku hayso.
Spiro Spathis, oo had iyo jeer ku faani jirtay doorkeeda cabitaanka fudud ee ugu horreeyay Masar, ayaa soo saaraysa hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin “100% Masar ayaa lagu sameeyay” iyo “Gazouza-kii asalka ahaa ee Masar”, iyada oo adeegsanaysa erey Masaari ah oo loo malaynayo in uu ka soo jeedo Faransiiska “gazeuse” (kaarboonaysan) oo si weyn loo isticmaalo si loogu tixraaco cabitaannada aashtada leh sida soodhada.
War deg deg ah, Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa ku dhawaaqay ka daadgureynta 31 caruur ah oo dhicis ah Isbitaalka Al-Shifa, waxaana loo wareejinayaa koonfurta si loogu diyaar garoobo in loo wareejiyo Isbitaalka Imaaraatka ee Rafah.
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay nin dil geystay

Xigashada Sawirka, SNTV
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah maanta ku fulisay Cabdisalaan Cali Axmad oo Guriceel ku dilay Marxuum Cabdullahi Cali Hudey.
Wararku waxay sheegayaan in gacanku dhiiglaha ay soo gacan galiyeen odayaasha deegaanku sidaasna xukunku ugu dhacay kadib markii uu dilay marxuumka oo la sheegay inuu u dilay aanu qabiil.
Maxaa ka jira in Israa'iil ay xabbadaysay dadkeeda bilowgii dagaalka ay kusoo qaadday Xamaas?

Warbixin cusub ayaa daaha ka qaaday Sabtidii in diyaarad helikobter ah oo milatariga Israa’iil ay rasaas ku furtay rag hubaysan oo Falastiiniyiin ah balse ay sidoo kale dhaawacday dad Israa’iiliyiin ah oo ka qayb qaadanayay xaflad ka dhacaysay meel u dhow xadka Qaza maalintii dagaalku bilowday ee 7-dii Oktoobar.
Wargeyska Haaretz ayaa sheegay in qiimeynta ammaanka Israa’iil ay ku saleysan tahay baaritaan ay booliisku ku sameeyeen rag hubeysan oo Xamaas ah oo la xiray 7-dii Oktoobar.
Wargeyska Haaretz ayaa sheegay in Diyaarada Helicopter-ka ah ee Milateriga ay soo gaartay goobta ay xafladdu ka dhacaysay ayna rasaas ku furtay dableyda balse sidoo kale ay dhaawaceen dhowr ka mid ah dadkii ka qeyb galay xaflada.
Waxay sheegtay, marka loo eego qiimaynta, nimanka hubaysani may hayn xog hore oo ku saabsan dabbaaldegga lagu qabtay meel u dhow Kibbutz Re'im, oo u dhow xudduudaha Qaza.
Wargeyska Yedioth Ahronoth ee ka soo baxa Israa’iil ayaa sidoo kale daabacay warbixin ku saabsan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada cirka Israa’iil oo soo faragaliyay weerarkii ay Xamaas ka fulisay Qaza 7-dii Oktoobar.
Wargeysku waxa uu sheegay in ciidamada Israa’iil “ay ku adkaatay inay aqoonsadaan mintidiinta Xamaas,” isaga oo intaa ku daray in duuliyeyaasha diyaaradaha qumaatiga u kaca “ay madaafiic u adeegsadeen” dad rayid ah oo ku sugnaa xafladda.
"Argagixisada Xamaas waxaa la faray in ay si tartiib tartiib ah ugu dhex milmaan dadka oo aysan u dhaqaaqin xaalad kasta," ayuu wargeysku ku sheegay warbixintiisa.
"Waxay sidan u sameeyeen inay ku khiyaaneeyaan ciidanka cirka si ay u rumaystaan in kuwa hoose ay yihiin Israa'iiliyiin. Khiyaanadani waxay shaqeysay in muddo ah, ilaa helikobtarrada Apache ay ahayd inay ka xoroobaan dhammaan xannibaadaha. Duuliyayaasha ayey ku adkeyd in ay kala gartaan qofka argagaxisada ah iyo midka Israa’iil,” ayaa lagu daray warbixinta.
Wargeysku waxa uu sheegay in markii ay ogaadeen in qaarkood ay go’aansadeen in ay madaafiic u adeegsadaan argagixisada si madax-banaan, iyaga oo aan ogolaansho ka helin madaxdooda.
Booliisku waxay ku qiyaaseen in tirada lagu dilay xafladda ay ahayd 364, balse ma aysan sheegin magacyadooda.
Xagay marayaan wadaxaajoodyada maxaabiis isdhaafisiga ee Xamaas iyo Israa'iil?
Wargayska Washington Post ayaa sheegay in heshiis ay Xamaas kusii dayn lahayd tobonaan la haystayaal ah uu dhaw yahay. Maraykanka iyo Israa’iil waa ay beeniyeen in heshiiskaas uu jiro, balse waxaan Qatar ka maqalnay in wada-xaajoodayaashu ay arrimo yar yar ka soo saarayaan heshiiska.
Waa kuwan waxa mid kasta oo ka mid ah dhinacyada muhiimka ah uu yiri:
Qatar: "Caqabadaha weli ku jira wada-xaajoodyadu aad bay u yar yihiin marka loo eego caqabadaha waaweyn, waa dhanka farsamada, iyo fulinta," Ra'iisul wasaaraha Qatar Mohammed Bin Abdulrahman al-Thanisaid oo si wadajir ah shir jaraa'id ula qabtay madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell. Waxa uu intaa ku daray in uu aad ugu kalsoon yahay soo dhawaanshaha in heshiis la gaaro.
Washington Post: "Israa'iil iyo Xamaas waxay ku dhow yihiin inay heshiis ka gaadhaan wada hadal uu Maraykanku gar-wadeen ka ahaa oo lagu sii dayn lahaa tobanaan haween iyo carruur ah oo lagu haysto Qaza, taas beddelkeedana muddo shan maalmood ah dagaalka lagu hakiyo," ayay warbixintu tidhi, iyadoo soo xiganaysa "dad aqoon u leh shuruudaha soo baxaya".
Mareykanka: Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Adrienne Watson ayaa soo dhigtay bogeeda X: "Weli heshiis maanu gaarin, laakiin waxaan sii wadeynaa inaan si adag uga shaqeyno inaan heshiis gaadhno."
Israa'iil: Hadal kooban oo uu xalay jeediyay, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu wuxuu ku sheegay inay jiraan "warbixinno badan oo khaldan oo ku saabsan heshiisyada dhow ee lagu sii daayo qaar ama dhammaan qiyaastii 240 qof oo la haysto" "Imika hadda wax heshiis ah ma jiro," ayuu yidhi.
Ururrada bulshada rayidka oo walaac ka muujiyay khilaafka ka taagan doorashada Puntland

Xigashada Sawirka, Mohamed Salh
Qoraalka sawirka, xubnaha ururrada bulshada rayidka Puntland Saraakiisha ururrada bulshada rayidka ee Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa si kulul uga soo horjeestay colaad laga rido Puntland. Waxay sheegeen in taasi ay tahay khad cas oo lama taabtaan ah.
Waxay eedeyn kulul u jeediyeen dhinacayadda siyaasadda oo ay sheegeen in markii horeba bulshada aanay wax weyn ku soo kordhin.
“Ma dooneyno in aan mar kale goobjoog u noqono wixii ka dhacay Boosaaso 2021 kii, wixii ka dhacay Garoowe 2023, ficiladaas oo aan lagula xisaabtamin dad kii gaystay. Qoysas dhan ayaa ubad koodii, kuwii ay jeclaayeen lixaadkoodii iyo maalkoodii ku waayay. Dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayay wiiftadu ku dishay goobahooda ganacsi 2019-kii, waxa nasiib darro ah inta badan ehellada dadkaas aan lala qaybsan dhibta ku dhacday, loogana garaabin wixii gaaray” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan oo ah gudoomiyaha daladda ururrada bulshada rayidka ee Puntland.
Waxay dhinacyada isku haya Puntland u jeediyeen in ay u turaan dadka rayidka ah ee awalba la daalaa dhacayay dhibaatooyinka kala duwan, waxayna ugu baaqeen wadahadal lagu xaliyo muranka taagan.
Koofiyaddii Napoleon Bonaparte oo lagu iibinayo suuqa xaraashka ee Paris

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Koofida la xaraashayo Koofiyaddan oo uu xiran jiray Imbaradoor kii Napoleon Bonaparte markii uu xukumayay boqortooyadii Faransiiska qarnigii 19-aad ayaa maanta oo Axada lagu iibin doonaa suuqa xaraashka ee Paris.
Koofiyaddan madowga ah ayaa lagu qiimeeyay € 600,000 illaa € 800,000 (£ 525,850- £ 701,131).
Taariikhyahannada ayaa sheegaya in madaxa oo koofi lagu xidho ay kamid ahayd waxyaabaha lagu aqoonsan jiray Napoleon, waliba marka uu dhinac u xirto waxa laga fahmi jiray in uu dagaal ku jiro.
Illaa 120 koofiyaddood ayuu lahaa Napoleon, kuwaas oo 20 kamid ah la rumeysan yahay in meelo gaar ah lagu hayo.
Koofiyadda waxa kaloo lala iibinayaa alaabo kale oo lagu xusuusto Napoleon kuwaas oo uu ururiyay nin sanad kii hore dhintay.
Cabsi ka jirta Garoowe iyo dadka qaar oo isaga baxay xaafadahoodii

Qoraalka sawirka, Dad ka qaxaya Garoowe Warrarka ka imaanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo ah kuwa dawladda oo ka yimid Boosaaso ay soo gaareen halkaas, xili ay sii kordhayso baqdinta la xiriirta in rabshado ka dhashaaan muranka doorashada ee ka taagan Puntland.
Sawirro ay BBC-du heshay ayaa muujinaya dad ka qaxaya xaafaddaha qaar, iyadoo badi iskuullada la xiray sida uu ku soo waramayo weriyaha BBC-da Garoowe.
Garoowe waxa horey ugu sugnaa ciidamada Danab oo ka soo horjeeda qorshaha dawladda ee ah in doorashada loo qabto hannaanka ay u soo jeediyeen guddiga doorashooyinka Puntland iyo ciidamo beeleedyo kale oo dhammaantood ku eedeynaya Madaxweyne Dani in uu doonayo in uu waqtiga kororsado.
Qaabka loo qabanayo iyo waqtiga Doorashada Puntland ayay ku kala aragti duwan yihiin madaxda dawladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka, wuxuna midba mid kale ku eedeynayaa in uu dastuurka ku xadgudbay.
Xog ku saabsan kulanka aan la shaacin ee dhexmaray Xasan Sheekh iyo Laftagareen

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Qoraalka sawirka, Sawir hore Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Madaxweyne Laftagreen (Baydhabo) Shir aan la shaacin ayaa habeen hore wuxu Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen.
Warbaahinta looma soo bandhigin kulanka labada nin iyo waxyaabaha looga hadlay, balse illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa BBC-da u sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa sidii loo hirgalin lahaa qodobada ku jiray heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka ee la gaaray May 2023.
Qodobada sida gaarka ah diiradda loo saaray waxa kamid ah kuwa saameynaya dastuurka kmg ah ee Soomaaliya oo ay kamid yihiin u guuridda nidaamka madaxtooyo ee meesha ka saaraya jagada ra’isul wasaaraha iyo in dalku yeesho labo xisbi oo kaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ol’ole weyn ugu jira sidii Barlamaanka Soomaaliya u dhaqan galin lahaa qodobada wax ka badalka dastuurka ee ku jiray heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay bishii may ee sanad kan 2023.
Madaxweyna Laftagreen oo ka duulaya kulanka uu Madaxwene Xasan Sheekh la yeeshay ayaa Baydhabo isugu yeeray xildhibaannada heer federaal ee laga soo doorto Koonfur Galbeed si uu ugu qanciyo in ay taageeraan qodobada wax ka badalka dastuurka.
Shirka Laftagareen iyo xildhibaannada ayaa la filayaa in uu beri ka dhaco Baydhabo.
Lama oga inta ay la egtahay taageerada uu Laftagareen uga heli doono ol’olihiisa uu doonayo in xildhibaannadu ku taageeraan wax ka badalka qodobo kamid ah dastuurka kmg ah.
Shirkaddaha ugu waaweyn dunida oo isku dayaya in ay shirkadda Elon Musk ku qasbaan hakinta hadalada lagu taageerayo Gaza

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Alon Musk Iyadoo ay kordhayaan hadallada looga soo horjeedo Israa’iil ee la dhigayo barta X oo horey loo oran jiray Twitter ayaa shirkaddaha waaweyn ee Maraykanka ee kala ah IBM, Apple, iyo Disney waxay joojiyeen xaysiiska ay ku daabici jireen bartan oo uu leeyahay Alon Musk.
Go’aan kan ayaa yimid kaddib markii Elon Musk oo ah milkiilaha X iyo ninka dunida ugu qanisan uu ogolaaday qoraal ka hadlaya mu’aamarooyinka yuhuuda, isagoo sahlay in la daawado lagana jawaabb celiyo.
Elon Musk ayaa diiday in qoraalkan uu muujinayo yuhuud naceyb, wuxuna ku goodiyay in uu dacwad ka furi doono arintan.
Wuxu soo hadal qaaday cilmi baaris ay sameysay koox Maraykan ah oo garabka bidix ah oo la yiraahdo “Media Matters for America” kuwaas oo sheegay in ay caddeeyeen in iidhehyada shirkaddaha caanka ah lagu soo bandhigo qoraallo lagu amaanayo naasiyiintii, iyagoo xiganaya haddallo uu horey u yiri Adolf Hitler hoggaamiyihii Naasiga Jarmalka.
Afhayeen u hadlay X (oo horey loo oran jiray Twitter) ayaa BBC-da u sheegay in shirkaddu si ula kac ah u maamulin xayeysiisyada caanka ah ee ay wehliso waxyaabahan oo kale, iyo in shabakadda ka go’an tahay la dagaalanka yuhuud nacaybka.

