Awoodda kooxda Xamaas oo dib ugu soo noqonaysa Qasa

Xigashada Sawirka, Reuters
Markii xabbad-joojin uu Maraykanku soo rogay ay hakisay dagaalkii Qaza bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, dagaalkii Xamaas ee ka dhanka ahaa Israa'iil ayaa isku beddelay dagaal ay ku koontaroolayaan magaalada.
Dagaalku waxa uu keenay in cutubyadii ciidanka ee dishibiliinka lahaa ay burbureen oo ay u kala Jajabeen ciidamo jabhad ah, waxaana la dilay badi hogaamiyayaashooda; Dhismayaashii Gaza iyo kaabayaasha ayaa si weyn loo burburiyay, dadkeediina waa la barakiciyay, nolosheeda dhaqaalena way burburtay. In ka badan 72,000 oo reer Qasa ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa'iil intii lagu jiray iska horimaadka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.
Afar bilood ka dib, dadka reer Qasa ayaa sheegay in Xamaas ay mar kale xoojinayso gacan ku haynta amniga, dakhliga cashuuraha, iyo adeegyada dawladda, taas oo keentay su'aalo ku saabsan istaraatijiyaddooda fog, iyo in ay diyaar u yihiin inay ka tanaasulaan hubkooda iyo awooddooda, sida hadda looga baahan yahay marxaladda labaad ee qorshaha nabadda ee Donald Trump.
"Xamas waxay dib ula wareegtay gacan ku haynta in ka badan 90% meelaha ay joogaan," ayuu yidhi Mohammed Diab, oo u dhaqdhaqaaqa Qaza.
"Booliska iyo hay'adihii nabad sugiddu way soo noqdeen, waxayna hadda ku sugan yihiin waddooyinka, iyaga oo xakameynaya dambiyada, dabagalna ku haya dadka ay ku sheegtay inay wada shaqeeyaan iyo dadka ra'yigooda qaba, shacabka waa inay maamulka Xamaas u doontaan kaarar aqoonsi ama nidaam caafimaad, sidoo kale waxay dib u xaqiijinaysaa awoodda garsoorka iyo maxkamadaha.
Suuqyada Qaza oo dhan, ganacsatadu waxay tilmaamayaan roondooyinka bilayska caadiga ah - iyo dib u cusboonaysiinta adag ee uruurinta khidmadaha rasmiga ah iyo canshuuraha.
"Shanqarta suuqyadu way yar tahay, laakiin munushiibiyadu waxay weli noo sii daba joogtaa kirada," mid ka mid ah dukaanleyda ayaa yiri. Dhammaan dadkii aan halkaas kala hadalnay maamulka Xamaas ee Qaza ayaa codsaday inaan qarinno haybtooda.
"Maalin walba waxay noogu yimaadaan si gardarro ah, iyagoo wata dalabyo isku mid ah iyo isku go'aan, waxay dhahaan haddii aan bixin wayno waxay nagu tuurayaan annaga iyo alaabtayada waddada. Waxay na weydiisanayaan 700 sheqel ($ 225; £ 167) - mid naga mid ah ma awoodo taas".
Ganacsadahan oo la hadlay saaxiibkeen ku sugan magaalada Qaza, ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisa oo ka kooban 12 qof ay ka soo barakaceen Shuujaiya oo ay u sii jeedeen dhanka bari ee magaalada, halkaas oo uu dukaan ku lahaa. Shujaaciyaa maanta waa dhul cidla ah oo qashin ah.
"Maalin walba, dawladda hoose ayaa timaada," ayuu yiri nin kale oo sigaar ku iibinaya meel u dhow. "Ha tiriyaan kaydka iyo iibka, sigaarka ha loo tiriyo, oo ii sheeg: miyaan bixiyaa, mise carruurtayda ayaan quudiyaa?"
Tan iyo xabbad joojinta, cuntada iyo qaar ka mid ah alaabada aasaasiga ah ayaa si xor ah ugu qulqulaya Qaza. Qaar ka mid ah ganacsatada muhiimka ah ee haysta shatiga ay wax uga keeni karaan Israa'iil ayaa sheegay in Xamaas ay dib u soo celisay koontarool adag oo ku saabsan canshuuraha badeecadaha.

Xigashada Sawirka, EPA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mid ka mid ah ganacsatada, oo ogolaaday in uu xogta si qarsoodi ah noola wadaago ayaa noo sheegay in xoog loo adeegsaday kuwii diiday inay bixiyaan.
"Canshuurta ay Xamaas soo rogtay waxay ku xiran tahay nooca iyo tirada badeecadaha, laakiin qiimuhu wuxuu ka bilaabmaa 20,000 oo sheqel iyo wixii ka badan," ayuu yiri. "Ganacsaduhu haddii uu diido in uu bixiyo lacag xoog ayaa loo adeegsadaa, mararka qaarna waa la afduubaa ama loo hanjabaa, ma jirto cid ka maarmi karta in ay canshuur ka bixiso badeecadaha".
Wuxuu noo sheegay in ganacsatadu markii ay ka hadlayeen bixinta canshuuraha ay isticmaaleen afgarashada Xamaas, si aysan Israa'iil u ogaanin in lacag laga qaato.
"Xamaas hadda waxay haysaa xog ururin dhammaan ganacsatada badeecadaha u soo dejisa marinka Qaza," ayuu yiri dhaqdhaqaaqe la yiraahdo Mohammed Diab. "Qofka ganacsatada ah waxa uu ku bixiyaa lacag kaash ah, ma ahan xawaaladaha bangiyada, si aan loo ogaan socodka lacagaha, waxay si tartiib tartiib ah u soo celineysaa nidaamkii hore ee jiray, laakiin ka fog tooshka si aan loola socon".
Afhayeen u hadlay Xamaas oo lagu magacaabo Hazem Qassem ayaa sheegay in Marinka Qaza ay ku jirto xaalad degdeg ah, loona baahan yahay in la qaado tallaabooyin aan caadi ahayn.
"Ganacsatada qaarkood waxay ilaashadaan xiriirka ay la leeyihiin Israa'iiliyiinta waxayna isku dayaan inay abuuraan faa'iido xad dhaaf ah, sidaa darteed hay'adaha maamulku waxay mararka qaarkood u baahan yihiin inay si adag ula dhaqmaan ganacsatada diidda inay la shaqeeyaan ama buuxiyaan waajibaadka loo baahan yahay," ayuu yiri. "Tani waa arrin dawladeed oo keliya, wax xiriir ahna lama laha Xamaas".
Xukuumadda Qaza waxaa maamulayay Xamaas tan iyo 2007. Lacagtu waxay muhiim u tahay awoodda kooxda: si ay u bixiso mushahar, ciidamada Israa'iilna waxay ku eedeeyeen in Xamaas hadafkeeda ugu dambeeya uu yahay inay dib u soo nooleeyaan awoodooda dagaalka.

Xigashada Sawirka, Reuters
"Xamaas waxay xabad joojinta u eegtaa waqti dib loo abaabulo, oo ay nala dagaallamaan," ayuu yiri Lt Col Nadav Shoshani, afhayeenka ciidamada difaaca Israel (IDF). "Tani waa sababta ay muhiim u tahay in hubka laga dhigo, sababtoo ah waxay caddeeyeen in haddii ay hub haystaan, ay isticmaali doonaan wakhti mustaqbalka ah".
Ciidamada Israa'iil ayaa sheegay in maalin walba ay dhacaan weeraro ka dhan ah ciidamadooda oo ay gaystaan Xamaas. Afar askari oo Israa'iiliyiin ah ayaa la dilay tan iyo markii ay xabad joojinta bilaabatay.
Xamaas, ayaa iyaduna farta ku fiiqday weerarrada soo noqnoqday ee Israa'iil, kuwaas oo wasaaradda caafimaadka Qaza ay sheegtay inay ku dileen 603 Falastiiniyiin ah.
Golaha cusub ee nabadda ee Trump oo ka kooban madax ka kala socota waddamo badan oo saameyn ku leh mustaqbalka Gaza, ayaa kulankoodii ugu horreeyay ku yeelanaya Washington Khamiista.
Marxaladda xigta ee qorshaha Trump ee Gaza - oo ay ku jirto dib u dhiskeeda - waxay ku xiran tahay hub ka dhigista Xamaas, laakiin gorgortanka ayaa weli si qoto dheer u eegaya faahfaahinta ku saabsan waxa dhiibista hubka ay ka dhigan tahay ficil ahaan - cidda Xamaas ku wareejin lahayd hubka, hubka ay ku wareejinayaan, iyo sida loo xaqiijin karo.
"Waxaan aaminsanahay in aan awoodno in aannu wajahno arrinta hubka si aan meesha uga saarno marmarsiiyo ay ku doonayaan in ay dib u cusboonaysiiyaan dagaalka, sidoo kalena waafaqayaan qorshaha madaxweyne Trump" ayuu afhayeenka Xamaas Hazem Qassem u sheegay BBC.
Laakiin Xamaas, oo fikir ahaan ay ka go'an tahay in ay la dagaallamaan Israa'iil, waxa ay ku leeyihiin marinka Qasa xubno si qoto dheer oo si fiican u hubaysan. In si buuxda loo xaqiijiyo hub ka dhigisteeda ayaa noqon doonta mid adag, waxaana la sheegay in qaar ka mid ah kooxdaasi ay dalbadeen in loo ogolaado inay haystaan hubka gaarka ah si ay isaga difaacaan cadawga ku sugan guryahooda.
Markii uu istaagay dagaalkii ay kula jireen Israa'iil bishii Oktoobar, Xamaas waxay isla markiiba hubkooda ku jiheeyeen qabaa'ilkii iska soo horjeeday ee bilaabay inay ka faa'iidaystaan fowdada si ay awooddooda ugu kordhiyaan Gasa, Rafax iyo meelo kale.
Muuqaalo laga soo duubay howlgalladaasi oo ay ku jiraan xukunno kooban oo lagu fulinayo dadka indhaha ka xiran ee waddooyinka dhexdooda lagu ciqaabo ayaa shacabka loo soo bandhigay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Hogaamiyayaasha Israa'iil ayaa diiday fikradda ah in Xamaas ay haysato hub gaar ah, waxayna cadaadis ku saareen kooxda inay hubka ka dhigaan iyagoo ku hanjabay inay dib ugu laabanayaan dagaalka.
Dhanka kale, Ciidanka Xasilinta Caalamiga ah ee la wareegaya ammaanka Gaza ayaa weli mugdi ku jira, golaha cusub ee farsamada ee Falastiiniyiinta oo loogu talagalay inay la wareegaan maamulka arrimaha rayidka Gaza ayaa Masar ku sugaya goorta ay hawlgali doonaan.
Horaantii bishan Xamaas waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay "ku wareejiso maamulka iyo awoodda dawliga ah dhammaan dhinacyada" golaha cusub ee khubarada.
Balse Mohammed Diab ayaa sheegay inay jiraan calaamado yar oo muujinaya in Xamaas ay isku diyaarinayso inay xukunka wareejiso.
"Taas lidkeeda" ayuu yiri, "waxaan maqalnay todobaadkii hore in Xamaas ay fulisay magacaabis ballaaran oo ku saabsan xilal ka banaan waaxda dawladda, oo ay ku shaaciyeen baraha bulshada iyo goobaha rasmiga ah".
Hazem Qassem waxa uu beeniyay in shaqaale cusub ay dowladu qortay, waxa uuna sheegay in magacaabista ay noqon laheyd mid farsamo, xilal hoose oo aan faragelin ku laheyn xil wareejinta.
Dadka dhaleeceeya ayaa su'aal galiyay in ay yihiin isku day lagu doonayo in lagu sii hayo saamaynta maamulka Gaza mustaqbalka.
In kasta oo ay jiraan hanjabaado soo noqnoqday oo ku saabsan in ay dib ugu soo laabanayaan dagaalka soo cusboonaaday haddii Xamaas aysan si buuxda hubka uga dhigin, haddana qaar ka mid ah Israa'iiliyiinta ayaa aaminsan in cadaadiska ugu waxtarka badan ee hoggaanka Xamaas uu dhab ahaantii ka iman karo in la sii wado qorshaha la'aantood.
Horay ayaa looga sifeeyay aagagga ay Israa'iil haysato ee ku hareeraysan Rafax ka hor inta aan la gaarin qorshaha Mareykanka uu ku dhisayo xarumo cusub oo ay ku nool yihiin ilaa 200,000 oo reer Qasa ah, iyadoo loo ballan qaaday cunto, biyo iyo taageero caafimaad si loogu soo jiito dadka ka gudbaya khadka jaalaha ah ee ka imaanaya deegaannada ay Xamaas maamusho.
Ka gudubka dhul ballaaran oo ay Israa'iil maamusho oo ku hareeraysan xariiqda Qasa ayay dad badan oo reer Gasa ah u arkaan la safashada cadawga, waxaana ilaa hadda aad u yar socodkaas.
Balse shacabka Qaza ayaa ah isha ugu muhiimsan ee ururka Xamaas ee dhanka dhaqaalaha iyo maamulka. Ka dib laba sano oo ay Israa'iil kula dagaalantay gacan ku haynta dhulka, dagaalka ayey u arkaan dadka Gaza in laga yaabo inuu hadda dibu billowdo.













