Trump oo mar kale Xamaas ugu baaqay inay hubka dhigaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dib u soo cusbooneysiiyay baaqiisii ahaa in Xamaas ay hubka dhigaan, saacado kadib markii difaaca madaniga ah ee Gaza uu ku dhawaaqay in 12 Falastiiniyiin ah lagu dilay tan iyo waaberigii Axaddii duqeynta Israa'iil.
Israa'iil ayaa ku dhawaaqday in ay qaadday weerarradan iyada oo jawaab u ah dagaalyahannada Falastiiniyiinta ee ka soo baxaya godka Beit Hanoun.
Sarkaal ka tirsan milatariga Israa'iil ayaa sheegay in ciidamadu ay fuliyeen duqaymaha "iyaga oo ka jawaabaya jabinta Xamaas ee ku xad-gudubka heshiiska xabbad joojinta," kaas oo ay ka mid ahaayeen "in la arkay tiro ka mid ah kooxda oo gabbaad ka dhigtay dhismaha burburay ee Jidka Jaallaha ah oo ay ku sugnaayeen ciidamada Israa'iil, oo ay u badan tahay inay ka soo baxeen kaabayaasha dhulka hoostiisa ee aagga," ayuu yiri.
Waxa uu intaa ku daray in "ka gudubka khadka jaallaha ah ee rag hubaysan oo u dhow ciidamada Israa'iil ay tahay xadgudub cad oo xabbad-joojin ah, waxayna muujinaysaa sida Xamaas ay si nidaamsan ugu jebiso heshiiska iyada oo ujeeddadu tahay inay waxyeello u geystaan ciidamada."
Labada dhinac ayaa isweydaarsaday eedeymo ku saabsan in ay jabiyeen heshiiskii xabbad joojinta. Ciidanka Israa'iil waxa ay caddeeyeen sida ay uga go'an tahay heshiiska xabbad joojinta waxaana ay tilmaamayaan in dhaqdhaqaaqooda Qasa "ay uga gol leeyihiin la tacaalidda khataraha soo food saaraya ciidamadooda" ama in ay meesha ka saaraan waxa ay ku tilmaameen "kaabeyaasha argagixisada.
Sida ku cad shuruudaha xabbad-joojinta ee dhaqangashay 10-kii Oktoobar, ciidamada Israa'iil waxay ka baxeen fariisimo loo yaqaan "khadka jaallaha ah", laakiin waxay weli gacanta ku hayaan in ka badan kala bar dhulka Marinka Qasa.
Sidoo kale, Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay weli u baahan tahay "in ay dhamaystirto howlgalka" burburinta dhammaan marinnada Qasa.
Khudbaddii uu ka jeediyay shirka sanadlaha ah ee madaxda ururrada waaweyn ee Yuhuudda Maraykanka, waxa uu intaa ku daray in Israa'iil ay hore u burburisay 150 kiiloomitir (93 mayl) oo ka mid ah qiyaastii 500 oo kilomitir.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Tani waxay ku soo aadaysaa xilli wararka deegaanka laga helayo ay sheegayaan madaafiic ay Israa'iil ku garaacayso iyo rasaas culus oo laga maqlayo bariga Khan Younis, iyo dhaawacyo ka dhashay weerar ka dhacay aagga kawaanka ee galbeedka Khan Younis oo ku yaalla koonfurta Marinka Gaza, marka laga soo tago duqaymo lala beegsaday waqooyiga bari ee xerada Al-Bureij iyo bariga Deir al-Balah oo ku yaalla badhtamaha Marinka Qasa.
Dhanka kale, Trump ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in waddamada xubnaha ka ah Golaha Nabadda ay ku dhawaaqi doonaan, inta lagu guda jiro kulankooda loo qorsheeyay Khamiista, ballanqaad ah in ka badan $5 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska iyo dadaallada bini'aadantinimada ee Qasa.
Qoraal uu Axaddii soo dhigay barta Truth Social, Trump wuxuu ku qoray in waddamada xubnaha ka ah ay sidoo kale u qoondeeyeen kumiyaan askari ciidanka xasilinta ee ay ansixisay Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale booliska maxalliga ah ee qaybta Falastiiniyiinta.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sharraxay in kulanka Khamiista, oo ah kulankii ugu horreeyay ee rasmiga ah ee kooxda, lagu qaban doono Machadka Nabadda ee Donald J. Trump, kaas oo ay dhowaan Waaxda Arrimaha Dibadda ugu magac dartay isaga.
Wafuud ka socota in ka badan 20 waddan, oo ay ku jiraan madax dawladeed, ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan."
"Dhacdooyin uu dhiig ku daatay"

Xigashada Sawirka, Reuters
Af-hayeenka dhaqdhaqaaqa Xamaas, Hazem Qassem, ayaa ku eedeeyey Israa'iil inay sii kordhinayso waxa uu ugu yeeray "xasuuq" ay ka geysanayso dadka rayidka ah ee ku nool Marinka Qasa.
Waxa uu yiri, "Tani waxay ku soo aadaysaa xilli la filayo kulanka Golaha Nabadda (Peace Council), waana isku day cad oo lagu doonayo in dhacdooyin dhiig ku daato looga sameeyo dhulka, iyadoo ujeedkuna yahay in la diro farriin ah in dhammaan dadaallada iyo hay'adaha ku hawlan dejinta xaaladda Qasa aysan lahayn wax miisaan ah".
Qassem ayaa ugu baaqay Golaha Nabadda, kulankooda xiga, inay cadaadis saaraan Israa'iil si ay u joojiso "xadgudubyada soo laalaabtay, ayna ku khasbaan inay dib u dhac iyo lug-jiid la'aan u fuliso wixii lagu heshiiyey," sida uu sheegay.
Maalintii Sabtidii, sarkaal Israa'iili ah ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa'ar uu ka qaybgeli doono kulanka ugu horreeya ee Golaha Nabadda (Board of Peace) ee uu isugu yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo dhici doona 19-ka Febraayo.













