Trump oo ku dhawaaqay inuu markabkii labaad oo ah kuwa diyaaradaha xambaara u dirayo Bariga Dhexe

Trump

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in markabkii labaad ee diyaaradaha xambaara ee Maraykanka uu "uu dhowaan" ugu ambabixi doono Bariga Dhexe, kadib markii uu Iran ugu hanjabay cawaaqib xanuun badan haddii aan heshiis laga gaarin barnaamijkeeda nukliyeerka.

Trump ayaa wariyeyaasha kula hadlay saldhigga milatari ee Fort Bragg, isagoo sheegay in markabka USS Gerald R. Ford uu si dhakhso ah u bixi doono, isla markaana loo baahan doono haddii Iiraan aysan gaarin heshiis ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka.

Markii la weydiiyay inuu doonayo "isbeddel nidaam" oo ka dhaca Iiraan, Trump wuxuu yiri: "Taasi waxay u muuqataa waxa ugu wanaagsan ee dhici kara."

Wuxuu intaas ku daray: "47 sano ayay hadleen oo hadleen oo hadleen. Inta lagu guda jirayna, nolol badan ayaan luminay."

Trump ayaa tan iyo dibadbaxyadii ka qarxay Iiraan dabayaaqadii December ku celcelinayay hanjabaado milatari. Dibadbaxyadaas ayaa la kulmay tallaabo adag oo ay qaadeen mas'uuliyiinta, taasoo sababtay dhimashada kumannaan qof.

Donald Trump ayaa sidoo kale adkeeyay in Mareykanka ay tahay inuu heshiis la gaaro Iran, isaga oo muujiyay inuu filayo in heshiiskaas la soo gabagabeeyo bisha soo socota gudaheeda.

Wargeyska The New York Times ayaa sharxay in la go'aamiyay in markabka diyaaradaha xambaara ee USS Gerald R. Ford iyo maraakiibta la socda laga soo wareejiyo Caribbean-ka loona diro Bariga Dhexe, iyadoo la filayo in aysan ku soo laaban dekedahooda ka hor dhammaadka Apiil ama bilowga May.

Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo Mareykanka iyo Iran ay todobaadkii hore bilaabeen wadahadallo dadban oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran, xilli Donald Trump uu uga digay "cawaaqib aad u xanuun badan" haddii heshiis la gaari waayo.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iran iyo Mareykanka weli ma aysan cayimin taariikh cusub oo loo qabtay wareeg kale oo wadahadallo ah kadib kulankoodii ugu horreeyay ee toddobaadkii hore ee ku saabsanaa barnaamijka nukliyeerka Iran.

Markabkii ugu horreeyay ee diyaaradaha xambaara, USS Abraham Lincoln, ayaa gaaray Bariga Dhexe bishii Janaayo isaga oo ay la socdeen dhowr burburiye oo gantaallo hago wata.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee hay'adda quwadda atoomikada , Rafael Grossi, ayaa Jimcihii sheegay in heshiis dhex mara hay'adda iyo Tehran oo ku saabsan kormeerka la xiriira barnaamijka nukliyeerka uu yahay "mid si buuxda suurtagal u ah," balse "aad u adag."

Bishii November, Iran ayaa diiday inay u oggolaato Hay'adda Tamarta Atomiga Caalamiga ah inay kormeerto goobihii la duqeeyay bishii Juun.

Bishii Jun, Israel ayaa bilowday dagaal 12 maalmood socday oo ka dhan ah Iran, iyadoo taageero ka helaysa Mareykanka, taas oo si weyn loogu arkay inay wiiqday awoodda nukliyeerka iyo gantaallada ballistic-ga ee Iran.

Markabka Mareykanka ee Gerald R. Ford markii uu yimid dekedda Marseille ee dalka Faransiiska, Agoosto 4, 2025.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxaan ka naqaanaa markabka diyaaradda "USS Gerald R. Ford"?

USS Gerald R. Ford waa markabka diyaaradaha xambaara ee ugu weyn dunida, waxaana saaran in ka badan 4,000 oo shaqaale ah iyo siddeed guuto oo diyaarado ah.

Markabkan waxaa loogu magac daray madaxweynihii hore ee Mareykanka, Gerald Ford, oo geeriyooday 2006. Intii lagu jiray dagaalkii labaad, wuxuu gaaray darajada janaraal kadibna wuxuu noqday madaxweynihii 38-aad ee Mareykanka.

Ciidanka Badda Mareykanka ayaa ku tilmaamay markabkan "mucjiso tiknoolajiyadeed," iyagoo sheegay in dhismihiisu qaatay 12 sano oo qorsheyn iyo dhisid ah. Waxaa la bilaabay dhismihiisa 2009, waxaana si rasmi ah loogu wareejiyay adeegga Ciidanka Badda Mareykanka 2017.