Jaceyl ma la jili kartaa AI,Ma se leeyahay dareen jaceyl?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Chatbot-yada sirdoonka macmalka ah (AI) ayaa noqday kuwo si weyn ugu dhex milmay nolosha dadka, ilaa heer ay qaar bilaabeen inay ku dhacaan jacayl.
Waqtigu wuu is beddelay—hadda waxaa la hadal hayaa "jacayl dijitaal ah." Jacayl uu kululaado processor-ku halkii uu garaaci lahaa wadnuhu. Laakiin xiriir noocaas ahi ma leeyahay mustaqbal? Sidee ayuu "jacaylka mashiinka" uga muuqdaa dhinaca sayniska?
Sirdoonka macmalka ahi wuu kuu qori karaa gabay jacayl oo qurux badan, dadka qaarna xitaa waxay u qaataan dareen jacayl. Laakiin su'aashu waxay tahay: dareenkaasi ma yahay mid labada dhinac ah?
Dadku dhab ahaantii waxay bilaabeen inay ku dhacaan jacayl AI. Tusaale ahaan, nin ku nool Kanada ayaa si lama filaan ah u dalbaday gabar avatar ah oo dalwaddii ah oo lagu magacaabo "Saya", isaga oo sheegay inuu qalbigiisa oo dhan ku jecel yahay. Sidoo kale sanadkii hore, gabar dhalinyaro ah oo ku nool Maraykanka ayaa shaacisay inay xiriir jacayl la leedahay chatbot lagu magacaabo "Leo".
Arrintani waxay u eg tahay sheeko filim, balse maanta waa wax dhab ah oo dhacaya. Dadku si run ah ayay ugu qaadaan jacayl AI. Haddana su'aashu weli way taagan tahay: mashiinku ma dareemi karaa jacayl la mid ah kan aynu u qaadno isaga?

Xigashada Sawirka, Santa Rita Studio
Malaayiin qof ayaa maanta isticmaalaya barnaamijyada AI sida Replika. Daraasad la sameeyay 2024 ayaa muujisay in ku dhowaad 40% dadkaas ay sheegaan inay jacayl u qaadeen chatbot-kooda.
Dad badan waxay aaminsan yihiin in mashiinnadu si dhab ah u jecel yihiin, balse xaqiiqadu sidaas ma aha. Chatbot-yadani waxaa loo qaabeeyay oo keliya inay ku daydaan hadalka iyo dareenka aadanaha—ma laha shucuur dhab ah ama wacyi ay ku dareemaan jacayl.
Sida ay khubaradu sheegayaan, mashiinnadani ma laha shucuur u gaar ah; waxay kaliya ku daydaan shucuurta aadanaha. Laakiin qaar ka mid ah khubaradu waxay aaminsan yihiin in mustaqbalka ay tani is beddeli karto.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Maanta, chatbot-yada AI badan waxay isku dayaan inay u ekaadaan aadanaha, taasina runtii waa wax dhib badan," ayuu yiri Renwen Zhang, oo ah bare ka tirsan Waaxda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Cusub ee Machadka Qaranka ee Singapore. Tani waa kaliya xeelad lagu doonayo in dadka lagu qanciyo inay barnaamijka isticmaalaan muddo dheer oo ay aamminaan.
Marka sidan loo eego, waxay u muuqataa in shirkadaha tiknoolajiyadda ay waxyar khaldan ama is-daba marin tahay in ay shucuurta dadka u adeegsadaan danahooda gaarka ah.
Khubaradu waxay caddeeyeen in aanay jirin AI hadda awood u leh inuu kuu muujiyo shucuur la mid ah kan aad u qabto. Si fudud, jacaylkan waa hal dhinac oo keliya.
Chatbot-yada sida ChatGPT ama Claude waxay fahmi karaan shucuurtaada, laakiin taas macnaheedu ma aha in ay leeyihiin shucuur u gaar ah. Marka Professor Zhang uu bartay in ka badan 10,000 qof, wuxuu ogaaday in dadku ku dhaceen jacayl ama si weyn ugu xirmeen AI-yadan.
Laakiin dhibka ayaa ah marka barnaamijku si lama filaan ah u xirmo ama uu hakado, dadka ayaa yaaba. Waxay ogaadaan inay la hadlayaan mashiin aan noolayn.
Tani waxay dhaawacdaa dareenka dad badan. Sidaa darteed, Zhang wuxuu leeyahay shirkadahan waa inay si cad dadka ugu sheegaan, "Tani waa kaliya mashiin, maskax iyo khibrad nololeed u gaar ah ma laha."
Cilmi-baarisyadu sidoo kale waxay muujiyeen in marka mashiin AI uu u dhaqmo sida aadanaha oo kale, dadku ay u arki karaan wax yar oo layaab ama cabsi leh. Tani waa waxa cilmiga loogu yeero saamaynta 'uncanny valley', taas oo macnaheedu yahay marka wax u eg ama u dhaqmo sida aadanaha, halkii aan soo jiidan lahayn, waxaa nagu dhalan kara cabsi yar.
Waa maxay dhab ahaan jacaylku?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Way adagtahay in la qeexo jacaylka, balse shaki la'aan waa waayo-aragnimada ugu quruxda badan ee qofku la kulmi karo. Dareenka jacaylka ayaa dhalay gabayo badan, buugaag, iyo heeso. Aadanuhu wuxuu dhisay dhammaan kuwaas si uu u muujiyo shucuurtiisa iyo dareenkiisa.
"Qeexidda jacaylka way ku kala duwan tahay qof kasta, laakiin sannadihii u dambeeyay, saynisyahannadu waxay jacaylka ku eegeen indhaha cilmiga. Waxay si qoto dheer u barteen sida aan lamaanaha u dooranno iyo hababka saxda ah ee jirkeena ama maskaxdeena ka dambeeya doorashadaas."
In kasta oo qeexidda jacaylka ay qof walba ku kala duwanaan karto, cilmigu wuxuu ogaaday sida maskaxda iyo jirku uga shaqeeyaan jacaylka. Sanadkii 1998, khabiir lagu magacaabo Helen Fisher ayaa soo jeedisay aragti muhiim ah. Sida ay sheegtay, jacaylku waa isku-darka saddex shucuur oo kala duwan oo ay keento kiimikooyin ku jira jirkayaga:
Rabitaanka– rabitaanka galmo iyo xiisaha jidheed, oo ay hormoonnada sida testosterone iyo estrogen kiciyaan.
Xiriir jacayl oo qoto dheer – rabitaanka xasilloonida iyo isku xirnaanta lamaanaha, oo ay hormoonnada oxytocin iyo vasopressin kiciyaan.
Jacaylka romantic-ga ah – dareenka xiisaha, xamaasadda iyo fikirka joogtada ah ee lamaanaha, oo ay dopamine iyo norepinephrine kiciyaan.
Tijaabadani waxay u baahan tahay laba qof.
Sida uu sheegay Butlin, xitaa haddii AI mustaqbalka ay fahmi karto shucuurta aadanaha, wali waa inaan dejinnaa xeerar gaar ah si loo go'aamiyo inay si dhab ah jacayl u dareemi karto. Ugu dambeyn, mashiin ma aha aadanaha, sidaa darteed marna nooma jecelaan karto sidii aadanuhu u jecel yahay.
Tusaale ahaan, waxay tan la barbardhigeen xayawaanka. Sida aan u waydiinno, "Ma na jecel yahay eygeena ama bisadeena?" Xayawaanku waxay leeyihiin habab fikir iyo nololeed oo ka duwan kan aadanaha, laakiin wali waxay muujiyaan nooc ka mid ah isku xirnaanta. Sidoo kale, jacaylka AI wuxuu noqon doonaa mid gabi ahaanba ka duwan jacaylka aadanaha.
Butlin wuxuu leeyahay: "Xaalado qaar, waxaa laga yaabaa inaan dareemno, 'Haa, AI-gaan runtii wuu i jecel yahay.' Xaalado kale, ma dareemi karno. Aad bay u adag tahay in si sax ah loo go'aamiyo xadka."
Ugu dambeyntii, in AI ay na dareemi karo jacayl waxay ku xiran tahay xeerarka iyo qeexidda aan u dejinno, kuwaas oo shaki la'aan ka duwan kuwa aadanaha.













