Nolol mise geeri: Nin uu wadnuhu istaagay 40 daqiiqo iyo wixii uu la kulmay

- Author, Alex Taylor
- Role, BBC News
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Ma jirto fikrad guud oo ku saabsan in qofku helo nolol cusub inta la joogo adduunkan dhimashada ka dib, laakiin taasi (wax u eg) ayaa qof ku dhacday.
Patrick Charnley waxa uu ahaa qareen shirkadeed oo aaminsan raadinta joogtada ah ee guusha, isaga oo u arka nasashada mid wakhti lumis ah.
Laakiin mabda'a shaqo adaygga ayaa khatar galiyey isaga markii uu ku dhacay wadno-xannuun isagoo da'diisu tahay 39 jir kaliya intii lagu jiray masiibada Corona ee 2021.
Fiidnimadaas waxa uu la mid ahaa maalin kasta oo kale oo caadi ah oo waxa ay baradho ku cunayeen kursiga yaalla qolka fadhiga guriga, laakiin si lama filaan ah ayuu u miyir daboolmay.
Wadnaha ayaa si lama filaan ah u istaagay dhibaato dhanka hidde-sidaha ah awgeed. Wuxuu (luqadda caafimaadka marka la eego) caafimaad ahaan dhintay 40 daqiiqo, laakiin xaaskiisa ma quusan oo waxay sii waday inay qabato CPR. Patrick gabadhiisa oo sagaal jir ah iyo wiil todobo jir ah ayaa ku soo orday si ay u caawiyaan.
Markii kooxda caafimaadka ay yimaadeen, dadaalkoodii ugu horreeyay waa lagu guuleysan waayay. Meeshii ugu dambaysay, waxay Patrick ku dureen adrenaline.
Xaaska Patrick waxay bilowday inay ka shakiso inuu dhintay. Dabadeed, si mucjiso ah, Patrick wadnuhu wuxuu bilaabay inuu garaaco mar kale.
Laakiin Patrick waxa uu koomo ku jiray toddoba maalmood. Markii uu miyir-beelka ka soo kacay, waxa uu ahaa nin ay soo wajahday tabar-dari jireed, mid arag iyo xusuus intaba oo ay sabab u tahay xanuun maskaxeed.
Laakiin sida uu sheegay Patrick, in kasta oo aanu u shaqayn karin sidii hore, haddana waxa uu dareemay in uu hadda wakhti badan gelin karo xiriirkiisa iyo noloshiisa.
Patrick wuxuu dhawaan la hadlay martigeliyaha podcast-iga Emma Barnett, wuxuuna sheegay in xitaa haddii uu fursad u helo inuu mar kale ku noolaado noloshiisii hore, uusan doonayn inuu beddelo.
Waan soo baraarugay waxse waan arki waayey
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa uu sheegay in markii uu koomada ka soo baxay ay ugu horreysay in uu xasuusto in uu indho la'aan ahaa.
Aragtida luntay awgeed, waxa kale oo uu ku dhacay 'Charles Bonnet Syndrome', kaas oo maskaxdu isku daydo in ay buuxiso booska bannaan ee uu ka baxay aragga degdega ah, laakiin qofka ay saamaysay waxa uu la kulmay khibrado yaab leh. Qaar ka mid ah, sida uu sheegay Patrick, waxay ahaayeen kuwo argagax leh, laakiin qaar ayaa sidoo kale si la yaab leh u qurux badan.
Intii lagu guda jiray mid ka mid ah waayo-aragnimada noocaas ah ka dib qalliinka wadnaha, wuxuu noqday mid ku qanacsan in kalkaaliye Maraykan ah ay isku dayday inay disho.
Laakiin waayo-aragnimada qaar ayaa sidoo kale u keenay deganaan. Daqiiqad gudaheed, waxa uu gaadhay dalka Swizerland, halkaas oo uu ku arkay taag ah oo baraf leh.
Araggiisa ayaa soo noqday, laakiin dhakhaatiirtu waxay go'aamiyeen in ay sabab u tahay dhaawac maskaxda ah. Xusuustiisa ayey sidoo kale saameyn ku yeelatay.

Xigashada Sawirka, Patrick Charnley
Waxay ahayd ka dib markii uu ku soo laabtay guriga in Patrick uu bilaabay inuu si buuxda u qadariyo noloshiisa isbeddeshay.
Daalka ayaa ku qasbay inuu tamartiisa si macquul ah ah u isticmaalo. "Abidkey ma toosin aniga oo sidan u firfircoon" ayuu yiri. "Subax walba anoo daalan ayaan toosi jiray, wayna ka sii daraysay" ayuu raaciyey.
Patrick waxaa kale oo uu gartay in aanu mar dambe 'waxba danaynin ama ka welwelin.' Tani ma ahayn niyad-jab laakiin xaaladda uu Patrick dareemay ayaa ahayd sidii in uu sabbaynayo oo 'ma jirin dhul cagihiisa hoostooda ah'.
Daawooyin iyo habab kale ayaa ka caawiyay ilaa xad, waxaana khabiir ku takhasusay uu u soo jeediyay inuu ka murugoodo nolosha uu waayay.
Patrick wuu u naxay xaaskiisa iyo caruurtiisa laakiin wuxuu yiri, "Waxaan u noolahay sidii qof aad u da' weyn".
Laakiin inkastoo waxaas oo dhan ay ku dheceen, Patrick wuxuu door biday noloshan. Hadda waa qoraa wuxuuna sheegay inuu haysto waqti uu ku raaxaysto nolosha.
"Waxaan ku noolahay nolol gaabis ah, ma aha ikhtiyaarkayga, laakiin waan ku khasbanahay. Waan kaku faraxsanahay sababtoo ah waxaan u arkaa quruxda in ka badan sidii aan u arki jiray marki hore" ayuu yiri.
Xiriirka uu la leeyahay qoyskiisa ayaa sidoo kale soo hagaagay. Xataa wuu kula kaftamaa xaaladiisa. "Xiriirkayagu wuu sii xoogaystay, waxaana u sabab ah waxa dhacay" ayuu yiri.













