Dembiile geeridiisa ka been sheegay oo isagoo nool la qabtay

Nicholas Alahverdian

Xigashada Sawirka, YouTube/WPRI

Qoraalka sawirka, Nicholas Rossi ayaa u ololeyn jiray xuquuqda carruurta wuxuuna ka soo muuqday telefishin Mareykanka ku yaalla
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Nin u dhashay dalka Mareykanka oo dhuumaaleysi ku jiray lana rumeysan yahay inuu geeridiisa ka been sheegay ayaa wajahaya musaafurin, kaddib markii laga soo qabtay isbitaal ku yaalla magaalada Glasgow ee dalka Scotland.

Nicholas Rossi, oo 34 jir ah, oo uu doon doonayay booliiska adduunka ee Interpol ayaa loo heystaa kufsi ka dhacay Utah oo ka tirsan Mareykanka.

Waxaa bishii December la dhigay Isbitaalka Queen Elizabeth isagoo laga daweynayay xanuunka Covid-19 - markaas oo uu adeegsanayay magaca Arthur Knight.

Booliiska Scotland ayaa sheegay in ninkan la xiray maaddaama uu jiray codsi caalami ah oo lagu soo xirayo.

Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in Rossi sidoo kale Nicholas Alahverdian looga yaqaanno Jasiiradda Rhode Island halkaas oo uu ku lug lahaa siyaasadda gudaha wuxuuna aad u cambaareyn jiray hannaanka daryeelka carruurta ee halkaas.

Queen Elizabeth University Hospital

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Booliiska ayaa ninkan ku tuhmay Scotland

Mr Rossi ayaa bishii December 2019 warbaahinta Mareykanka u sheegay inuu qabo kansar aan waxba laga qaban karin uuna heysto toddobaadyo uu ku noolaado. Dhowr warbaahin ayaa weriyay inuu geeriyooday bishii February 2020.

Qoraal la soo dhigay online-ka ayaa waxaa lagu tilmaamay inuu yahay geesi u soo halgamay xuquuqda carruurta, waxaana lagu sheegay sidoo kale in dambaska meydkiisa lagu daadiyay badda.

Rossi ayaa la rumeysan yahay in lagu arkay Isbitaalka QEUH ee Glasgow halkaas isaga oo uu ku xirnaa qalabka neefsashada. Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay inaysan ka warheyn inuu ku jiro liiska cas ee Interpol.

Booliiska Scotland ayaa 13 December ka soo qabtay isbitaalka.

Charge sheet
Qoraalka sawirka, Nicholas Rossi ayaa dhowr magac isticmaali jiray

Maamulka magaalada ayaa sheegay in ninkan isagoo jooga isbitaalka uu kaga qeyb galay go'aanka dib loogu celinayo Mareykanka.

Xeer Ilaaliyaha deegaanka Utah ayaa xaqiijiyay in ninkan gobolka looga yaqaanno Nicholas Rossi. Diwaanka maxkamadda ayaa caddeeyay in saraakiisha Utah ay baadi goobayeen Nocholas loona heysto eedyemo kufsi.

Markii laga soo qabtay Glasgow wuxuu ka dhuumanayay dhowr gobol oo Mareykanka ku yaalla halkaas oo laga doon doonayay.

Obit

Xigashada Sawirka, Everloved.com

Qoraalka sawirka, Qoraal online-ka la soo dhigay oo loogu tacsiyeynayo ayaa lagu sheegay inuu yahay geesi

Baaritaanno ay hay'ado kale sameeyeen ayaa lagu ogaaday in loo yaqaanno magacyada kala ah Nicholas Alahverdian, Nicholas Alahverdian Rossi, Nicholas Edward Rossi, Nicholas Alahverdian-Rossi, Nick Alan, Nicholas Brown, Arthur Brown iyo Arthur Knight.

FBI-da Mareykanka ayaa sidoo kale warqad xarig ah u jartay ninkan oo sidoo kale loo heysto inuu dhacay aabbihiis soo korsaday isagoo ka qaatay kaararkiisa bankiga uuna geliyay deyn ka badan $200,000.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

'Waa sheeko aan la rumeysan karin'

Weriyaha CBS ee Jasiiradda Rhode, Tim White, ayaa BBC Scotland ku yiri: "Qof walba wuu yaabay markii uu soo baxay warka ah inuu ku nool yahay Scotland.

"Waa sheeko aan la aamini karin. Dadku haatan shaqooyinkooda ayay soo dhaafayaan, waxay ka hadlayaan khibradda ay u leeyihiin iyo macaamilka dhex maray.

"Baarayaashu waxay tilmaamayaan beenaale daran. Wuxuu isticmaalaa dhowr magac.

"Booliiska ayaa sheegay inuu dhowr jeer beddelay sheekadiisa iyo cidda uu yahay. Booliiska ayaa isku dayay inay qabtaan. Booliiska maaha waxa qabtay laakiin. Waa Covid."

White ayaa sheegay in sanadkii 2020 haweeney sheeganeysa inay tahay xaaska Nicholas Alahverdian ay telefoon u dirtay dhowr warbaahin una sheegtay inuu u geeriyooday kansar waxayna ugu baaqday inay wax ka qoraan taariikh-nololeedkiisa.

Si kastaba, halka uu u shaqeeyo weriyahan ayaa laga diiday in warkaa sla daabaco, maaddaama ay ka shakiyeen warkaas oo ay ku jireen hadallo aan is qabaneyn.