Iiraan oo adkaysay agagaarka xarumaha Nukliyeerka ee dhulka hoostiisa ku yaalla

Xigashada Sawirka, Vantor
- Author, Emma Pengelly
- Role, BBC Verify
- Author, Ghoncheh Habibiazad
- Role, BBC Persian
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Iran ayaa xoojisay dhisme dhulka hoostiisa ah oo u dhow mid ka mid ah xarumaheeda Nukliyeerka, sida lagu sheegay indha indhayn lagu sameeyey sawirada cusub ee dayax gacmeedka.
Dhaqdhaqaaqan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogeysatay xiisadda u dhaxeysa Iran iyo Mareykanka, iyadoo madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay tallaabo milateri oo cusub oo ka dhan ah Iran haddii ay ogolaan weydo heshiis cusub oo ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka.
Sawirrada, oo markii ugu horreysay uu indhaindhayn ku sameeyey Machadka Sayniska iyo Amniga Caalamiga ah (ISIS), oo ah xarun cilmi-baaris oo fadhigeedu yahay Mareykanka, ayaa muujinaya marinnada godadka laga soo galo oo la xoojinayo - Mount Kolang Gaz La - oo loo yaqaan 'buurta Pikaxe'.
Khubarada ayaa sheegaya in xaruntan laga yaabo in loogu talagalay in lagu ilaaliyo hawlaha tayeynta Yuraaniyaamka Iran ama qalabka muhiimka ah, balse ujeeddada dhabta ah ee laga leeyahay - iyo in ay shaqaynayso - wali ma cadda.
Iran ayaa ku adkeysaneysa in barnaamijkeeda Nukliyeerka uu gabi ahaanba yahay mid nabadeed, waxaana ay beenisay in ay dooneyso in ay sameysato hubka nukliyeerka.
Si kastaba ha ahaatee, Trump waxa uu sheegay in Iran ay wax yar oo muddo bil ah ka harsan tahay in ay haysato hubka Nukliyeerka June 2025, markii uu amray in la weeraro saddex goobood oo Nukliyeer ah oo dhulka hoostiisa ah, halkaas oo goobaha Yuraaniyumka loo isticmaalay in lagu soo saaro Yuraaniyaam aad loo tayeeyey intii lagu jiray dagaalkii 12 maalmood socday ee u dhexeeyay Israa'iil iyo Iran sannadkii hore.
Trump ayaa sheegay in duqeymahaasi ay "baab'iyeen" awooddii tayeynta Iran, balse saraakiisha Iran "ay ka fakarayey sidii ay goob cusub u bilaabi lahaayeen".
Buurta Pickaxe ma ahayn mid ka mid ah goobihii lagu weeraray Maraykanka iyo Israa'iil duqaymaha cirka bishii Juun 2025, laakiin xarunta Nukliyeerka ee Natanz, oo ku taal qiyaastii 2km (1.24 mayl) waqooyi, ayaa la weeraray.
Sawirka dayax gacmeedka ee 10-kii Febraayo wuxuu muujinayaa wax u muuqda shubka cusub oo la dulsaaray mid ka mid ah meelaha laga soo galo Buurta Pickaxe.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bamka loo isticmaalo in lagu keeno shubka ayaa laga arki karaa goobta, falanqeeyayaasha ISIS iyo hay'adda falanqaynta sirdoonka ee UK ee Maiar ayaa sidaa isku ku raacay.
Meel kale oo godka laga galo, dhagaxa iyo ciidda ayaa dib loo riixay oo la simay. Waxa kale oo jira qaab dhismeed cusub oo shub ah oo la xoojiyay oo dhow.
Khubarada ISIS waxay soo jeedinayaan in isbeddeladan loogu talagalay in lagu xoojiyo waddooyinka laga soo galo godka iyo in la siiyo difaac dheeraad ah oo ka dhan ah weerarrada hawada ee suurtagalka ah.
ISIS waxa ay sheegtay in joogitaanka mashiinada dhismaha ee culus iyo agabka ay muujinayaan in xarunta aysan weli diyaar u ahayn howlgallo.
"Markii hore, Iran waxay ku xirtay dhismaha dib u dhiska warshad horumarsan oo isku xirta haka Yurrniyumka lagu bacrimiyo, laakiin baaxadda xarunta, iyo sidoo kale gabaadka laga helayo buurta dheer, waxay keentay walaac degdeg ah in hawlo kale oo xasaasi ah la qorsheeyay, sida kobcinta Yuraaniyaam," ayay yiraahdeen.

Sawirada dayax-gacmeedka ayaa sidoo kale muujinaya shaqada dayactirka iyo xoojinta difaaca kuwaasoo ka socday goobta nukliyeerka ee Natanz ee u dhow iyo dhismaha nukliyeerka ee Isfahan, oo 125km (77 mayl) ka xigta waqooyiga, toddobaadyadii la soo dhaafay.
Isfahan, dhammaan albaabada laga soo galo dhismaha godkeeda ayaa hadda u muuqda in lagu xiray carro, sawirada dayax-gacmeedka ee ay dib u eegtay ISIS ayaa sidaa muujinaya.
Dib u buuxinta marinnada godka ee sidan oo kale ah waxay "caawinaysaa in la yareeyo" weerar kasta oo xagga cirka ah, ISIS ayaa sidaa leh, iyo sidoo kale caawinta ka hortagga weerarka dhulka ku salaysan si ay u qabsadaan ama u burburiyaan wax kasta oo yuraniyum ah oo aad loo tayeeyey oo laga yaabo in lagu hayo gudaha.
Sidoo kale goobta nukliyeerka ee Isfahan, saqaf cusub ayaa laga dhisay. Dhismahan oo Israa'iil ay ku qaadday sannadkii hore, ayaa loo malaynayaa in loo isticmaalay samaynta bacrimiyeyaasha.
Shaqada dhulka dushiisa ka socota ayaa sidoo kale laga arki karaa xarunta nukliyeerka ee Natanz oo ku taal meel ay waxyeello ka soo gaartay duqeymaha cirka ee Israa'iil iyo Mareykanka ee bishii Juun ee la soo dhaafay. Intii u dhaxaysay horraantii Disembar iyo Jannaayo saqaf ayaa laga dhisay qafis burburay ee ka hortagga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee warshadda bacriminta.
ISIS waxay qiimeysay saqafka lagu daray si loo xannibo aragtida qof kasta oo isku dayaya inuu u fiirsado waxa Iran ay ka samaynayso hoosta.
Prof Sina Azodi, oo ah maamulaha barnaamijka daraasaadka bariga dhexe ee jaamacadda George Washington ee dalka Mareykanka, ayaa sheegtay in Iran ay "ku shaqeyneyso malo ah in weerarradu ay dhici doonaan ayna u baahan yihiin in ay ilaashadaan tas-hiilaadka inta ay awoodaan".
"Barnaamijka Nukliyeerka Iran lama burburin," ayuu raaciyay. "Sida cad marka aad leedahay aqoonta iyo kartida iyo farsamada si aad dib ugu dhisto barnaamijka, waxaad mar walba dib u dhisi kartaa wax walba".
Rafael Grossi, oo ah madaxa hay'adda caalamiga ah ee ilaalinta Nukliyeerka ayaa BBC-da u sheegay in heshiis cusub oo Nukliyeerka ah oo u dhexeeya Iran iyo Mareykanka uu yahay mid suurtagal ah oo si degdeg ah loogu baahan yahay.
Waxa kale oo uu sheegay in uu rumaysan yahay in Iran 400kg oo ah Yuraaniyumka aadka loo tayeeyey, taasoo ka hoosaysa heerka lagu samayn karo hub, ay ku harsan tahay godka dhulka hoostiisa mara iyo qolalka uu Maraykanku ku riday bambaanooyinka gaaska ah bishii Juun ee la soo dhaafay.
Garaafyada waxaa sameeyey Tom Shiel













