Maxay yihiin sawirrada qaawan ee weli ku jira faylashii Epstein?

- Author, Becky Dale
- Author, Matt Murphy
- Role, BBC Verify
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Sawirro iyo muuqaallo aan si habboon loo tirtirin oo muujinaya qaawanaan, kuwaas oo lagu baahiyay faylasha Epstein ayaa maalmo ku jiray internet-ka inkastoo saraakiisha Maraykanka looga digay khaladaad ku jiray habka xogta loo qariyay.
Qareenno ayaa sheegay in arrintan ay dhibbanayaasha u geysatay "dhibaato aan laga soo kaban karin".
Faylasha ay heshay BBC Verify waxay ka mid yihiin kumannaan dukumeenti oo qareennadu sheegeen in ay heleen, kuwaas oo xambaarsan macluumaad lagu aqoonsan karo tobannaan ka mid ah dhibbanayaashii Epstein.
Ururrada u dooda dhibbanayaasha ayaa markii ugu horreysay arrintan ka hadlay dhammaadkii toddobaadka, kaddib markii wargeyska New York Times uu ku warramay in ku dhowaad 40 sawir oo kala duwan la daabacay Jimcihii, iyagoo qayb ka ahaa faylasha Epstein.
Talaadadii, garsoore ku sugan New York ayaa sheegay in Waaxda Caddaaladda ee Maraykanku ay oggolaatay in ay si degdeg ah u saxdo khaladka, kaddib markii dhibbanayaashu dalbadeen in mareegtaasi la xiro ilaa magacyada iyo sawirrada si habboon looga tirtirayo.
Waaxdaasi ayaa ka saartay kumannaan dukumeenti bogga internet-ka, waxaana ay sheegtay in faylashaas loo geliyay sababo la xiriira "khalad farsamo". Waaxdu waxay sheegtay in ay sii wadi doonto baarista codsiyo cusub, islamarkaana ay hubinayso in ay jiraan dukumeenti kale oo u baahan in si dheeraad ah loo tirtiro ama loo qariyo macluumaadkooda.
BBC Verify ayaa si madax-bannaan u ogaatay in tiro sawirro ah oo muujinaya dad si cad loo aqoonsan karo ay weli ku jireen internet-ka Arbacadii, inkastoo dowladda Maraykanku sheegtay maalin ka hor in ay wax ka qabanayso arrinta ku saabsan xog aan si buuxda loo qarin. Waxaan la xiriirnay Waaxda Caddaaladda si aan xog uga helno , annaga oo u gudbinnay magacyada faylasha aan si sax ah loo qarin.
Afar ka mid ah sawirrada ay aqoonsatay BBC Verify waxay muujinayeen gabdho da'yar ooqayb ahaan lebbisan, iyadoo wajiyadooda iyo jirkoodaba aan qarin.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sawirradaas waxaa la helay intii lagu jiray baaritaan guud oo lagu sameeyay malaayiin faylal ah oo la sii daayay, si loo helo caddeymo ku saabsan xiriirradii Epstein la lahaa shaqsiyaad caan ah.
Sawirro dad kale ah ayaa u muuqda in qaar ka mid ah dukumeentiyada la qariyay, balse dukumeentiyo kale lagu daayay iyagoo aan la qarin. Hal dukumeenti ayaa xambaarsanaa laba nuqul oo isla sawir ah—mid muujinaya wejiga oo lagu daboolay sanduuq madow, iyo mid kale oo wejiga si buuxda muujinaya.
Saraakiisha Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa loo xil saaray inay qariyaan dhammaan sawirrada anshax ahaan aan habboonayn iyo wixii macluumaad ah ee lagu aqoonsan karo dhibbanayaasha, ka hor inta aan la daabicin qaybtii ugu dambeysay ee faylasha Epstein oo la qorsheeyay in la sii daayo xilligii fasaxa Kirismaska.
Ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee uu dejiyay Kongareesku, Ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud Todd Blanche ayaa sheegay in faylasha aan la daabici doonin waqtigii loogu talagalay, isaga oo sabab uga dhigay shaqada dheeraadka ah ee loo baahan yahay si loo ilaaliyo aqoonsiga dhibbanayaasha.
Qareennada matala dhibbanayaashii Epstein ayaa si adag u dhaliilay Waaxda Caddaaladda, iyaga oo ku eedeeyay in ay ku guuldarreysatay in ay si buuxda u ilaaliso boqolaal haween ah oo lagu aqoonsaday faylasha la sii daayay.













