Waxuu iska soo tuuray dabaqa saddexaad isaga oo cararaya ciidanka ICE

Xigashada Sawirka, Stephen Maturen / Stringer via Getty Images
- Author, Valentina Oropeza
- Role, BBC News Mundo
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Nin lagu magacaabo Pastor Sergio Amezcua ayaa helay wicitaan degdeg ah. Waa sheeko ku saabsan nin dhalinyaro ah ayaa ka booday daaqadda saddexaad markii uu ogaaday in saraakiil ka tirsan ICE oo raadinaysay muhaajiriin aan sharci haysan ay ku nool dhismahaasi.
"Dharkiisa ayuu ku dhaqayay barxadda, markii uu maqlay sawaxanka. Wuxuu jebiyay daaqadda isaga oo ka booday si uu uga baxsado," ayuu Amezcua, 46 jir, ku sheegay taleefan ku yaalla Minneapolis.
Waxuu ordayay isaga oo dhaawacan qiyaastii 1km (0.6 mayl) ilaa ay derisyadii qaarkood siiyeen hoy, sida ay warbixintu sheegayso. "Waxa la helay isaga oo aan kabo iyo shaadh toona xidhnayn, islamarkaana gashan surwaal gaaban iyadoo heerkulku uu ka hooseeyo eber. xilligaasi waxa uu garaacayay albaabada xaafadaha isaga oo ooyaya."

Xigashada Sawirka, Iglesia Dios Habla Hoy
Bishii Diseembar, Waaxda Amniga Gudahu waxay ku dhawaaqday in in ka badan 2.5 milyan oo muhaajiriin aan sharci ahayn ay ka tageen Maraykanka ilaa sannadka 2025.In ka badan 605,000 ayaa la masaafuriyay, iyadoo ay socoto siyaasad ka dhan ah oo ay bilaabeen maamulka madaxweyne Donald Trump oo ku wajahan muhaajiriinta aan sharciyada haysan.
Kiis kale, nin ayaa ku dhuuntay dhismo muddo afar saacadood ah, iyadoo heerkulku ka hooseeyo eber, si uu uga baxsado weerarka ICE.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Pastor Sergio Amezcua wuxuu ku dhashay Mexico. Wuxuu yimid Minnesota 24 sano ka hor wuxuuna noqday muwaadin Mareykan ah. In ka badan toban sano ka hor. Waxa uu aasaasay kaniisad adeegyadeeda ku bixisa labada luuqadood ee Ingiriisi iyo Isbaanish, oo loogu talagalay dadka ku taxan oo inta badan Laatin ah.
In kasta oo Minnesota ay ku nool yihiin in ka yar 1% qiyaasta 14 milyan oo muhaajiriin aan sharci haysan oo ku nool Mareykanka, sida ay muujinayso caddaynta Migration Policy Institute, haddana, maamulka Trump wuxuu amray in ciidammada ICE loo diro halkaasi.

Xigashada Sawirka, Reuters
Sida loo arkay xadhigga wiil shan jir ah
Cadho badan ayaa ka dhalatay kaddib markii sarkaal ICE ah la sawiray isaga oo gacanta ku haya Liam Conejo Ramos, wiil 5 jir ah oo la xidhay aabbihiis Adrian Conejo, 20-kii bishii la soo dhaafay.
Xildhibaan Joaquin Castro oo laga soo doorto Texas, kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa Axaddii sheegay in Liam Conejo Ramos iyo aabbihii Adrian Alexander Conejo Arias laga sii daayay xarunta xabsiga Dilley ee Texas, kadibna ay dib ugu safreen magaalada Minneapolis.
Castro wuxuu yiri: "Liam hadda gurigiisii ayuu ku soo laabtay. Wuxuu wataa koofiyaddiisa iyo boorsadiisa dhabarka."
Xiritaanka labadan qof ayaa dhaliyay bannaanbaxyo ka dhacay afaafka hore ee xarunta lagu hayay, waxaana arrintu keentay caro ballaaran oo qaran. Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha (DHS) ayaa lagu sheegay: "ICE ma aysan bartilmaameedsan mana aysan xirin ilmo."

Xigashada Sawirka, Cortesía de la congresista Ilan Omar
Cadho ka dhalatay ciidanka ICE
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Saraakiisha Waaxda Arrimaha Ammaanka Gudaha Mareykanka ayaa u sheegay warbaahinta CBS News in ilaa 800 oo Ciidamada Ilaalada Xadka ah la geeyay aagga Minneapolis. Waxay dheeraad ku yihiin ilaa 2,000 oo ciidamada federaalka ee ICE oo hore usii joogay halkaas.
Muddooyinkii dambe ayaa walaac laga muujinayay ciidamadan faraha badan ee halkaas lasoo dhoobay, iyadoo lagu andacoonayay inay saameysay bulshada ku nool gobolka ayna absi gelisay.
Tallaabadan ayaa timid bilo ka dib markii Mr. Trump uu muhaajiriinta Soomaalida ah ee ku nool Maraykanka ugu yeeray "khashin" uuna sheegay inuu rabo inay ka baxaan dalka. Maamulkiisa ayaa soo xigtay fadeexad musuqmaasuq oo baaxad leh oo lala xiriirinayo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida si kumanaan wakiillo socdaalka federaalka ah loo geeyo aagga Minneapolis.
Maalmo ka dib markii 2,000 oo wakiilada federaalka ah ay ku qulquleen Minnesota, wakiilka ICE Jonathan Ross ayaa toogtay Renee Good, oo ahay muwaadin u dhalatay Maraykanka oo kaxaynaysay gaarigeeda. Inkasta oo Mr. Trump, Xoghayaha DHS Kristi Noem iyo saraakiil kale oo federaal ah ay isku dayeen inay Good ku tilmaamaan inay dooneysay inay waxyeelleyso wakiilka, falanqaynta khubarrada ee caddaymaha muuqaalka ah ayaa beenisay sheekadaas.













