Beddelidda hoggaanka mise beddelidda kacaanka? Maraykanka iyo xaalka Iran

Xigashada Sawirka, Iranian Leader Press Office / Handout/Anadolu via Getty Images
Iyadoo doodaha ku saabsan jihada mustaqbalka ee siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Iran ay sii baahayaan, qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in maamulka Donald Trump uu qaadan karo hab la mid ah kii uu ku qaatay Venezuela – qaab ay dhaleeceeyayaashu ku tilmaamaan in uu diiradda saarayo isbeddel xaddidan oo ku yimaada madaxda sare ee qaab-dhismeedka awoodda halkii uu ka ahaan lahaa isbeddel buuxa oo ku yimaada nidaamka siyaasadeed.
Walaacyadan, oo barbar socda dhaqdhaqaaqyada dibloomaasiyadeed ee cusub iyo wada-hadallada adag ee u dhexeeya Maraykanka iyo Israa'iil, ayaa mar kale keentay su'aalo ku saabsan saamaynta uu muuqaalkan noocaas ahi ku yeelan karo dadka Iran iyo xasilloonida gobolka.
Horraantii sannadka 2026-kii, tallaabo aan horay loo arag oo ka dhacday Venezuela, ciidamada militariga Maraykanka ayaa sameeyay hawlgal ballaadhan laakiin waqti gaaban socday, iyagoo soo xidhay Madaxweyne Nicolás Maduro oo ay keeneen Maraykanka – tallaabadan oo keentay falcelin ballaadhan oo caalami ah, saamaynteeduna siyaasadeed iyo amni waxay dhaaftay xuduudaha Laatiin Ameerika.
Tallaabadan Maraykanka ayaa soo jiidatay dareenka falanqeeyayaal badan iyo shakhsiyaad siyaasadeed oo kale oo waddammadooda Maraykanka khilaaf siyaasiya kala dhexeeyo. Qaar ka mid ah mucaaradka Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay ka walaacsan yihiin in waxa ka dhacay Venezuela loo arki karo qaab ama digniin maskaxda go'aan-qaatayaasha caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee ku socota, suuragalna ka ah ee Iran – inkasta oo xaqiiqooyinka iyo qaab-dhismeedka labada waddan ay aad u kala duwan yihiin.
Dhinacaas, maqaal dhawaan lagu daabacay wargeyska Jerusalem Post ee Israa'iil, Saeed Qasemejad iyo Navid Mohebbi ayaa ka digaya in ku celcelinta "qaabka Venezuela" ee Iran ay keeni karto cawaaqiib "masiibo ah" oo ku saabsan dadka Iran iyo amniga Israa'iil.
Saeed Qasemejad waa lataliye sare oo ka tirsan Hay'adda Difaaca Dimuqraadiyadda (Foundation for Defense of Democracies), Navid Mohebbi-na waa cilmi-baare iyo falanqeeye; labadooduba waxay ka mid yihiin qorayaasha buug-yaraha "Muddada Degdegga ah". Buug-yarahan ayaa qeexaya hab-raac lagu maamulayo Iran muddada u dhaxaysa burburka Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo samaynta nidaam siyaasadeed oo cusub muddo 18 ilaa 36 bilood ah oo kala-guur ah, iyadoo Amiir Reza Pahlavi loo qoondeeyay inuu noqdo hoggaamiyaha muddadaas.
Waaya-aragnimada Venezuela – iyo waxa qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ugu yeedhaan "qaabka Venezuela" – waa hab ay mudnaantiisu tahay in aanay daruuri ahayn burburka buuxa ee nidaamka siyaasadeed, balse abuurista awood cadaadis ah iyo ku qasbida awoodda talada haysa inay hoggaansanto.
Qaabkan, madaxa sare ee awoodda ayaa la daciifiyaa ama la saaraa, laakiin qaybta iyo mishiinka dawladda ayaa inta badan aan la taabanayn. Dhaleeceeyayaashu waxay rumaysan yihiin in habkan oo kale uu halkii uu ka keeni lahaa "xorayn" uu keeno "dib-u-soo-nooleynta dhibaatadii oo waji cusub leh".
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa hadallada mas'uuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka – sida Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio – ku fasiray dhankaas, iyagoo soo jeedinaya in dawladda Maraykanku ay doorbidayso qaab la mid ah kan Iran.
Mudane Rubio dhawaan wuxuu sheegay kulan ka dhacay Senatka Maraykanka oo ku saabsanaa beddelka suurtagalka ah ee Cali Khamenei, Hogaamiyaha Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, isagoo sheegay inuu rajaynayo in la heli karo "shakhsiyaad ku jira qaab-dhismeedka jira kuwaas oo suurtogelin kara nooc ka mid ah kala-guurka".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qaar ka mid ah khubarada ayaa hadalladaas u fasiray inay macnaheedu tahay in Maraykanku uu ujeeddadiisu tahay isbeddel hab-dhaqan oo ku yimaada nidaamka halkii uu ka ahaan lahaa beddelka nidaamka.
Sida uu qabo Saeed Qasemejad iyo Navid Mohebbi, ka saarista Cali Khamenei iyada oo aan la burburin qaab-dhismeedka Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay la mid tahay in la iska indhatiro dalabyada bulshada ee doonaysa isbeddel aasaasi ah. Waxay sidoo kale ku doodayaan in xaaladdan ay Israa'iil ka dhigayso mid wajahaysa isla hanjabaadihii hore, kaliya hoggaamiye cusub ayaa imanay.
Qorayaasha maqaalka ayaa rumaysan in "kala-guur muuqda" oo noocaas ah aanu joojinayn "mishiinka cadaadiska" mana burburin doono shabakadaha gobolka iyo kuwa militariga; waxa uu kaliya beddeli doonaa muuqaalka arrinta iyo ujeeddooyin dibloomaasiyadeed.
Cabsida ugu weyn ee dhaleeceeyayaasha qaabka Venezuela waxay tahay in reer Galbeedku, si ay uga fogaadaan bannaan-bax awoodeed iyo xasillooni-darro muddo-gaaban, ay aqbali karaan muuqaal noocaas ah – mid uu qof ka mid ah shakhsiyaadka gudaha nidaamka uu gacanta ku dhigo halka dalabyada inta badan ee bulshada la iska indhatirayo.
Walaacan waxa la soo qaadayaa xilli ay muuqato in mudaaharaadayaashii Iran ee sannadihii u dambeeyay ay ku nuuxnuuxsanayeen hal dalab oo guud: isbeddel aasaasi ah, maaha dib-u-habayn.
Qaabkan gudaha, qorayaasha maqaalka Jerusalem Post waxay xoogga saarayaan doorka Reza Pahlavi oo ah shakhsi dhexdhexaad ah oo ka tirsan mucaaradka Iran – shakhsi ay ku tilmaamaan inuu ku guulaystay inuu sameeyo xidhiidh u dhexeeya hoggaanka siyaasadeed iyo saldhigga bulshada ee mudaaharaadayaasha, inkasta oo aanay dhammaan mucaaradka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ku raacsanayn qiimayntan.
Sida ay sheegayaan taageerayaasha Mr. Pahlavi, ayaa ku dooda in doorashadooda ay u arkaan in la iska indhatiraa ay la macno tahay in la iska indhatirayo rabitaanka qaranka.
Qorayaasha maqaalka Jerusalem Post waxay sidoo kale qiimeeyaan in qaabka dawladda mustaqbalka ee Iran uu muhiim u tahay Israa'iil sidoo kale.
Benjamin Netanyahu, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, ayaa safarkiisii lixaad ee Maraykanka tan iyo sannadkii la soo dhaafay si uu ula kulmo Donald Trump ku jooga Washington, isaga oo yidhi: "Waxaan soo bandhigi doonaa mabaadi' gorgortan oo lala galayo Iran kuwaas oo aan keliya muhiim u ahayn Israa'iil balse qof kasta oo doonaya nabadda iyo amniga."
Guud ahaan, doodda ku saabsan "qaabka Venezuela" waxay ka tarjumaysaa wax ka badan saadaasha qeexan; waxay ka tarjumaysaa walaacyada ku saabsan hababka suurtagalka ah ee quwadaha shisheeye ay u wejihi karaan Iran.
Dhaleeceeyayaasha habkan ayaa ka digaya in diiradda la saaro isbeddel xaddidan oo keliya oo ku yimaadda madaxa sare ee qaab-dhismeedka awoodda, iyada oo aan wax laga qaban xaqiiqooyinka qotoda dheer ee hay'adaha, aysan kaliya ku guul darreysan doonin inay buuxiyaan dalabyada qayb weyn oo ka mid ah bulshada Iran, balse ay sidoo kale keeni karto cawaaqib aan la saadaalin karin oo ku saabsan xasilloonida gobolka iyo amniga jilayaasha muhiimka ah, oo ay ku jirto Israa'iil.













