Hooyo caruurteeda ay dileen kooxaha mintidiinta ah oo hadda nolosha kow ka bilaabaysa

Xigashada Sawirka, Noel Ebrin Brou/BBC
- Author, Nicolas Négoce
- Role, BBC Africa
- Reporting from, Nioronigué
- Author, Abayomi Adisa
- Role, BBC Africa
- Reporting from, Lagos
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Digniin: Aqristayaasha qaar ayaa dhibsan kara xogaha ku jira warbixintaan
Yameogo Aminata, oo 57 jir ah, oo fadhida qol mugdi ah oo ku yaalla xero qaxoonti oo ku taalla dalka Ivory Coast, waxa ay aad uga xumaatay xusuustii afartii wiil ee ay dhashay oo ay kooxaha jihaad doonka ah ku dileen waddankeedii hooyo ee Burkina Faso.
Sannadkii 2022, waxay ka maqnayd gurigeeda markii ay soo weerareen fallaagada hubaysan - kuwaas oo argagixiyay bulshooyinka ku dhaqan bartamaha Burkina Faso ku dhawaad 15 sano.
Kooxuhu waxay xoog kula wareegeen tuuladeeda, iyagoo ka qabsaday lo' iyo dhul, waxayna dileen dad badan oo deegaanka ah - oo ay ku jiraan wiilasheeda da'doodu u dhaxayso 25 ilaa 32 jir.
"Waxay qoorta ka gooyeen afar ka mid ah carruurtayda," ayay u sheegtay BBC-da, iyadoo jirkeeda uu gariirayo.
"Markii aan imid, waxay dilayeen wiilkeyga afaraad."
Aminata ayaa sheegtay in ay soo qabsatay mindi si ay isaga difaacdo, balse laga awood roonaaday, lana garaacay, laguna tuuray duurka, ayna uga tageen dhaawacyo daran oo ka soo gaaray madaxa, garabka iyo cunaha.
Sannadkii 2023, Aminata waxay u qaxday xerada Nioronigué ee dariska la ah Ivory Coast, iyadoo ilaalinaysa dharkii dhiiggu ku daatay maalintaas si ay xasuus murugo leh u noqoto.
"Ma garanayo sida aan noloshayda u maareeyo, waxba ma haysto," ayay u sheegtay BBC-da.
Ugu yaraan 10,000 oo qof ayaa lagu dilay qalalaasaha ka socda Burkina Faso, oo sidoo kale la daris ah Mali iyo Niger.
Qaramada Midoobay ayaa gobolka ku tilmaantay inuu yahay xudunta qalalaasaha jihaad doonka ah ee caalamiga ah.

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Militari ayaa la wareegay awooda saddexda wadan, iyagoo balan qaaday inay xakameynayaan kacdoonka.
Waxay ka guureen xulafadooda soo jireenka ah ee reer galbeedka, waxayna u weecdeen Ruushka inay ka helaan kaalmo militari.
Inkastoo ciidamada Ruushka oo wata calanka Afrika ee loo yaqaan African Corps ay ku sugan yihiin dalka Burkina Faso, haddana kacdoonku waa uu sii socday, iyadoo kooxda ugu awoodda badan ee xagjirka ah ay tahay urur taabacsan Al-Qaacida, Jama'at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM).
Si la mid ah Aminata, 60-jir beeraley ah Hassane Tall ayaa ka qaxay waqooyiga Burkina Faso 2023 isagoo wata saddex xaas iyo 19 caruur ah ka dib markii uu u dulqaatay weeraro badan.
"Waxaan ka baxsannay isku dhacyo dhexmaray kooxaha jihaad doonka ah iyo ciidamada ammaanka," ayuu yiri. "Waxaan u maleynay inaan dhiman doono."
Xerada Nioronigué oo 12 hektar ah oo hoy u ah Aminata iyo Tall ayaa u dhow xadka Burkina Faso. Waxaa la aas aasay 2023-kii waxaana aasaasay Qaramada Midoobay iyo maamulka Ivory Coast.
Xearada iyo kaamka Timalaayaa ayaa waxaa loogu talagalay ilaa 6,000 oo qof, waxaana haatan deggam ku dhawaad 13,000 oo qaxooti ah.
Xogta Qaramada Midoobay ayaa muujinaysa in in ka badan saddex milyan oo qof ay ka barakaceen colaado kala duwan oo ka dhacay gobolka Saaxil.
In ka badan 80,000 oo qof oo ka yimid Burkina Faso ayaa hadda ku nool xeryo ku yaalla Ivory Coast.

Xigashada Sawirka, Noel Ebrin Brou/BBC
Sheekooyin isku mid ah oo ku saabsan dad waayay dadkii ay jeclaayeen ayaa ka jira dhan walba oo xerada ah.
Qaar ka mid ah qaxootiga ayaa ka yimid Mali. Waxa ku jira 27 jir ka qalin jabiyay maaliyadda. Isaga iyo walaalihii waxa ay dhawaan safar halis ah ku galeen doon alwaax ah oo ay wabiga Niger uga soo talaabeen, ka dibna waxa ay bas ka raaceen waqooyiga Ivory Coast si ay u badbaadaan.
Ardayda qalin jabisay ayaa sheegay in lagu qasbay in ay baxaan kadib markii wiil ay ilma adeer ahaayeen oo 24 jir ah ay dileen kooxo looga shakisan yahay in ay jihaad doonka.
"Wuxuu ahaa Kalluumeysato, xilli habeen ah ayuu ka soo kalluumeysanayay sida caadada ah, waxaa soo weeraray labo nin oo watay Mooto Bajaaj, waana waxyaabaha maalin walba dhaca.
"Waxaan ku noolayn cabsi, ma garanayno inaan soo toosi doono maalinta xigta," ayuu u sheegay BBC.
Aminata, bilaabista nolol hadda iyo kow ah waxaa u dheer culayska ay ku hayso xasuusta ilmaheedii.
"Weli maskaxdeyda kama tirtiri karo wixii igu dhacay," ayay tiri.
"Waxaan Ilaah ka baryeynaa in nabadu ay dib ugu soo laabato Burkina Faso."
Tabin dheeraad ah waxaa sameeyay Noel Ebrin Brou













