Dhegeyso: Cutubka shanaad ee dastuurka iyo doodda ka taagan
Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo
Xuldhibaannada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa ka dooday qaybo ka mid ah cutubyo dastuurka ka mid ah oo loo gudbiyey Baarlamaanka si wax looga beddelo.
Qaybahaas ka mid ah cutubyada laga doodayo waxaa ka mid ah cutubka shanaad oo si gaar ah uga hadlaya maqaamka magaalada Muqdisho, iyo in ay noqonayso maamul goboleed iyo in kale.
Arrintan ayaa imaanaysa ayadoo weli khilaaf siyaasadeed uu jiro, gaar ahaanna wax ka beddelka dastuurka, waxaana dhanka kale tiro xildhibaanno ah laga joojiyey ka qayb galka fadhiyada Baarlamaanka. Si aan haddaba wax badan uga ogaanno waxa ay ku salaysan tahay dooddan ayuu Faarax Lamaane ka waraystay Abuukaate Kediye










