BBC-da oo daaha ka rogtay shabakado rag ah oo si qarsoodi ah u duuba haween ismoog

.
Qoraalka sawirka, BBC-da oo baaritaan ku ogaatay shabakad haweenka khaawista
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Baaritaan ay BBC-du samaysay ayaa lagu ogaaday rag si qarsoodi ah u duuba haween marka ay habeenkii bannaanka u baxaan, ka dibna ay lacag ka sameeyaan iyaga oo muuqaallada ku daabaca internet-ka.

Muuqaallada oo inta badan loo yaqaan "tamashle ama habeen-bax ku jira," waxaa lagu daabacaa YouTube, TikTok, Facebook iyo Instagram. Waxayna badanaa diiradda saaraan haween xiran cambuurro iyo goonooyin gaagaaban, kuwaas oo inta badan laga duubo dhabarka ama xaglo hoose, mararka qaarkoodna muujinaya qaybo jirkooda ka mid ah oo si u dayacan.

Waxaan helnay ku dhowaad 50 haween ah oo muuqaallo laga duubay, waxaana ogaannay in badankood aysan war ka hayn waxa dhacay. Waxayna muujiyeen dareen cabsi iyo yaxyax.

Haweeney 21 jir ah oo laga duubay xagal hoose oo muujinayay goonadeeda, ayaa sheegtay in aragtida sawirradeeda oo la soo geliyay iyada oo aan oggolaansho laga haysan ay si weyn u saamaysay, ilaa ay haddana ay dareento shaki iyo cabsi mar kasta oo ay guriga ka baxdo.

.
Qoraalka sawirka, Haween la fadeexeeyey

BBC-du waxay aqoonsatay in ka badan 65 kanaal oo internet-ka ah oo soo bandhiga fadeexadaha noocan ah, kuwaas oo muuqaalladooda la daawaday in ka badan 3 bilyan jeer saddexdii sano ee la soo dhaafay. Muuqaalladu waxay diiradda saaraan habeen-baxyada magaalooyin waaweyn oo dunida, sida London, Oslo, Miami iyo Bangkok, balse mid ka mid ah meelaha ugu caansan waa maagalada Manchester ee dalalka Ingiriiska.

Kooxdeenna dabagalku waxay si qarsoodi ah uga hawlgashay magaaladan, iyaga oo kor ka duubay rag si qarsoodi ah u duubaya haween habeen-bax ku jira, waxayna kashifeen qaar ka mid ah dadka falkaas ku lugta leh qaarkood, kuwaas oo lala xiriiriyey 12 barood oo sawirrada lagu daabaco.

raggaas waxaa ka mid ahaa darawal taksi oo deegaanka ah iyo laba nin oo ka yimid Sweden, si ay UK uga duubaan muuqaallo fadeexeynayo haween. Laba nin oo kale, oo sida ku cad barahooda bulshada fadhigoodu yahay Norway iyo Monaco, ayaa la arkay iyaga oo duubaya, balse ma aanan xaqiijin aqoonsigooda.

Baaritaankeennu waa tusaale kale oo muujinaya haween lagu duubayo goobaha dadweynaha iyaga oo aan oggolaansho ama ogaal toona laga haysan, inta badanna faa'iido dhaqaale laga sameeyo.

Baaritaan madax-bannaan oo BBC-du samaysay bishii hore ayaa muujiyay sida rag baraha bulshada saameyn ku leh oo sheegta in ay bixiyaan talooyin ku qotoma xiriir jaceyl ay duubaan wada-hadallo ay la yeeshaan haween, iyagoo adeegsanaya muraayadaha ama ookiyaalaha wax duuba, ka dibna ugu daabacaan internet-ka.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Ingiriiska, Shabana Mahmood, ayaa mar arrintan wax laga weydiiyey sheegtay in dowladdu aysan u dulqaadan doonin in si khaldan loo adeegsado tiknoolajiyadda cusub, si loo huriyo rabshadaha iyo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

Duubista goobaha dadweynaha ma aha dembi, balse qareen ku takhasusay ku xadgudubka sawirrada ayaa sheegay in noocyadan muuqaalladu ku jiraan waxa loo yaqaan "aag sharci oo mugdi ah," isla markaana laga yaabo in ay jebiyaan sharciyada ka dhanka ah dhibaataynta iyo khaawisaadda.

.
Qoraalka sawirka, Rag humbulan oo dumarka sawirro ku xada
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qaar ka mid ah muuqaalladii aan la wadaagnay YouTube weli waa la heli karaa. Madasha wadaagista muuqaallada ayaa joojisay laba akoon kadib markii aan la xiriirnay annaga oo u gudbinnay natiijooyinka baaritaankeenna.

TikTok waxay tirtirtay afar kanaal. Muuqaallada ku jira Facebook iyo Instagram weli way shaqeynayaan yihiin.

Dhammaadkii Oktoobar, Grace (magac aan ahayn kan dhabta ah) waxay joogtay bannaanka naadi (Club) ku yaalla Manchester, iyadoo taleefankeeda ku qaadaysay sawirro si ay ugu dabaaldegto dhalashada 21-aad ee saaxiibteed. Walaasheed ka yar, Sophie (magaceeda waan beddelnay), ayaa la joogtay. Waxay dhawaan u buuxsamay 18 sano, waana markii ugu horreysay ee ay naadi katagto magaalada.

"Waxay ahayd habeen caadi ah," ayay tiri Grace. "Wax fikrad ah kama aanan qabin in nala duubayo."

Ma ogeyn ilaa aan la xiriirnay in muuqaal daqiiqaddaas laga duubay lagu daabacay YouTube. Muuqaalkaas, oo muujinayay goonadeeda, waxaa daawaday in ka badan saddex milyan oo qof oo ajnabi ah internet-ka.

Sophie waxay ka soo muuqatay muuqaallada, balse iyada diiradda lama saarin. Waxayna muujisey sida ay uga walwalsan tahay waxa ku dhacay.

"Bannaanka uma bixin in muddo ah, sababtoo ah waan baqayaa," ayay tiri. "Tani ma aha wax caadi ah. Mana ahayn in ay nagu dhacdo."

Grace iyo Sophie waxay ka mid yihiin kumannaan haween ah oo aan ku aragnay boqolaal muuqaal intii uu socday baaritaankan. Labadoodana hal su'aal ayaa u taagan: yaa duubayay, maxaase ku kallifay ficillada caynkaan ah?

Sawirrada hordhaca ah (thumbnails) ee ku dhowaad dhammaan muuqaallada la daabacay waxay diiradda saaraan haween da'yar oo xiran dhar ama goonooyin iyo kabo cirbo dhaadheer, iyadoo cinwaannadu caddeynayaan in haween kale soo muuqan doonaan duubista.

Muuqaallo badan oo laga duubay Manchester waxay muujinayaan haween u kala gooshsaya naadiyada ama fadhiya hareeraha waddooyinka, iyadoo kamaraddu inta badan istaagto marka ay hagaajinayaan dharkooda ama hoos u jiidayaan goonadooda.

Inkasta oo ay fududayd in la aqoonsado haween badan oo ka muuqda muuqaallada, haddana way adkayd in la helo ragga maamula kanaallada. Waayo uma adeegsadaan magacyadooda dhabta ah internet-ka, balse qaar badan ayaa lagu aqoonsaday xog si guud loo heli karo.