Maxay tahay sababta uu senetor-kan Maraykanka ah ugu baaqay in xayiraad la saaro taliyaha ciidanka Uganda

Muhoozi & Risch
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Xubin sare oo ka tirsan aqalka senetka ee Maraykanka ayaa ku baaqay in xayiraad lagu soo rogo taliyaha ciidanka difaaca ee Uganda Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayadoo Washington ay dib u qiimayn ku samaynayso xiriirka dhanka iskaashiga amniga, ka dib doorashadii uu muranku ka dhashay.

Senator Jim Risch oo ah mudane ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, ahna guddoomiyaha guddi hoosaadka seentka u qaabilsan xiriirka dibadda ayaa qoraal uu soo saaray dhawaan wuxuu kaga hadlay doorashadii Uganda ka dhacday bartamihii bishii hore, taasoo la sheegay n madaxweyne Museveni uu markii todobaad ku guulaystay.

Risch ayaa ku gacan sayray doorashada, kuna tilmaamay mid sharci darro ah, isagoo sheegay in kaliya ay tahay marmarsiiyo uu xukunka ku sii haysanayo Museveni.

Muhoozi

Xigashada Sawirka, X

Wuxuu isbarbardhig ku sameeyey doorashadii Uganda iyo tii ka dhacday Tanzania, hase yeeshee wuxuu sheegay in xaaladda Uganda ay walaac gaar ah leedahay sababo la xiriira xiriirka dhow ee dhinaca amniga ee kala dhaxeeya Maraykanka.

"Uganda waa bahwadaag goboleed muhiim u ah Maraykanka" ayuu yiri Risch. Wuxuu imtaa raaciyey "Haa rajiimka ka taliya wuxuu muihiimadda siiyey in arrimaha gudaha uu ku xalliyo qaab wata rabshado siyaasadeed, afduub, xarig, caga jugleyn ka dhan ah mucaaradka, iyo si xun u isticmaalid hay'adihii dawliga si xukunka loo sii haysto".

Risch wuxu kaloo hadalkiisa ku soo daray Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, taliyaha ciidanka milateriga ee Uganda, ahna wiilka uu dhalay madaxweyne Museveni.

Senetorku wuxuu sheegay inuu noqon karo bartilmaameed xayiraad la saaro ayadoo la cuskanayo shuruucda maraykanka ee hadda jira.

"Si la mid ah Tansaaniya, maamulku waa inuu dib u qiimeeyaa xiriirka dhinaca amniga ee Maraykanku la leeyahay Uganda, isagoo ka bilaabaya dib u eegis ku saabsan in cunaqabatayn lagu soo rogo jileyaal gaar ah, oo uu ku jiro Jeneral Muhoozi Kainerugaba," Risch ayaa yiri.

Risch

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xiisadda ayaa bilaabatay markii Muhoozi uu ku qoray barta X in safaaradda Maraykanka ee Kampala ay ka caawisay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine inuu baxsado ama ama ay faragelin ku samaysay arrimaha gudaha ee Uganda.

Goor dambe ayuu qoraalka tiray isagoo raalli gelinna bixiyey, sheegayna inuu helay xog aan sax ahayn, uuna la xiriiray oo la hadlay safiirka Maraykanka. "Iskaashiga si caadi ah ayuu u sii soconayaa" ayuu sii raaciyey.

Hase yeeshee Senetor Risch oo laga soo doorto gobolka Idaho, saaxib dhowna la ah madaxweyne Trump ayaa ku gacan sayray isagoo sheegay in raalli galin kaliya aysan ku filnayn.

Labada nin ayaa qoraallo ay isku weerarayaan isku mariyey barta X ee hore loo dhihi jiray Twitter.

Tiro Jeneraallo ah oo u dhashay dalka Uganda ayaa waxaa saaran cunaqabateynta Mareykanka, waxaana saraakiishaas ka mid ah Jen. Kale Kayuhura, madaxii hore ee Booliska; iyo Jen. Abel Kandiho, madaxii hore ee sirdoonka milatariga. Sannadkii 2023-kii, Guddomiyaha Xabsiyada Johnson Byabasahija waxa sidoo kale cunaqabatayn saaray Maraykanku isaga oo u cuskanaya eedaymaha jirdilka maxaabiista ah ee maamulka xabsiga Uganda.

Cunaqabatayntu waxay sidoo kale saamaysay madaxda rayidka ah. Guddoomiyaha baarlamaanka Anita Among ayaa sanadkii 2024-ka la saaray cunaqabateynta Mareykanka, sababo la xiriira musuq maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.