Baaritaan: Maxaa ka jira in Imaaraadku Itoobiya ka dhisay xero lagu tababaro fallaagada Suudaan ee RSF

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Warbixin baaritaan ah oo wakaaladda wararka Reuters ay daabacday ayaa shaaca ka qaadday in xero tababar oo ay leeyihiin Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee Suudaan (RSF) laga dhisay deegaanka Benishangul-Gumuz ee waqooyi Galbeed ee dalka Itoobiya.

Warbixintan ayaa soo baxday xilli la sheegayo in dalal deris la ah Suudaan iyo kuwo Bariga Dhexe ay si isa soo taraysa ugu lug leeyihiin colaadda aloosan Suudaan.

Wakaaladda Reuters waxay sheegtay in dhismaha xeradan tababar uu muujinayo in Itoobiyaanku ku lug leeyihiin dagaalka Suudaan. Waxayna intaas ku dartay in taageeridda RSF xilli dagaalku si gaar ah ugu sii xoogeysanayo koonfurta Suudaan ay sii xumaynayso khatarta iyo waxyeellada colaadda daba-dheeraatay.

Sida warbixinta lagu sheegay, saddex ilo wareed oo ay ku jiraan mas'uul sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa tilmaamay in dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) uu taageeray dhismaha xeradan milatari, islamarkaana uu bixiyay tababar iyo taageero dhanka saadka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Reuters waxay sheegtay in aysan hayn caddeyn gaar ah oo si buuxda u xaqiijinaysa doorka UAE ee taageerada xeradan.

Reuters ayaa sheegtay in ay su'aalo arrintan ku saabsan u dirtay dowladda UAE, balse wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ay kaliya ku jawaabtay in "UAE aysan sinnaba ugu lug lahayn colaadda Suudaan."

Dagaalka u dhexeeya ciidanka Suudaan iyo RSF ayaa billowday sanadkii 2023, kaddib markii la afgambiyay dowladdii talada haysay, iyadoo khilaaf ka dhashay hanaanka kala guurka ee lagu gaari lahaa dowlad rayid ah. Tan iyo markaasna, dagaalku wuxuu ku fiday gobollo kala duwan, isagoo meelaha qaar isku beddelay colaado ku saleysan qabiil.

Malaayiin muwaadiniin Suudaani ah ayaa u qaxay Masar, Chad, Liibiya iyo Koonfurta Suudaan. Labada dhinac ee dagaallamaya ayaa taageero ka helay dalal shisheeye, taas oo sii hurisay colaadda isla markaana keentay in dagaalku ku fido dalalka deriska ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Reuters ayaa sheegtay in ay wareysatay 15 ilo wareed si ay u diyaariso warbixintan, ku waas oo ay ku jireen mas'uuliyiin sare iyo diblomaasiyiin Itoobiyaan ah. Sidoo kale, waxay falanqeysay sawirro dayax-gacmeed qaaday oo muujinaya aagga xerada milatari.

Warbixintu waxay sheegtay in xogta ay bixiyeen laba sarkaal oo ka tirsan hay'adaha ammaanka Itoobiya iyo sawirrada dayax-gacmeedka ay is waafaqayaan.

Goobta, baaxadda xerada iyo ku lug lahaanshaha UAE arrintan horay looma soo sheegin.

Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujiyay qaab-dhismeedka xerada, iyo sidoo kale saldhig diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) oo laga dhisay meel u dhow garoon diyaaradeed oo deegaanka ku yaalla.

Sida sawirradu tilmaamayaan, dhaqdhaqaaqyada dhismaha xeradan oo ku taalla galbeedka Itoobiya, kuna dhow xadka Suudaan ee Benishangul-Gumuz, ayaa billowday bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, sida ay Reuters sheegtay.

Reuters ayaa intaas ku dartay in aysan ku guuleysan in ay jawaab ka hesho afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, mas'uuliyiin militari oo Itoobiyaan ah, iyo RSF midkoodna.

6-dii Janaayo, Imaaraadka iyo Itoobiya ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan ay ku dalbanayaan in la joojiyo dagaalka Suudaan, iyagoo ku tilmaamay xiriirkooda mid xooggan oo saldhig u ah sugidda amniga labada dal.

Ciidanka Suudaan ilaa hadda wax faallo ah kama bixin arrintan.

Reuters ayaa ku warantay, iyada oo tixraacaysa xog ay ka heshay hay'adaha ammaanka Itoobiya, in illaa bilowgii bishii Janaayo ay xeradan tababar ku qaateen qiyaastii 4,300 askari oo RSF ah. Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in taageerada hubka iyo saadka militari ay bixisay dowladda UAE.

Ciidanka Suudaan ayaa horay ugu eedeeyey UAE in ay hubeyso RSF, eedeyntaasi oo ay xaqiijiyeen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay iyo sharci-yaqaanno Mareykan ah.

Tan iyo markii Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu xilka qabtay 2018, UAE waxay siisay Itoobiya taageero ballaaran, iyadoo labada dal ay dhowaan xoojiyeen xiriirkooda militari.

Reuters, iyada oo soo xiganaysa lix mas'uul, ayaa sheegtay in askarta tababarka qaadanaysa ay ku jiraan muwaadiniin Itoobiyaan ah, halka qaar kalena ay yihiin Suudaaniyiin iyo Koonfur Suudaaniyiin.

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta madaxa-bannaan ma aysan xaqiijin karin cidda saxda ah ee halkaas lagu tababarayo.

Mid ka mid ah kooxaha la sheegay in xerada lagu tababarayo waa SPLM-N, oo ah koox mucaarad ku ah dowladda Suudaan, kana sugan aagga Blue Nile ee xadka Suudaan.

Sarkaal sare oo ka tirsan SPLM-N, oo diiday in magaciisa la shaaciyo, ayaa beeniyey in ciidamadiisu ku sugan yihiin gudaha Itoobiya.