Netanyahu iyo Trump oo ka wadahadlay arrimo ku saabsan nukleer

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacada ku qaabilaya Aqalka Cad Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, xilli xiisadaha ka aloosan Bariga Dhexe ay sii kordhayaan, isla markaana ay meel xasaasi ah marayaan wada-xaajoodyada lagu xakameynayo barnaamijka hubka nukliyeerka ee Iiraan.

Netanyahu ayaa la filayaa inuu Trump ku cadaadiyo in la gaaro heshiis aan ku koobnayn joojinayn kobcinta yuraaniyamka Iiraan, balse sidoo kale xaddidaya barnaamijkeeda gantaallada ridada dheer ee loo yaqaan Ballistic-ga ah iyo taageerada ay siiso kooxaha Xamaas iyo Xisbullah.

"Waxaan madaxweynaha u soo bandhigi doonaa aragtideenna ku saabsan mabaadi'da wada-xaajoodyadan," ayuu yiriNetanyahu oo warbaahinta la hadlay ka hor intii uusan u ambabixin Maraykanka.

Iiraan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in ay xaddido barnaamijkeeda nukliyeerka si looga qaado cunaqabateynta, hase yeeshee way diidday dalabaadka kale oo dhan.

Ka hor kulanka Aqalka Cad, Madaxweynaha Iiraan Mascuud Pezeshkian ayaa ka digay in dalkiisu "uusan u hoggaansami doonin dalabaadkooda xad-dhaafka ah ee uga imaanaya mareykanka iyo xulufadiisa".

Booqashada Netanyahu ee Arbacada ayaa noqonaysa safarkiisii lixaad ee uu ku tago Maraykanka tan iyo markii Trump dib ugu soo laabtay xafiiska – taas oo ka badan hoggaamiye kasta oo kale oo caalami ah.

Netanyahu oo xulafo dhow la ah Trump ah ayaa muddo dheer ku doodayey in Iiraan ay halis amni ku tahay Israa'iil, wuxuuna ku riixayey Maraykanka in uu xaddido saameynta Tehran ee gobolka.

"Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu aaminsan yahay in wada-xaajoodyadu ay khasab tahay in ay ku jiraan xaddididda gantaallada ballistic-ga ah iyo joojinta taageerada xooggan Iiraan ee Iraan u fidiso kooxo xagjirka ah ," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska Netanyahu ka hor safarkiisa.

Kadib markii uu Talaadadii gaaray Washington, Netanyahu wuxuu la kulmay ergayga gaarka ah ee Trump, Steve Witkoff, iyo wiilka Trum soddog u yahay ee Jared Kushner. Labadooduba "waxay bixiyeen warbixin ku saabsan wareeggii koowaad ee wada-xaajoodyadii ay Jimcihii la yeesheen Iiraan," sida lagu sheegay xafiiska ra'iisul wasaaraha.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Booqashada Netanyahu waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Maraykanku kordhinayo joogitaankiisa milatari ee Bariga Dhexe, iyadoo Trump uu Tehran uga digay weerarro haddii ay ku guul darreysato in ay gaarto heshiis ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka islamarkaana ay joojiso dilka dibadbaxayaasha.

Talaadadii, madaxweyne Trump wuxuu sheegay in uu "ka fikirayo" in uu Bariga Dhex u diro raxan labaad oo maraakiib dagaal ah, ku waas oo uu ku jiro nuuca diyaaradaha xambaara

Waxaa horay gobolka u joogey koox kale oo maraakiib ah oo uu horkacaya USS Abraham Lincoln ayaa bishii hore loo diray gobolka kadib markii Trump uu ku hanjabay inuu weerari doono Iiraan si uu u joojiyo cadaadiskii dowladeed ee dibadbaxyada ballaaran oo kumannaan qof lagu dilay.

"Waxaan leenahay ciidan badeed ballaaran oo halkaas u socda, mid kalena wuu raaci karaa," ayuu Trump ku yiri wareysi uu siiyay Axios. Wuxuu sheegay in Iiraan "si weyn u rabto inay heshiis gaarto", isagoo intaas ku daray in xal diblomaasiyadeed uu weli suurtagal yahay.

Khudbad uu Arbacadii ka jeediyay isu-soo-bax ka dhacay Tehran oo lagu xusayay sanad-guuradii 47aad ee kacaankii Islaamiga ahaa ee Iiraan, Pezeshkian wuxuu yiri: "Iiraanteennu ma u hoggaansami doonto gardarro, balse waxaan si buuxda u sii wadaynaa wada-hadallada aan la leenahay dalalka deriska si aan nabad iyo xasillooni uga hirgelinno gobolka."

.

Madaxweynaha Iiraan ayaa sidoo kale ku celiyay in dalkiisu "uusan doonayn inuu helo hub nukliyeer". "Arrintan marar badan ayaan sheegnay, waxaana diyaar u nahay xaqiijin kasta," ayuu raaciyay.

Saraakiil Israa'iili ah ayaa sidoo kale sheegay in dalkoodu uu xaq u leeyahay in uu tallaabo milatari ka qaado Iiraan haddii aysan heshiis nukliyeer la gaarin Maraykanka.

Khubaradu waxay sheegeen in Netanyahu uu cadaadis kala kulmayo xulafadiisa midigta fog ee dowladdiisa si uu uga faa'iideysto xiriirkiisa Trump uguna riixo heshiis ballaaran oo Maraykan iyo Iiraan dhex mara oo daboolaya welwelka amni ee dowladda Israa'iil.

"Israa'iil waxay ka welwelsan tahay in degdegga lagu doonayo heshiis lala gaaro Iiraan awgiis, madaxweynuhu aqbalo heshiis aan wax ka qaban barnaamijka gantaallada Iiraan ama taageeradeeda kooxaha mintidka ah, ama u oggolaanaya inay haysato wax ka haray barnaamijkeeda nukliyeerka," ayuu yiri Daniel Byman, oo bare ka ah Jaamacadda Georgetown.

Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in hoggaamiyeyaasha Iiraan ay hadda ku sugan yihiin xaalad ka duwan dagaalkii 12-ka maalmood socdey ee ay wadajirka u fuliyeen Maraykanka iyo Israa'iil, kaas oo lagu beegsaday xarumaha nukliyeerka iyo kuwa milatari ee Iiraan.